Taariikhda Islaamka: Taariikhda Khaliifkii Koowaad Ee Muslimiinta Abuu Bakar Siddiiq Ilaah Ha Ka Raali Noqdee (Qaybtii Koowaad).

Her er et læremateriale som handler om Islam. I lærematerialet kan man bl.a. få innblikk i historie om første Khalifa Abu Bakar Sadik.
Haddii iimaanka Abuu Bakar miisaan la saaro oo haddana iimaanka ummadayda miisan la saaro, waxaa cuslaan lahaa iimaanka Abuu Bakar. Sidaa waxaa yidhi Rasuulka Alle SCW.
Shaki kuma jira inuu ahaa kii ugu fadliga badnaa uguna iimaan badnaa umadda Nebi Muxammed SCW kadib dhimashadiisii, taana waxaa kusoo arooray axaadiith badan oo muujineysa fadligiisa.
Asagu saxaabigani waa mid kamid 10-kii Jannada loogu bishaareyey, waana Khaliifkii Rasuulka SCW, wuxuu ahaa saxaabi kamid saxaabadii Nebiga SCW misna saaxiibkiisii godka, aabahiis waa saxaabi, hooyadii Ummul Kheyr waa saxaabiyad, carruurtiisa oo dhami waa saxaabo, wuxuu dhalay afadii Rasuulka SCW ee Caaisha Siddiiqah bint Abuu Bakar Siddiiq.


