nafo
Somali - Soomaaliga
Bildetema
Lexin-Ordbøker på nett
Flerspråkige Verb
Flerspråklige fortellinger
Matematikk begreper
Veiledning till foreldre
Tospråklige undervisningsopplegg
Tospråklig materiell

Meerayaasha/solsystemet

Meerayaasha/ Solsystemet

Muuqaalkan waxaa inooga muuqda qorraxda iyo meereyaasheeda.Dhanka bidix ka bilaabata waa: Qorraxda Sola), Dusaa( Merkur),Waxaraxirta ama Bakool (Venus), Dhulka (Jorda),Farraare ( Mars), Cirjeex (Jupiter),Raage (Saturn), Uraano (Uranus),Netuun (Neptun) iyo Pluto (Pluto), oo meere ahaantii loogu aqoonsanaan jiray laga qaaday.

Qorraxda bartankay ku jirtaa, meeraysshaana qorraxday ku meerwareegaan. Dhulku waa meere ka mid ah iskujoogga meerayaasha qorraxda, xagga qorrax xigiddana waa meeraha saddexaad.(waa meeraha seddexaad marka xagga qoraxda laga soo tiriyo.

 

Dhulka/Jorda

Dhulku waa meere kamid ah iskujoogga meereyaasha qorraxda. Dhulka isagoo marinkiisa ku jira ayuu qorraxda ku meerwareegaa. Qaabka marinka (banen) waa ugxan oo kale – waa sida goobaab wareegsan oo labada doc in yar ka diisan. Taa waxay ina garansiineysaa in fogaanta uu had walba dhulka qorraxda u jiro sanad gudaheed aanay isku mid ahayn. Dhulka inuu hal wareeg kusoo wareego qorraxda waxay ku qaadata 365 ¼ beri. Sanad walboo afaraad oo shintiris-sanadeedka (kalendarka) ka mid ah wuxuu noqdaa 366 malmood, waxaana la yiraahda sanad shindhalad ah (skuddår). Sanad walboo 4-aad waa inuu maalindheri ahaadaa, maxaa yeelay dhulka 365 beri in ka badan bay ku qaadata halkii meerwareeg. Haddi aan sidaa la yeelin xooga qalad ahbaa tirsiga galaaya. Saa daraadeed bey sanad shindhalad ah ugu jirin qarni walboo aan u qaybsami karin 400. Tusaale sanadkii 1900 ma ahayn sanad shindhalad ah, haseyeeshe sandakii 2000 wuxuu ahaa shindhalad, waayo waa loo qaybin kara 400.

 Xilliyada sanadka/Årstider Dhulka wuxuu marinmeerkiisa ku jiraa isagoo 23,5 º darajo qorraxda ka janjeersan. Saa daraadeed fogaanta sare ee qorraxda ay had walba inoo jirto wey kala duwan tahay sanadka gudihiisa. Kala duwanaanta fogaanta ay qoraxdu dhulka u jirto waxay aad ugu weyn tahay woqooyiga iyo koofurta kakoonka dhulka. Gobollada saaran hareeraha dhulbaraha wey ku yartahay kaladuwanaantaasi Gobollada ku kala yaal labada cirif ee dhulka, oo la kala yiraahdo Qudbiga woqoyi iyo Qudbiga koofureede, beri walboo ka mid ah xilliga jiilaalka qorraxda kama dhacdo oo cirkay ku taallan tahay. Bartanka xilli-barafeedkuna waa qorrax la’aan. Gobollada dhulbaraha agagaariyase hal berina qorraxda kama maqnaato, oo cirkay sare ayey ugu shidan tahay.

Kala duwanaanta hadba inta fogaan ay sanadka gudihiisa qorraxdu ka korreyso dhulka, hadba intii loo sii dhowaado aagga woqooyi ama aagga koofureed bey fogaanta sii weynaataa. Saa daraadeed intiiba dhulbaraha woqooyi ama koofur looga sii fogaanayo bay kala duwanaashada xilliyada sanadkuna sii kordhaan.

