• 0
  • 1
  • 2
prev
next

CARRUURTA QOYSASKA LUQOOYINKA KALA DUWAN KU HADLA

Hagid ku socota waalidka iyo shaqaalaha xannaanooyinka iyo xarumaha caafimaadka hooyada iyo ilmaha. Wixii faahfaahin ah ka aqriso ...

tirsdag, 25 mai 2010 | Hits: 415

Read more

Link-yo aad ka dalban karto buugag ku qoran af-soomaali

Waxaad link-yada hoos ku qoran aad ka dalban kartaa buugag ku qoran af-soomaaliga ee ka faa'iideysi ...

onsdag, 5 mai 2010 | Hits: 500

Read more

Kulan lagu mideynayo eray bixinta afka soomaaliga

News image

Aqoonyahannada Somaliland, Puntland iyo Soomaaliya oo isugu Yimi Kulan Lagu Midaynayo Erey-bixinta Manhajka Dugsiyada Hoose/dhexe. Laba iyo soddon (32) aqoonayahan oo ka kala socda Somaliland, Puntland iyo Soomaaliya, ayaa makii ugu horreysay shalay isugu yimi aqoon...

tirsdag, 2 februar 2010 | Hits: 465

Read more

Jaamacadda Hargeysa oo Heshiis Iskaashi la Saxeexatay Mid ka Mid ah Ja

Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Dr. Xuseen Cabdillaahi Bulxan, ayaa Isniintii toddobaadkan qallinka ku duugay heshiis rasmi ah oo lagu mataanaynaya Jaamacadda Hargeysa iyo Jaamacadda Carleton oo ka mid ah jaamacadaha ugu waaweyn ee ku yaal dalka ...

tirsdag, 2 februar 2010 | Hits: 507

Read more

Shirka barayaasha afka hooyo ee wadanka Norway.

News image

Shirka barayaasha afka hooyo ee wadanka Norway oo la qaban doono markiisii ugu horeeyay 14 ilaa 15 april ...

tirsdag, 8 desember 2009 | Hits: 858

Read more

Jaamacaddaha Malaysiya iyo waxa lagu barto

News image

Hussein Onn Waa mid ka mid ah jaamacaddaha ugu caansan dalka Malysiya oo hadda ay arday badan oo soomali ahi ay wax ka bartaan. waa maqaal kooban oo ku saabsan taariikhdii jaamacada iyo waxa lagu ...

torsdag, 8 oktober 2009 | Hits: 376

Read more

Xubnaha geedka iyo shaqooyinkooda

Dhirtu waxay ka mid yihiin noolaayaasha . Dhirta waxa loo qaybin karaa kuwa bixiya ubax iyo kuwa aan bixin ubax. Casharkan waxa aan  ku eegeynaa xubnaha qaybaha  geedka iyo shaqooyinka ay xubnahaasi geedka u qabtaan.

Geedka waxa aynu u qaybin karnaa laba qaybood , qaybta dhulka ka saraysa iyo qaybta dhulka ku jirta. Qaybta dhulka  ku jirta waa xididka , qaybta dhulka ka sarraysaana waa jirrida, caleemaha iyo ubaxa.

Jaantus. Xubnaha geedka

Laamo

Caleen

Jirrid

Xidid

 

Xididka

-          Waxa uu geedka ku dhidbaa dhulka.

-          Waxa uu ka soo nuugaa dhulka cusbada macdanta ah iyo biyaha.

-          Dhirta noocyo ka mid ahna waxa uu u kaydiyaa cuntada, tusaale ahaan dabacasaha.

In kasta  oo xididka caaradiisu jilicsan tahay, haddana waxa uu ka dusi karaa dhul adag. Taasi waxa u sabab ah  gaska ka baxa xididka oo siidaaya asiidh. Asiidhaasi waxa ay u suurto gelisaa xididka inuu milo macdanta ciidda iyo dhagaxaanta qaarkood. Unugyada xididku waxay sii daayaan kaarboon laba-ogsaydh, CO2 , oo ka yimid neefsashada unugyada nool ee xididka. Kaarboon  laba-ogsaydhku waxa uu la falgalaa biyaha waxaana ka samaysa iskudhis ah asiidh daciif ah, magaciisana la yidhaa  kaarboonik asiidh, H2CO3 . Iskudhiskaas ayaana u sabab ah milmidda aan kor ku sheegnay.

