nafo
Somali - Soomaaliga
Bildetema
Lexin-Ordbøker på nett
Flerspråkige Verb
Flerspråklige fortellinger
Matematikk begreper
Tospråklige undervisningsopplegg
Tospråklig materiell
Veiledning till foreldre

Shir 2018Hayadda NAFO waxay ay shirkii sanadlaha ahaa ku qabatay magaaladda Jammacadda OsloMet ee magaalada Oslo markii ay taariikhdu ahay 19-20 november shirweynahan oo lagaga hadlaayaa sidii hore loogu marin lahaa afka hooyo oo ay ka soo qaybgaleen ku dhawaad 500 oo qof

Les mer

MorsmålMarkering av morsmålsdagen på Verdensmesteren skole i Larvik
Maalintii 7 bisha mars ayaa magaaladda Larvik laga xusay maalinta caalamiga ah ee afka hooyo oo ku beegnayd 21 bisha febrayo oo laga xusaa meelo badan oo adduunyada ka mid ah. Iyada oo ay sannadkan ku beegmatay fasaxii jilaalka ,ayaa maalintan oo ah maalin ay go'aamisay hay'adda UNESCO ee qaramadda midoobay u qaabilsan waxbarasha ayaa waxa ujeeddada laga lahaa ay ahayd in la ilaaliyo luqadaha kala duwan ee lagaga hadlo caalamkan aynu ku noolahay.
Waxa la sheegaya in ay weli jiraan luqado sii dabar go'aya iyo kuwo dabar go'ay oo aan hadda laba isticmaalin. Si sare loogu qaado qiimaha ay leeyihiin luqada kala duwan ee caalamku ayaa maalintan sannad walba laga xusaa caalamka. Waxaana loogu magac daray maalinta afka hooyo ee caalamiga ah.
Maalintaa sharafta mudan ayaa looga dabaal degay magaalada Larvik oo ku taal gobolka Vestfold dalkan Norway dugsiga la yidhaahdo VM(Verdens mester oo ah Xarunta ardayda laba luuqadoodlaha ah ee dalka ku cusub wax lagu baro.Halkaasi oo ardayda iyo macalimiinta afka hooyo ay ku soo bandhigeen luuqadaha kala duwan iyo dhaqamadooda.

Les mer

bufdirBarne-, ungdoms og familiedirektoratet (Bufdir) har laget animasjonsfilmer om tjenestetilbud og rettigheter til minoritetsfamilier som har barn med funksjonsnedsettelser.

Hayádda daryeelka caruurto waxa ay halkan idiinku diyaarisay buug yare iyo filim warbixino idinka siinayaa waxa aad xaq ugu leedihiin hayádaha kala duwan ee xukuumadda.

Halkan  Guji si aad akhrisato

Halkanna   Guji si aad u daawato macluumaadka.

 

TM nasjonal konf Artikkelbilde Dag 1Hayadda NAFO waxay  ay sannadkii lixaad ku qabatay magaaladda Bergen markii ay taariikhdu ahay 26-27 oktoobar shirweynihii afka hooyo oo ay ka soo qaybgaleen ku dhawaad 320 oo qof . Shirkaa waxaa maalintii hore lagu gorfeeyay faaíidooyinka afka hooyo u leeyahay ubadka,iyo maadooyinka xisaabta iyo cilmiga sayniska taas oo ay muxaadarooyinkasoo jeediyaan aqoonyahannu ku xeeldheer.

Maalintii labaad ee shirka waxay ay gaar u ahayd luuqadihii ka soo qayb galay oo ka koobnaa 12 luuqadood, in ay mid waliba gaarkeed u shirto. Qaybtii afka soomaaliga waxaa ka soo qayb galay 20 qof, taas oo lagu gorfeeyay sidii afka hooyo hore loogu marin lahaa, macalimiinta iyo kalkaaliyayaashsa dugsiyada Noorway wax ka dhigaana ay is kaashi u samayn lahaayeen. Shirkuna wxuu ku soo gabagaboobay is afgarad in xidhiidh joogta ah macalimiinta iyo kalkaliyayaashubu ay yeeshaan.xanaanooyinka. Waxa kale oo diiradda lagu saaray isku xidhnaashiiyaha macalimiinta iyo kalkaaliyayaasha. 

Flukt og migrasjon 640x480Maanta oo ay taariikhdu tahay 21 marso 2017 waxaa la xusayaa maalinta caalamiga ah ee loo asteeyay la dgaalanka midab kala sooca. Ururka Qaramada midoobay (FN) wuxuu ku dhawaaqay in sannakan 2017 la xoojiyo awoodana la saaro la dagaalanka midab kala sooca iyo ka hortagga nacaybka oo sanadihii u dambeeyay ku soo badanayay caalamka taas oo dhibaato badan ku haysaa dadyowga soo galootiga ah. Waa in la sugu xuquuqda binu Aadanka iyada oo aan loo eegin midab,jinsi iyo diinta uu aaminsanyahay qof.

Les mer

nafo logo Innholdsansvarlig: Lene Østli , E-post: Denne e-postadressen er beskyttet mot programmer som samler e-postadresser. Du må aktivere javaskript for å kunne se den.   - www.morsmal.no