HESHIIS DARRO
Sheekadani waxay ku saabsantahay lab bisadood oo guri udhacay, kana soo
Xaday hilib. Hilbkii si ay u qaybsadaan ayey ku heshiinwaayeen oo isku dileen. Kadib waxay iskula tageen daayeer si uu si cadaalad ah ugu qaybiyo. Laakiin wax la,aan baa ka raacday.
Eventyret handler om to katter som stelte kjøtt, men kunne ikke vare enige om delingen. Til slutt bestemte de å gå til en ape slik at han kan dele den likt. Apen lurte dem slik at han spiste kjøttet for seg selv.


Laba bisadood baa habeen isa soo rsacay, guri bay u dhaceen
oo ay hilib ka xadeen. Markii ay dibadda ula soo baxeen,ayey mid waliba doontay in ay ta kale ka qayb badsato.
Halkii bay isku laayeen, wajiga ayey iska diirtecn. Qaddar markii ay is xagxaganayeen ayay midi tii kale ku tiri: «Naa waatanoo waa isku dhimanaye aynu garsoore isula tagno, hilibka ha inoo kala qaybshee"Bisaddii kalena taladaa ayay yeeshay.Waxay u yimaadeen daayeer. Hilibkii bay hordhigeen, in uu si sinnaan ah ugu qaybiyo ayay weydiisteen. Daayeerkii mindi iyo miisaan buu soo qaatay. Hilibkii buu laba u qaybshay. Qaybba kafad buu saaray. Kolba dhinaca cuslaada ayuu in weyn ka jaraa oo uu cantuugaa ilaa uu hilibkii sidaas ku laastay. Markaasuu labadii bisadood ku yiri : «Sidaas baan midkiina qayb dheeraad ahi ku raacin». Markaasay labadii bisadood caro iyo ciil ugn baxday. Wexay sameeyaanna garan waayeen.
Mid baa tii kale ku tiri : «Bal haddaynu markii innagu qunyar ku heshiin lahayn, waxaasi oo khasaare ahi inam qabsadeen». Markaasay tii kale tiri «waa runtaaa».
LAYLIS
Weydiino
l. Bisaduhu xagee bay u dhaceen?
2.. Maxay isku dileen?
3. Daayeerkii sidee buu hilibkii ugu kala qaybiyey?
4. Maxay bisaduhu ka caroodeen?
5. Bisadda immisa magac oo kalc ayaa loo yaqaan?
Ereyadan weedho geli :
bisadood, habeen, dhaceen, weji, qayb, dileen, diir.
U FIIRSO
Keli (entall) Jamac (flertall)
bisad bisado
gabar gabdho
naag naago
dameer dameero
kab kabo
geed geedo
Fiiri marka jamaca tiro la raaciyo sida uu noqonayo
bisad bisado laba bisadood
gabar gabdho laba gabdhood
naag naago laba naagood
dameer dameero laba dameer
nin niman afar nin
qalin qalimo shan qalin
lax laxo laba laxaad