 

Habeen iyo maalin/Dag og natt

Markaynu ka hadlayno Qoraxda waxanynu badanaa niraahnaa: ”Qorraxdu waa dhacday ama waa soo baxday”. Inkastoo aynu had iyo jeer aan sidaa ku tilmaamno, Hadana Qoraxdu ma aha wax dhaca marna soo baxa, ee dhulkaa isku udub-wareegta. Dhulka inuu hal mar si buuxda isugu udub-wareegana waxay ku qaadata 24 saac. Inta dhulku isku wareegayo, Qorraxdu inftiinkeeday ku haysaa, oo sidaas bey habeen iyo maalin ku kala noqoto.

 Dayaxa/Månen

Meerayaasha oo dhan waxay lee yihiin dayaxyo aan ka ahayn Dusaa (Merkur) iyo Waxaroxirta/Bakool (Venus). Dayaxa dhulkeena waxay ku qaadataa 29,5 beri in hal mar dhulka kusoo meerwareego.

Dayaxa waa qaboob yahay mana laha iftiin uu isaga iskiisa u lee yahay. Ifkan la moodo inuu dayaxa kasoo dirmay waa iftiin-qorraxeedka ku dhacay dayaxa oogadiisa deedna kasoo jimbacsaday. Markii ay qorraxda iyo dayaxa midba cirka doc ka kala jogaan waa marka aannu ku magacawno bil-caddo buuxda (fullmåne). Waxaa kaloo la yiraahda bil-afar iyo tobnaad, oo waxaa si buuxda inoou muuqda dhanka qorraxda iftiikeedu ku dhacahaya oo dhan. Haeyeeshe markii qorraxda iyo dayaxa ay cirka isku doc joogaan dayaxu waa wada mugdi. Waxaana u sabab ah inaan arki karin dhanka dayaxa ay qorraxda iftiinkeeda ku hayso. Markii dayaxa u ekaado qaanso afafka u dhuuban oo dhexda u weyn, waxaa la yiraahda bil, oo waa bil cusubo dhalatay. Bil-cusubna waxaa looga jeedaa ifaaliskeeda ayaa aaya raayar usoo kordhaaya.

 

Dayax-madoobaadka/Måneformørkelse

Kol kol waxaa dhacda in dhulka kala dhexgalo qorraxda iyo dayaxa, oo hooska dhulka dayaxa wada qabto ama qaar ka qabto oo madoobeeyo. Dhacdadan ayaa la yiraahdaa dayax-madoobaad. Nuurka dayaxaa aayar- aayar buu u tagaa in yar dabadeedna waa soo noqda Sidanna waxay dhacda oo keliya markay bil-caddo tahay.

           

 

Qorraxmadoobaad/Solformørkelse

Qorraxmadoobaadka waxaa la yiraahda markuu dayaxa qorraxda iyo dhulka kala dhex galo, oo ifka qorraxda giddigiisa ama qaarkii tago. Markii sidaas dhacdo waxaan oran karnaa in dayaxu isku beegay qorraxda, oo horteeda ku guureynaayo. Waxaa dhici karta qorraxmadoobaad kala bar ah, haddii dayaxa hooskiisu uu isku wada hagoogo qorraxda. Quruska dayaxa iyo quruska qorraxda, siday cirka inoogu muuqdaan, waxa la moodaa in xajmigoodu is le’eg yahay, sidaana waxaa u sababah in qorraxsu ay aad iyo aad dayaxa uga fog tahay.

Ka soo xigtay qoraalada Jawaari.

nafo logo Innholdsansvarlig: Lene Østli , E-post: Denne e-postadressen er beskyttet mot programmer som samler e-postadresser. Du må aktivere javaskript for å kunne se den.   - www.morsmal.no