Print

Sagaalka Meere

Written by Abdi Mohamoud Handulle on .

 

Oppleget handler om vårt solsystemet og det 9 planeter.

 Målet er at elevene kunne navnene av planetene.

1. Dusaa (Merkur) – waa meeraha koobaad oo ka mid ah meereyaasha qorraxda ku wareega. Waa meeraha ugu sukeeya haddii xagga qorraxda laga eego; sidoo kale wuxuu noqonayaa kan sideedaad haddii dhinaca weynaanta laga eego; waxa kale oo Soomaalidu u taqaannaa Cuddaar; wuxuu u dhexeeyaa qorraxda iyo waxaraxirta.

Merkur er den nærmeste planeten til Solen og den åttende største. Mercury er litt mindre i diameter enn måner.

 

Print

MEEREYAASHA SAGAALKA AH EE QORRAXDA KU WAREEGA

Written by Abdi Mohamoud Handulle on .

cirjiidhaha

1. Dusaa (Mercury) – waa meeraha koobaad oo ka mid ah meereyaasha qorraxda ku wareega. Waa meeraha ugu sukeeya haddii xagga qorraxda laga eego; sidoo kale wuxuu noqonayaa kan sideedaad haddii dhinaca weynaanta laga eego; waxa kale oo Soomaalidu u taqaannaa Cuddaar; wuxuu u dhexeeyaa qorraxda iyo waxaraxirta.

2. Waxaraxir (Venus) – waa meeraha labaad oo ka mid ah meereyaasha qorraxda ku wareega; waxa kale oo Soomaalidu u taqaannaa magacyada Sahra; Xiddigta Waaberi; Bakaal; iyo Bakool; wuxuu u dhexeeyaa Dusaa iyo Dhulka aan ku noolnahay.

3. Dhul (Earth) – waa meeraha saddexaad oo ka mid ah meereyaasha qorraxda ku wareega; wuxuu noqonayaa kan saddexaad haddii xagga qorraxda laga eego; sidoo kale wuxuu noqonayaa kan shanaad haddii dhinaca weynaanta laga eego. Wuxuu u dhexeeyaa Waxaraxirta (Sahra) iyo Farraarre (Mariikh). Dhulku waa meeraha dadku ku nool yahay waana meere ka samaysan dhagax; ciid; geedo; buuro iyo boholo; bad iyo biyo; togag iyo webiyo, iyo macdanno fara badan oo kala duwan, iyo walxo kale oo aan weli la ogaan.

4. Farraare (Mars) – waa meeraha afaraad oo ka mid ah meereyaasha qorraxda ku wareega; waxa kale oo Soomaalidu u taqaannaa Marriikh; wuxuu u dhexeeyaa dhulka iyo Mushtarka (Cirjeexda).

5. Cirjeex (Jupiter) – waa meeraha shanaad oo ka mid ah meereyaasha qorraxda ku wareega; waxa kale oo Soomaalidu u taqaanna Cirjiir iyo Mushtar; wuxuu u dhexeeyaa mariikha (Farraarre) iyo Saxalka (Raage).

6. Raage (Saturn) – waa meeraha lixaad oo ka mid ah meereyaasha qorraxda ku wareega; waxa kale oo Soomaalidu u taqaannaa Saxal; wuxuuna u dhexeeyaa Mushtarka (Cirjeexda) iyo Uraano. Waxaa ku wareega saddex garangarood oo xal-xalleefsan oo ifaya. Maalintiisu waxay le’egtahay toban (10) saacadood iyo afar-iyo-toban (14) daqiiqadood oo kuweenna ah. Sannadiisa ama inta jeer ee uu qorraxda ku wareego waxay u dhegantaa sagaal-iyo-labaatan (29) sannadood iyo boqol toddoba iyo lixdan (167) maalmood oo kuweenna ah; wuxuu leeyahay sagaal xiddigood oo ku wareega.

7. Uraano (Uranus) – waa meeraha toddobaad oo ka mid ah meereyaasha qorraxda ku wareega; wuxuuna u dhexeeyaa Raage (Saxal) iyo Netuun.

8. Netuun (Neptune) – waa meeraha siddeedaad oo ka mid ah meereyaasha qorraxda ku wareega; wuxuuna u dhexeeyaa Uraano iyo Buluto. Lixdan jeer buu dhulka ka weyn yahay.

9. Buluto (Pluto) – waa meeraha sagaalaad oo ka mid ah meereyaasha qorraxda ku wareega, waana kan ugu dambeeya dhammaan meereyaasha sagaalka ah; waa kan ugu fog haddii xagga qorraxda laga eego. Wuxuu qorraxda u jiraa lix kun oo malyuun oo km (6000 million km.).

Print

Meeraha Mars (Faraare)

Written by Osman Aden on .

Mars er den fjerde planeten fra solen i vårt solsystem og er oppkalt etter den griske krigsgudinen. Planeten blir ofte beskrevet som den «røde planeten» på grunn av sitt rødlige utseende.

Mars waa meeraha afraad marka xagga qorreaxda laga soo tiriyo, waxana loogu yeedhaa meeraha gaduudan marka la eego muuqaalkiisa guduudan dartii. Meeraha Mars soomaaliduna utaqaan Faraare waa meeraha ugu abtirsiinta dhow meerayaasha hab qorexeedkeena,taasoo loola jeedo muuqaalka iyo samayska oogadiisa sare.

Print

Dhirta iyo manaafacaadkooda

Written by Abdi Mohamoud Handulle on .

planter2

Om planter og deres nytteverdi

Qaybaha cunatada ee jirkeenu u baahan yahay waxaa ka mid ah Kaarboohaydataytka (carbohydrates), borootiinka (proteins), baruurta (fet), fitamiinada (vitamins), macdanta (minerals), iyo waxyaabo kale oo soo raaca. Kuwaas oo dhamaantood laga maarmaan ah, si looga helo tamarta, ama quwada aynu ku socono iyo koritaanku qofku korayo.

Print

Meerayaasha/solsystemet

Written by Osman Aden on .

Meerayaasha/ Solsystemet

Muuqaalkan waxaa inooga muuqda qorraxda iyo meereyaasheeda.Dhanka bidix ka bilaabata waa: Qorraxda Sola), Dusaa( Merkur),Waxaraxirta ama Bakool (Venus), Dhulka (Jorda),Farraare ( Mars), Cirjeex (Jupiter),Raage (Saturn), Uraano (Uranus),Netuun (Neptun) iyo Pluto (Pluto), oo meere ahaantii loogu aqoonsanaan jiray laga qaaday.

Qorraxda bartankay ku jirtaa, meeraysshaana qorraxday ku meerwareegaan. Dhulku waa meere ka mid ah iskujoogga meerayaasha qorraxda, xagga qorrax xigiddana waa meeraha saddexaad.(waa meeraha seddexaad marka xagga qoraxda laga soo tiriyo.