- 0
- 1
- 2
CARRUURTA QOYSASKA LUQOOYINKA KALA DUWAN KU HADLAHagid ku socota waalidka iyo shaqaalaha xannaanooyinka iyo xarumaha caafimaadka hooyada iyo ilmaha. Wixii faahfaahin ah ka aqriso ... tirsdag, 25 mai 2010 | Hits: 415 Read more |
Link-yo aad ka dalban karto buugag ku qoran af-soomaaliWaxaad link-yada hoos ku qoran aad ka dalban kartaa buugag ku qoran af-soomaaliga ee ka faa'iideysi ... onsdag, 5 mai 2010 | Hits: 500 Read more |
Kulan lagu mideynayo eray bixinta afka soomaaliga![]() Aqoonyahannada Somaliland, Puntland iyo Soomaaliya oo isugu Yimi Kulan Lagu Midaynayo Erey-bixinta Manhajka Dugsiyada Hoose/dhexe. Laba iyo soddon (32) aqoonayahan oo ka kala socda Somaliland, Puntland iyo Soomaaliya, ayaa makii ugu horreysay shalay isugu yimi aqoon... tirsdag, 2 februar 2010 | Hits: 465 Read more |
Jaamacadda Hargeysa oo Heshiis Iskaashi la Saxeexatay Mid ka Mid ah JaGuddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Dr. Xuseen Cabdillaahi Bulxan, ayaa Isniintii toddobaadkan qallinka ku duugay heshiis rasmi ah oo lagu mataanaynaya Jaamacadda Hargeysa iyo Jaamacadda Carleton oo ka mid ah jaamacadaha ugu waaweyn ee ku yaal dalka ... tirsdag, 2 februar 2010 | Hits: 507 Read more |
Shirka barayaasha afka hooyo ee wadanka Norway.![]() Shirka barayaasha afka hooyo ee wadanka Norway oo la qaban doono markiisii ugu horeeyay 14 ilaa 15 april ... tirsdag, 8 desember 2009 | Hits: 858 Read more |
Jaamacaddaha Malaysiya iyo waxa lagu barto![]() Hussein Onn Waa mid ka mid ah jaamacaddaha ugu caansan dalka Malysiya oo hadda ay arday badan oo soomali ahi ay wax ka bartaan. waa maqaal kooban oo ku saabsan taariikhdii jaamacada iyo waxa lagu ... torsdag, 8 oktober 2009 | Hits: 376 Read more |
Xubnaha geedka iyo shaqooyinkooda
14. juni 2010
Dhirtu waxay ka mid yihiin noolaayaasha . Dhirta waxa loo qaybin karaa kuwa bixiya ubax iyo kuwa aan bixin ubax. Casharkan waxa aan ku eegeynaa xubnaha qaybaha geedka iyo shaqooyinka ay xubnahaasi geedka u qabtaan.
Geedka waxa aynu u qaybin karnaa laba qaybood , qaybta dhulka ka saraysa iyo qaybta dhulka ku jirta. Qaybta dhulka ku jirta waa xididka , qaybta dhulka ka sarraysaana waa jirrida, caleemaha iyo ubaxa.
Jaantus. Xubnaha geedka
|
Laamo |
|
Caleen |
|
Jirrid |
|
Xidid |
Xididka
- Waxa uu geedka ku dhidbaa dhulka.
- Waxa uu ka soo nuugaa dhulka cusbada macdanta ah iyo biyaha.
- Dhirta noocyo ka mid ahna waxa uu u kaydiyaa cuntada, tusaale ahaan dabacasaha.
In kasta oo xididka caaradiisu jilicsan tahay, haddana waxa uu ka dusi karaa dhul adag. Taasi waxa u sabab ah gaska ka baxa xididka oo siidaaya asiidh. Asiidhaasi waxa ay u suurto gelisaa xididka inuu milo macdanta ciidda iyo dhagaxaanta qaarkood. Unugyada xididku waxay sii daayaan kaarboon laba-ogsaydh, CO2 , oo ka yimid neefsashada unugyada nool ee xididka. Kaarboon laba-ogsaydhku waxa uu la falgalaa biyaha waxaana ka samaysa iskudhis ah asiidh daciif ah, magaciisana la yidhaa kaarboonik asiidh, H2CO3 . Iskudhiskaas ayaana u sabab ah milmidda aan kor ku sheegnay.
Jiridda
- Waxay tiirisaa kuna yaalla caaleemaha, midhaha iyo ubaaxyaada.
- Waa marin ay sii maraan biyaha iyo iyo macdanta ay xididdadu soo nuugeen una socda caleemaha
- Waxay kaydisaa cuntada, sida jiridda basasha, baradhada iyo toonta.
- Waxa mara cuntada caleentu samaysay ee u socota geedka qaybihiisa kale.
- Waxay ka qaybqaataan taranka jinsi laawaha ee dhirta qaarkood ku tarmaan.
Dhirta inteeda badan jirridoodu dhulka way ka sarreysaa hase yeeshee waxa jira geedo jirridoodu dhulka ku aasan tahay, sida sinjibiisha, toonta iyo basasha. Waxa ay jirridahani kaga duwan yihiin xididdada oo lagu garan karaa iyagoo leg xubno kutimo.
Caleenta
Waa xubinta u soo saarta geedka cuntada. Caleentu waxa ku jira walac u samaysa midibka cagaaran . Walaxdaa waxa lagu magacaabaa cagaariye. Caaleentu Waa goobta uu ka dhaco footoosintasisku. Footoosistasisku waa falagal kimikeed oo geedku ku samaysto cunto. Cuntadaasi waa sonkor magaceeda la yidhaa gulukoos. Waxa uu falgalkaasi dhex maraa kaarboon laba.oksaydh iyo biyaha.
Kaarboon laba-oksaydh + biyo + ilays ===> gulukoos + oksajiin.
Layli
Ka jawaab weedhahan adoo weedho dhan adeegsanaya:
- Magacaw xubnaha geedka ee dhulka ka sarreeya
- Sheeg qaar ka mid shaqooyinka xididka
- Maxaa lagu ka sooci karaa xiddidad iyo jirridaha dhulka ka hooseeya?
- Footoosintasisku ma dhacaa dhammaan caleemaha dhirta kala duwan?
Flere artikler …
- Link-yo aad ka dalban karto buugag ku qoran af-soomaali
- Liv Bøyesen
- Liv Bøyesen oo ka hadashay tijaabinta caruurta ku hadasha labada luuqadood
- Waxyaabihii ay Vigdis Glommen kaga soo qeyb qaadatay shirkii barayaasha af soomaaliga ee ka dhacay degmada Larvik 08-09.04.2010
- Shirkii barayaasha af-soomaaliga ee ka dhacay degmada Larvik, ee dalka Norway 08-09.04.2010


