Om Trygg læring// Barashada amaanka iyo xasiloonida
Barashada amaanka iyo xasilooni waa barnaamij waxbarasho, taas oo ay ujeedadu tahay in la fahmo, lana maareeyo walbahaarka. Arday badan ayaa la kulma walbahaar nolol maalmeedkooda taas oo ardayda ku keenta dhibaato sidii ay awood u saari lahaayeen waxbarashada. Walbahaarka iyo degenaansho la,aantu waa dareen celin dabiici ah ee jirkeena. mararka qaarkood walbaaharku wuxuu ka …
Barashada amaanka iyo xasilooni waa barnaamij waxbarasho, taas oo ay ujeedadu tahay in la fahmo, lana maareeyo walbahaarka. Arday badan ayaa la kulma walbahaar nolol maalmeedkooda taas oo ardayda ku keenta dhibaato sidii ay awood u saari lahaayeen waxbarashada.

Walbahaarka iyo degenaansho la,aantu waa dareen celin dabiici ah ee jirkeena. mararka qaarkood walbaaharku wuxuu ka yimaadaa nolol maalmeedka. Tusaale ahaan shaqadda iskuulka,saaxiibadda cusub, bilaabad iskuul cusub ama wadan iyo luqad cusub.Wakhtiyadda kale walbahaarku wuxuu ka iman karaa xaalado cabsi leh oo ay ardaydu la kulmeen waayihii hore.Tusaalooyinka waxaa ka mid noqon kara shil baabuur, dhimasho deg deg ah, dhaawac halis ah, dhulgariir ama qax.
Barashadda amaan iyo xasilooni waa waxbarasho ku saabsan falcelinta walbaarka iyo nasashada, sababta oo ah waxay kaa caawin kartaa inaad xasilooni hesho kuuna fudaydin kartaa inaad ku nasato xiisada ama fasalka. Markaad dareento degenaansho iyo nasasho waxaa kuu fududaanaysa inaad -xooga saarto oo aad waxbarato.
Waxbarashadan waxaad ku baran doontaa waxyaabaha horseedka u ah walbahaarka, iyo sida looga dareemo jirka, iyo sida hoos loogu dhigo walbahaarka, iyadoo la kaashanaayo tababaro. Tusaalooyinka tababarada waxaa ka mid ah, tababarka neefsiga, tababarka dheelitirka iyo tababarka feejignaanta.