nafo
Bildetema
Lexin-Ordbøker på nett
Flerspråkige Verb
Flerspråklige fortellinger
Matematikk begreper
Veiledning till foreldre
Skolekassa
Tospråklige undervisningsopplegg
Flerspråklig bibliotek
NAFOs filmer

barn spiller spill 2Bør barnet mitt ha morsmålsundervisning og tospråklig fagopplæring på skolen?

Les norsk tekst til slutt i artikkelen.

Sharciga waxbarashada § 2.8 ee ka hadlaya waxbarid gaar ah oo dhinaca luqada ah oo la siiyo ardayda ku hadasha luqooyinka laga tirada badan yahay (Særskild språkopplæring for elevar frå språklege minoritetar).

"Ardayda dugsiyada hoose/dhexe ee ku hadasho luqo kale oo aan ahayn norweji ama luqada saamaha waxa ay xaq u leeyihiin waxbarid gaar ah oo dhinaca luqada norwejiga ah ilaa inta ay ka gaadhayaan heer ay kula socon karaan waxbarashda caadiga ah ee dugsiga. Haddii loo baahdo ardaydani waxa kale oo ay xaq u yeelan karaan barashada afka hooyo, maaddooyinka oo lagu baro labada luqo ama labadaba.

Continue reading

to guttergrsBør barnet mitt ha ”særskilt norskopplæring” på skolen?

Les norsk tekst til slutt i artikkelen.

Carruurta aanu afkooda hooyo ahayn norweji, waxa la siin doonaa fursad ay luqada norwejiga ku bartaan dugsiga. Waxa markaa ilmaha la siinayaa fursaddan oo ah waxbarid gaar ah oo luqada norwejiga ah iyaga oo tusaale ahaan ku qaadanaya fasalada qaabilaadda kowaad (Mottaksklasser) ee loogu talagalay ardayda dhowaan timi Norway, ama waxa luqada norwejiga loo bari karaa hab kale oo ku habboon awoodda ilmaha. Si loo ogaado in ilmo xaq u leeyahay waxbarid gaar ah oo luqada norwejiga ah, waa in ay kala caddaataa in ilmuhu haysto luqo ku filan oo uu kula socon karo waxbarashada caadiga ah iyo in kale ( Eeg sharciga waxbarashada § 2-8).

Continue reading

Bogga

Ujeddada loo aasaasay booggani waxay tahay in loo sameeyo  barayaasha afka hooyo goob ay ku kulmaan kana heli karaan ilo warbixinno iyo macluumaad ku saabsan  barasha afka hooyo, iskuna dhaafsan karaan fikradahooda iyo waaya aragnimada dhigista afka hooyo. Bogga waxa diiradda uu saarayaa afka, dhaqanka iyo waxbarashada ardeyda xaqa u leh in lagu taageero waxna loogu dhigo afka hooyo.

Barashada afka soomaaliga

MANHAJKA BARASHADA AFKA SOOMAALIGA EE DALKA ISWIIDHAN EE XILLI DUGSIYEEDKA (TERMPLANERING)

GOGOLDHIG:

Dugsi ka barashada afkeenna ee halkaan lagaga hadlayaa waxay u kala saamiyeysan tahay fasallada waxbarashada asaasiga ah. Manhajka barashada afka hooyo ee ku xusan qorshaha guud (Lфroplan-LAP). Heerkan oo laba marxalo u kala baxsan (┼k 0 -5 ) iyo (┼k 6 - 9) ayaa hadda loo baahday in halkan lagu muujiyo saamiyeynta fasal walba kaga abaarmi karta muqarrarka maaddadaan labada xilli ee sano-dugsiyeedka dalkaan ( hЎsttermin & vхrtermin).

Ujeeddooyinka iyo qaayaha la rabo ee guud ahaan, in ay dhallaanku ka gaadhaan   barashada afka hooyo, hababka loo kala dooranyaayo barashadaas, tusmada manhajka, habka shaqada waxbarista, qalabka adeegsiga waxbarista iyo qiimeyntuba waxay ku qeexan yihiin ( Lokal  Arbets Plan): ka. Arrintan faahfaahinteedu waxay is waafajinaysaa dugsi ka barashada af soomaaliga iyo qorsheynta waxbarasho ee dalkaan Iswiidhan, guud ahaan u dejisan ee barashada afka hooyo ee ku socda xilli dugsiyeed  leh tiro iyo tayo midaysan. Taasoo raadraac habeysan u ahaan  karta barayaasheena gaar ahaan, iyo ciddii kale ee ay arrintani khusayso.

Waxaa lama huraan ah marka la qoondeynayo arrintan in madaxa lagu hayo arrimo dhowr ah, sida xaddiga wakhtiga ee toddobaadkiiba ardaygu  u helaayo barashada, dhererka xilli dugsiyeedka, iyo duruufaha kale ee miidaanka yaala, sida qalabka adeegsiga waxbarasho ( tiro iyo tayo ), xiiseynta ardayda iyo waalidiinta,  awoodaha iyo heerarka kala geddisan ee aqoonta maadadda ee carruurtu ka taagan yihiin, barayaasha iyo bey' ada  ku hareeraysan ee hawlqabadkooda la xidhiidha.

