Sang om en mor som trøster barnet sitt// Heesaha maaweelada caruurta

Sangtekst på somali

Heesahan, waa heesaha ay hooyadu ilmaheeda u tiriso, marka uu ooyayo, kuwaasoo ay ku sasabto:
Sidii boorow Sac Badiya, Sac badiyoo Beel Lulato,
Barwaaqiyo xerosan jooga, Banaaxii baad iga idleysay
Calow meel la caraabay, Caraaboo col looga yaacay
oo carruurihii la xanbaaray, allow aanad carari waayin,
oo allow aanad ciil la luudin.
Ragbaa goonyaha fadhiya e, Fardiyo geelbay wadaane,
Gayaankaabaa ku jira e, Godooy gaagaabso hadalka.
Anoo safar dheer niyaystay.
Kabii suunka u adkeystay, ayaa saatirkay ku keenay.
Markaasaan sal u fadhiistay.Sadbaa rabi soo sidaaye, Samiyo khayrbaa.
danbayne, Ma seel-seelkaad run mooday.