Print

DAWACO IYO WARAABE

Written by Abdi Mohamoud Handulle on .

rev-22691hyene tachetee013(Eventyr om en rev som lurer en hyene)

Beri baa waxaa saaxiib ahaa Dacawo iyo Waraabe. Waxaa layidhi, Waraabuhu xoolo badan ayuu lahaa, laakiin dacawadu wey xoolo yarayd. Dacawada oo Soomaalidu ay ku tilmaanto in ay caqli badan tahay, ayaa Waraabihii waxay la yeelatay xidhiidh wanaagsan, ujeeddaduse wey ka duwanayd midda xidhiidhkooda saaxiibnimo. Waraabihii wuxuu go'aansadey in ay is guursadaan isaga iyo Dawacadu, ayaduna waxba kama diidin oo wey ka ogolaatey codsigii, waaney is guursadeen.

Maalintii danbe ayaa Dawacadii ka war heshay in Libaax uu raadinayo qof xoolaha u raaca. Markaasey tidhi, "war Libaax, xoolihii wax kuu raaca ma heshey." Markaasuu yidhi, "maya." Intey iska dhigtey wax ka naxaya, ulana haddashey si naxariisle ayey ku tidhi, "Iska seexo anaa kuu raaci xoolaha maante!" Libaaxii wuu oggolaaday, wuxuuse kula dardaarmey in ay xoolaha sifiican u raacdo ha ka werwarin ayey ku jawaabtey, Libaaxiina wuu iska seexday.

Dacawadii waxay cuntay neefkii ugu shishlaa xoolaha libaaxa, cad yar ayey soo qaadday oo intey u timi waraabihii oo hurda afka u marmarisay hilibkii dhiigiisii, oo iskaga tagtey. Waxaa u yimi libaaxii dawacadii oo xoolihiisii la joogta, markaas ayuu xoolihii tiriyey. Waxaana maqnaadey neefkii ugu shishlaa xoolaha, libaaxii wuxuu waydiiyey dacawadii halka uu neefkii jiro, waxay ku tidhi, "waxaa cunay Waraabe, markii aan isku dayey in aan ka celiyo, wuu diiday waanu ila dagaalamey."

Libaaxii wuxuu u tagay waraabihii oo hurda, markaasuu arkey waraabihii oo afka dhiig ku leh. Markaas ayuu libaaxii rumaystay waxay dawacadu sheegaysay oo cunay waraabihii. Dacawadii sidaas ayey ku dhaxashay xoolihii waraabaha oo dhan.

Layli:

  1. 1.Waraabaha iyo dacawado maxay wada lahaayeen?
  2. 2.Muxuu waraabuhu ka dalbaday dacawada?
  3. 3.Siday dawacadu u khiyaamaysay waraabaha?
  4. 4.Yaa dilay waraabihii?
  5. 5.Yaa dhaxlay xoolihii?

Erayo la macna ah u raadi erayadan hoos ku qoran:

  1. 1.Waraabe
  2. 2.Dacawo
  3. 3.Ogolaansho
  4. 4.Shilis