Print

Khiyaano

Written by Abdi Mohamoud Handulle on .

slangerev-2269blharelvevann

(Eventyr som handler en rev som skulle lure løve,hare,slange,bål og vann)

Bari baa waxaa jiri jiray xayawaan badan oo wada lahaa qaalin geel ah. Xayawaankaasi

waxay kala ahaayeen Dawaco, Libaax, Mas, iyo Bakayle, iyo waliba waxaa kaloo la lahaa

Dab iyo Biyo.

 

Dawacadu waxay ahayd khiyaanoolay. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa dhacday

dawacadii ayaa maskii ku tiri, “Waryaa Masow, libaaxu wuxuu rabaa in uu na wada cuno

uu qaato qaalinta kaligiis; markaa orodoo soo dil.”

Markaa maskii sidii ayuu sameeyay.

Haddana dawacadii waxay u tagtay dabkii, waxayna ku tiri, “Waryaahee, maskii wuxuu

dilay libaaxii, haddana wuxuu rabaa in uu na wada dilo; markaa orodoo soo gub.”

Sidii ayuu sameeyay.

Ka dib dabkii wuxuu ku dhacay biyihii, wuuna damay.

Aakhirkii waxaa isku soo haray dawacadii iyo bakaylihii.

Maalin maalmaha ka mid ah ayay waxay wada wateen qaalintii. Waxaana horay socday

bakaylihii, gadaalna waxaa socday dawacadii.

Qaalintii geela ahayd ayay dabada wax uga dhufatay. Waxay is tiri, “Qaalinta waxay

harraantinaysaa bakaylaha,” laakiin iyadii ayay harraantisay. Sidii ayay ku dhimatay.

Halka waxaa qaalintii ku qaatay bakaylihii.

 

Layli:

Ka jawaab suaalahan.

1. Xayawaanku maxay wada lahaayeen?

2. Dacawado maxay ku tidhi Maska?

3. maxay ku tidhi dacawado dabka?

4.Yaa hashii u hadhay?