Jiridda

-          Waxay tiirisaa kuna yaalla caaleemaha, midhaha iyo ubaaxyaada.

-          Waa marin ay sii maraan biyaha iyo iyo macdanta ay xididdadu  soo nuugeen una socda caleemaha

-          Waxay kaydisaa cuntada, sida jiridda basasha, baradhada iyo toonta.

-          Waxa mara cuntada caleentu samaysay ee u socota geedka qaybihiisa kale.

-          Waxay ka qaybqaataan taranka jinsi laawaha ee dhirta qaarkood ku tarmaan.

Dhirta inteeda badan jirridoodu dhulka way ka sarreysaa hase yeeshee waxa jira geedo jirridoodu dhulka ku aasan tahay, sida sinjibiisha, toonta  iyo basasha. Waxa ay jirridahani kaga duwan yihiin xididdada oo lagu garan karaa iyagoo leg xubno kutimo.

 

Caleenta

Waa xubinta u soo saarta geedka cuntada. Caleentu waxa ku jira walac u samaysa midibka cagaaran . Walaxdaa waxa lagu magacaabaa cagaariye. Caaleentu Waa goobta uu ka dhaco footoosintasisku.  Footoosistasisku waa falagal kimikeed oo geedku ku samaysto cunto. Cuntadaasi waa sonkor magaceeda la yidhaa gulukoos. Waxa uu falgalkaasi dhex maraa kaarboon laba.oksaydh iyo biyaha.

Kaarboon laba-oksaydh + biyo + ilays ===>  gulukoos + oksajiin.

 

Layli

Ka jawaab weedhahan adoo weedho dhan adeegsanaya:

  1. Magacaw xubnaha geedka ee dhulka ka sarreeya
  2. Sheeg qaar ka mid shaqooyinka xididka
  3. Maxaa lagu ka sooci karaa xiddidad iyo jirridaha dhulka ka hooseeya?
  4. Footoosintasisku ma dhacaa dhammaan caleemaha dhirta kala duwan?

 

Dhawaaqyada af soomaaliga

Afka ay dadku ku hadlaan waxa uu ka yimaadaa dhowaaqyo la isku geeyey. Dhawaaqyadaasi marka isku xidhxidho waxay sameeyaan eryo qaab iyo micno gaar ah oo aan fahamno. Isku xidhxidhkaasi waxa uu  raacaa xeerar gaar ah oo afku iska leeyahay, naxwe.

Marka la doonayo in la qoro afka waxa la adeegsadaa  xarfo ama calaamado  u taagan dhawaaqyada kale duwan ee afku leeyahay.  Dhawaaqyada uu afka soomaaligu adeegsadaa waa kuwan ku  tusan jaantuska hoose tiradooduna waxa ay dhan tahay 32 sumadood. Waxa y u kala baxaan shibaneyaal iyo shaqallo.  Waxa jira dhawaaqyo ay u taagan yihiin hal xaraf  sida   b, t iyo s iyo kuwo ay u taagen yihiin laba xaraf sida sh.

Shibbaneyaal

Shaqallo

Bb

T  t

J  j

X  x

KH  kh

Dd

Rr

Ss

SH sh

DH dh

C c

G g

F f

Q q

K k

L l

M m

N n

W w

H h

Y y

’ (hamse)

Aa

Ee

Ii

Oo

Uu

 

AA aa

EE ee

II ii

OO oo

UU uu

 

 

Afka soomaaligu waxa uu isticmaala tiro goa’an oo dhawaaqyo ah oo sameeya erayo kale duwan marka la isugu daaro si gaar ah. Dhawaaqyo kasta isku darkoodu ma curiyo erayo macno sameynaya  oo ka mid afka tusaale ahaan  haddii aaan isku darno a + c + b waxay ina siinaysaa acb oo aan lahayn macno haddiise ayu isku xidhno sidan c + a + b  waxay sameeyaan cab oo ah eray macno leh .  Haddii mid ka mid ah la beddello xufuuftaa waxa dhicikarta in eray cusub oo macno lehi ka samaysmo, mase aha shuruud.  Tusaale haddii aan ku beddelno xarafka s xarafku ugu dambeeya cab waxa k dhaalanaya erayga cas kaasi oo ka mid ah erayada afka soomaaliga.

