17. mai – Norges nasjonaldag// 17. Maajo

Foto: Pixabay-Vegard Ottervik

Ulajeedada casharka: Ardaygu waa inuu barto sababta loogu dabaaldego 17.may iyo 6.abril iyo in laga sheekeeyo maalmaha dabaaldegga maalinta qaranka wadamada 

17. may waa maalinta qaranka Norway. Maalintaa waxaa lagu xusaa maalintii ay Norway sameysatay distoorkeeda oo ah 17. May 1814.
17. may waxaa la yiraahdaa waa maalintii caruurta. Dhammaan caruurta iskuulka dhigata iyo kuwa xanaanada dhigta waxay isugu soo baxaan wadooyinka maharajaan iyaga oo lulaya calanka wadanka, qaadayana heeso. Dadka inta badan si fiican ayay usoo libistaan. Safka hore ee maharajaanka waxaa mara kooxaha muusikada, iyagoo dhar isku mid ah xiran. Caruur badan ayaa ka tirsan kooxahan. Maalinta 17. may caruurtu waxay cunaan jalaato iyo hilibka rootiga la gasho (Pølser) intii ay doonaan. Caruurta norway ku nool maalintaa aad iyo aad ayay sugayaa iyagoo ku faraxsan.
17. may waa maalin fasax ah

Kahoot- quiz om 17. mai på somali

Waxan fiidyowgan idiinku soo gudbinayaa taariikhda dabaal degga maalinta 17 mai, taas oo ah maalinta dastuurka Norway. Iyo siyaabaha xiligan xaadirka loo dabaal deggo ama dhaqanka ah. Daawasho wacan