Ugu horreynba xirfadda waxbaristu waxay ka unkantaa seddexdan weydiimood:

1)    Maxaan baraynaa?
2)    Sidee wax u baraynaa?
3    Maxaan wax u baraynaa?

Haddaba ayadoo hawsheennu ka ambaqaadayso  su┤aalahan waa inay baristu dhallaankeenna ka taageei kartaa kobcinta awoodahooda la xidhiidha xirfadaha waxbarasho sida: Dhegeysiga, hadalka, akhriska iyo qoraalka ayadoo himiladu tahay in dhallaanku arimahaas ka soo hooyaan isbeddel horumar leh ee la taaban karo.

 

Qorshaha waxbarasho ee Carruurta ku jirta xannaanada dugsiga ka hor, xilliga Jiilaalka (HЎsttermin):-

  • Ku ababin anshax wanaagga.
  • Ku ababin xurmeynta waayeelka.
  • Ku ababin xaq dhowrka kuwa ka yar yar.
  • Ku ababin maqlidda baraha.
  • Ku ababin asluub wacan ula dhaqanka bahda dugsiga;      aradayda, barayaasha; shaqaalaha dugsiga; cunto kariyayaasha iwm...
  • Ku ababinta daryeelka qalabka waxbarasho ee dugsiga.
  • Ku ababinta daryeelka alaabadiisa, shandadiisa, buuggaagtiisa, qalimaantiisa, dharkiisa iwm...
  • Ku ababin ilaalinta wakhtiyada dugsigu bilaabmo, wakhtiga uu dhammaado, wakhtiga nasashada iyo wakhtiga qadada.
  • Ku ababinta ilaalinta nadaafaddiisa, nadaafadda dharkiisa, buuggaagtiisa iyo miisaska.
  • In la baro saacaddu sida ay u shaqeyso.
  • In la baro maalmaha toddobaadka.
  • In lagu dhiiriyo inuu wax sawiro, midabeeyana.

 

Qorshaha waxbarasho ee Carruurta  xannaanada dugsiga ka hor, ee xilliga Xagaaga (vхrterm):-

  • Sheekooyin gaagaaban, sida xidinxiitadii dhaaratay, buugga suugaanta dhallaanka ee ay qortay Aamina Xaaji Aadan
  • Iskaa ugu abuur sheekooyin ay xiisayn karaan ( ka soo turjum buuggaagta carruurta ee ummadaha kale)
  • Siyaabo koobkooban uga sheekeyn dalka iyo dadka soomaaliyeed.
  • uga sheekeyn dugsi quraanka
  • marmar kaga qoslin, u qaadis heeso soomaaliyeed iyo hortooda ku oogid ciyaaro soomaaliyeed sida gebley-shimbir, jaan dheer,beerrey, walasaqo, seylici, dhaanto iyo hirimaahee. iwm...
  • Googaa-cadale iwm...
  • Baris tirooyinka.
  • Baris tirooyinka dhabanka iyo kinsiga ah.
  • Baris astaamaha ku dar ( +)  iyo ka jar ( - ).
  • Baris astaanta hamsada ( ' ) oo ah shibbanayaasha mid ka mid ah.
  • Baris 10:ka shibbane ee u horreeya alif bada.
  • Baris 5:ta shaqal ee gaagaaban.

 

QORSHAHA WAXBARASHO EE FASALKA 1:AAD EE XILLIGA XAGGAA (V┼RTERMin ):-

  • Barista shibbanayaasha iyo shaqallada dhaadheer, sida:
    Baabuur, Jeegaan, Miisaan, doofaar, Luubaan iwm..
  • Ku naqtiimis wixii la soo dhigtay xilligan ka hor, oo lagu sameeyo laylis.
  • Barista qaabka codadka af  soomaaligu ku soco. Qaado erayo codkoodu isku si u dhacayo, oo ku kala beddelan xarafka ugu horeeya, kana kooban laba shibbane iyo hal shaqal oo u dhexeeya, sidan:    B eer, Teer, Heer, Jeer, Keer, Feer, Dheer, Weer, Ceer, Meer, Seer, Xeer, Yeer. Habkan ilmaha wuxuu u fududeynayaa inay miisaanka shaqalka iyo codkeesa fahmaan oo sidaas ay ugu fududaato barashadiisu.
  • Ku tababar ardayda buugga higgaadda iyo farbarashada af soomaaliga ee uu qoray Maxamed Sheekh Xasan.
  • Baruhu wuxuu u madax bannan yahay inuu iski carruurta ugu dhigo cashar kasta oo u qalma da┤dooda, kobcinna kara garaadkooda iyo aqoontoodaba.
nafo logo Innholdsansvarlig: Sunil Loona , Tel: 67 23 53 44   - www.morsmal.no