 

 

 

Imtixaan kooban oo xuruufta ,feejignaanta dhawaaqa , akhris erayo iyo adeegsiga

erayada ku saabsan.

 

  1. Ma taqaanaa xarafyadaa magacaaga ku jira?
  2. Sheeg xarafyadan (magacooda iyo dhawaaqoodaba)

m   s   r   a   h   y   q   f   k  c  aa  b  kh                                                                     /12

  1. Dhawaaqee ugu horreya ereyadan::  Guri, Kab Mas, Hees, Caano ?                      /5
  2. Dhawaaqee ugu dambeeya eryadan: Beer, Kursi, Dariishad, af, Qor?                   /5
  3. Maxaa soo hadhaya haddii laga tago “M” ee ku jira  mas, “D” ee  ku jira dab?     /2
  4. Eraygee kuu soo baxaya markaad isku darto xarafyadan f, u, r? q, o, r, i, d? 

u, b, a, x, y, o  ?                                                                                                        /3

  1.   Eraygee la  dhawaaq     beer            Gar?                Xan?                                       /3   
  2. Akhri erayadan:

 

Af                               San                  Guri                 Cirbad

Il                                 Lax                  Orod               Maroodi

Ey                               Qor                  Akhri               Farbarad                                 /12

  1. Meeqa/immisa cunto oo kale duwan ayaad magacooda ku sheegi kartaa hal daqiiqo?

Tiro_____________                            Xidhiidh? __________________

 

Meeq/immisa  xayawaan ayaa magacooda ku sheegi kartaa hal daqiiqo?

Tiro_____________                            Xidhiidh? __________________

Qiimeyn:

 

Xidhiidhka ka dhexeeya afka hindida iyo af-soomaaliga.

Waxaa wax badan la sheegi jirey in af-soomaaliga iyo afka hindiga ee lagaga hadlo dalka India uu xidhiidh ka dhexeeyo, iyada oo dadka qaar ay sheegaan in ay jiraan erayo laga soo qaatay afka hindiga oo ku jira afka soomaaliga ay Jiraan. Idaacadda BBC-da ayaa isku dayday in ay wax ka ogaato- Dhegayso hadalkan oo ay soo duubtay BBC-du.

Guji hakan...

Fariin ku socota waalidka

Fariin ku socota waalidka ku nool wadamadan qarbiga. Waa fariin ku haboon inay aqristaan hooyada iyo aabahu. Halkan ka aqriso fariinta

CARRUURTA QOYSASKA LUQOOYINKA KALA DUWAN KU HADLA

Hagid ku socota waalidka iyo shaqaalaha xannaanooyinka iyo xarumaha caafimaadka hooyada iyo ilmaha. Wixii faahfaahin ah ka aqriso bogan

Cigaal iyo Libaax

Waxyaahibhii looga hadlay shirkii macalimiinta af-soomliga ee ka dhacay degmada Larvik

Waxaad halkan ka aqrisan kartaan waxyaabihii looga hadlay shirkii macalimiinta af-soomaaliga ee ka dhacay degmadda Larvik, qodobadii ugu muhiimsanaa, ee aqris wanaagsan.

Oppsummering av gruppearbeid torsdag 8. april 

Gruppeoppgave 1

  • Læreplanen
  • Vekke interesse
  • Lese for elevene
  • Elevene må prøve å lese
  • Lettleste bøker
  • Mer materiell
  • Mer tid til morsmålslærer
  • Tilpasset læring
  • Tett oppfølging både hjemme og på skolen
  • Ta elevene ut av enkelte timer (RLE-fritak)
  • Fortellinger på somali
  • Ingen timer før eller etter skoletid
  • Omrokkeringer i timeplaner og temaer
  • Bør kunne bra alfabetet og like ord
  • Den beste måten for de somaliske elevene er å få dem til å lese høyt for foreldrene

Les mer …

Lexin

lexin-header-ny

Login Form

Nyhetsmating (RSS)

Få seneste nytt direkte til din nettleser, intranett eller nettsted
.
rss20
Innholdsansvarlig: Merethe Fagernæs, 23 30 27 88 - Nettansvarlig: Knut Carlsen, 21 00 00 81 www.morsmal.no