Print

Heesta goroyo

Written by Osman Aden on .

 Heestan waxaa curiyey abwaan Xassan Sheekh Muumin.

Heestani waxa ay inoo sheegaysaa in xoogga iyo weynida

ay caqliga, aqoonta iyo asluubta wanaagsani ka waxtar badantahay.

Denne sangen forteller oss om hvor viktig det er å ha god oppførsel,

tenke riktig og skaffe seg utdanning.

 

 

Gorayadu ilmeheeda aroori

bay dhigtaayoo aboodigu

ku laayaa. Shimbirtuna

aroos ay ila xidhoo amaana

bay ubadkeeda seexisaa.

Kala awran labaduye

Edebta iyo aqoontiyo

Asluubtay isku dhaafeen.

Caqligii wanaagsanii.

Itaal inuu ka roonyahay

Baleegoo ufiirsadaa

Ilko weynoow maroodigu

araddaduu mirtaa baa

cadawgu ka ugaadhaa

aboorkuna dundumadaad

aragtay buu dhistaayoo

naftiisa ku ilaaliyaa.

Kala awran labaduye

Edebta iyo aqoontiyo

Asluubtay isku dhaafeen.

Caqligii wanaagsanii.

Itaal inuu ka roonyahay

Baleegoo ufiirsadaa

Ma ogtihiin sagaaradu

awaarahay qoddaa ooy

saaladeeda ku aastaa

libaaxu na ma asturee

hilimmaduuka arooruu

sidhadiisa ku aslaa.

Kala awran labaduye

Edebta iyo aqoontiyo

Asluubtay isku dhaafeen.

Caqligii wanaagsanii.

Itaal inuu ka roonyahay

Baleegoo ufiirsadaa

Ufiirso ereyadan raadina micnahooda:

Aroori:

Aboodi:

Ilaxidh:

Awran:

Arddaa:

Awaare:

Saalo:

Sindho:

Dundumo:

 Laylis

 I. Ka jawaab su,aalahan.

  1. Heesta ayaa tiriyey?
  2. Dundumo waamaxay?
  3. Heestu maxay xambaarsantahay?
  4. qor magacyada xayawaanka heesta ku jira.

 

II. Ereyadan macnahooda Sheeg:

 

Arddaa:

Awaare:

Saalo:

Sindho:

Dundumo: