nafo
Bildetema
Lexin-Ordbøker på nett
Flerspråkige Verb
Flerspråklige fortellinger
Matematikk begreper
Veiledning till foreldre
Skolekassa
Tospråklige undervisningsopplegg
Flerspråklig bibliotek
NAFOs filmer

Hab isticmaalka Bildtema

bildteman 1Waa maxay Bildtema?

Bildtema waa qaamuus sawiro leh oo luqado badan ka kooban. Waxa uu leeyahay sawiro iyo cod iswiidhish iyo luqado kaleba leh. Qaamuuska waxa loo qeybiyey qeybo guud oo muhiim ah, mid walbana ay ka sii farcamaan qeybo hoose. Waxaad gujinaysaa magaca qeybta si aad u aragto waxa ay ka kooban tahay. Si aad ugu noqoto boggii hore waxa aad taabanaysaa sawir guriyeedka xagga sare ee dhinaca midigta. Luqadaha waad isku bedeli kartaa adiga oo taabanaya magaca luqada.


Maxaynu ugu baahannahay Bildtema?

  • Waxay sare u qaadaysaa oo ay caawinaysaa fahamka eray-bixinta iyo barashada erayga
  • Eray kasta waa lagu dhawaaqayaa iyada oo la isticmaalayo luqado kala duwan
  • Waxay kordhinaysaa  inta eray ee aad taqaano
  • Waxay wax ka taraysaa barashada erayo luqado kala duwan ah
  • Waxay kaa caawinaysaa layliska iyo akhriskiisa
  • Ardayda luqadaha badan waxay ka caawinaysaa barashada luqada iyo aqoonta kaleba
  • Waa qalab u fiican la shaqaynta carruurta ay waxbarashadu ku adag tahay / baahi gaar ah qaba

Guji sawirka si aad u akhrisato


 

Maxaynu u isicmaalaynaa Bildetema?

Bbildetema

  • In aynu baranno eray bixinta iyo fahamkooda
  • In la kobciyo aqoonta erayadda ee ardada laba luuqadoodlaha ah.  
  • In la fahmo dhawaaqa erayga norwiijiga ah iyo ka afka hooyaba.
  • In la muujiyo afafka kala duwan eeardadaydda fasalku ku hadlaan.
  • In ay kaalmo u noqoto ka shaqaynta cashar guriga..
  • In ay waxtar u noqoto wada shaqaynta waalidiinta.
  • Sidii ay taageero ugu noqonlahayd xidhiidh maalmeedka-
  • Sidii caawimo ugu noqon lahaa ardayda u baahan caawimo dheeraad ah.

 

Habkee baad u isticmaali lahayd Bildetema?

bildtema

 

 

 

bildetema2
  • Waa in la ogaysiiyo Bildetema waalidiinta iyo shaqaalaha dugsiyadda iyo xanaanooyinka.

  • Waa in loo isticmaalo waxbarashada gaarka ah ee luuqadda.

  • Ha isticmaalo qofku haddii uu baahi u baahdo.

  • Waa in loo fiiro lahaado is barbar dhigga labada luuqadood, habka codaynta iyo sawiraddaba.

  • U isticmaal si aad u kobciso qoraalkaaga.

  • Isku day in aad qorto oo aad sharaxdo eraydda iyo sawirradaba.

  • Ardaydu ha diyaariyaan sawiro iyo erayo is leh.

  • In ardaygu isku dayo in uu buug yare ka sameeyo mawduucyaddan.

  • In is barbar lagu sameeyo hab qoraalka iyo ku dhawaaqidda labada luuqadood.

  • In sawiradda nuqul la samaysto.

  • In boodhadh luuqado kala duwan laga sameeyo oo lagu dhejiyo fasalka.

  • In la diyaariyo liis kalmada ah iyadoo lala kaashanayo macalimiinta laba luuqadoodlaha ah.

  • In lagu soo bandhigo baraha waxbarashaha ee dugsiyada.

  • In la sameeyo boodhadh ay ardaydu isugu geyn karaan sawirada iyo erayadda tusaala ahaan sida (qaybaha jidhka).

  • In laga diyaariyo casharo ah in meelo la baneeyo oo la yiraahdo buuxbuuxiya ardayda.

  • Marka loo baahdo in qofqof looga shaqeeyo iyada oo la eegayo arday kasta baahidiisa.

  • Arday kasta waa in uu isagu eego baahidiisa iyo inta jeer ee uu u baahan yahay in uu ku celceshado.
  • nafo logo Innholdsansvarlig: Sunil Loona , Tel: 67 23 53 44   - www.morsmal.no