Øvelse 1- Trygg plass/ Tababarka 1- Goob xasiloon

- goob amaan ah

Tababarka 1

Kani waa tababar nasasho adigoo isticimaalaya mala awaal, si aad u abuurto meel aad ku dareemi karto amaan, xasilooni iyo farxad. layligan waxaa uu ku saabsan yahay inaad maskaxdaad ku sawiran karto meel amaan ah. In maskaxa waxa lagu sawiro waxay la macano tahay in la qiyaaso ama laga fikiro sida ay wax u ekaan karaan ama noqon karaan.

Tani waxay jirka ka caawinaysaa inuu is dejiyo oo ay ka yaraato walbahaarku. waa mihiim in lagu celceliyo layligan ama tababarkan si uu waxtar u yeesho. waxay qaadan kartaa wakhti si aan maskaxeedan uga dhex helo goob amaan ah. Markasta oo walbahaarku qofka ku sii bato,way sii adkaanaysa in la helo goob amaan ah, isla markaana in la helo caawimo naftiisa dejisa.

Tababarkan waxaad u isticimaali doontaa mala awaalkaaga si aad u hesho goob aad ku xasili karto isla markaan amaan iyo farxad leh.Waxay noqon kartaa goob aad hore u joogtay ama waxay noqon kartaa meel aad mala awaalkaaga ku abuurto. Hadda meel ma dooratay? ok ka dib waxaynu tijaabinaynaa meesha aad hadda dooratay. Markaa waan fiirinkaraan inay shaqaynayso

Hubi inaad si wanaagsan u fadhido. indhaha isku qabo ama hoos u fiiri kabahaaga. Qaado neefsasho xeel dheer, bal qiyaas meel aad ku dareemayso xasilooni, degenaansho iyo farxad. Maskaxda ku qabo sidii inaad taagan tahay ama fadhido. ma isku arki kartaa goobtaas? fiiri agagaarka goobtaadaas. Maxaad aragtaa? Maxaa kuu dhow ee aad aragtaa? si faahfaahsan u fiiri midabyada kala duwan.

Ka fikir inaad gacantaada fidiso adigoo waxna taabanaaya. Sidaad dareemaysaa? hore u sii fiiri. Maxaad halkaas ku aragtaa? Isku day inaad fiiriso midabyadda iyo qabaabka kala duwan.Tani waa goob gaar kuu ah. waxaad malayn kartaa waxkasta oo aad rabto halkan

Markaad goobtaas joogto, ma dareenta degenaansho iyo xasilooni. ka fikir inaad ku socoto kabo la,aan. adigoo cagaha dhulka ku haya. Sidaa ayaad u dareemaysaa dhulka.Si tartiib ah u soco,isku day inaad u fiirsato waxyaabaha meesha yaala.Isku day inaad aragto sida ay u eg yihiin iyo sida ay dareemayaan. Maxaad maqali kartaa? wax laga yaabaa dhawaaqyo daciif ah oo dabayl ah, shimbiro ama badda

Ma ka dareemi kartaa wejigaaga kulaylka qoraxda ? Wax ma ururin kartaa? wax laga yaabaa inay tahay hawada badda ama ubax ama laga yaabee uruta cuntadda aad jeceshahay. Goobtan gaarka ah waxaad ku arki kartaa waxyaabaha aad rabto, waad taaban kartaa, waad ururin kartaa, waxaanaad maqali kartaa dhawaaqyo wanaagsan.

wax yar dib waxad helaysaa degenaansho, waxaad helaysaa nasasho, jirkaaguna wuu degayaa, maskaxdaaduna way degaysaa dhamaan jirkaaga wuu nasanayaa. waxaanad dareemaysaa xasilooni iyo farxad

Hadda bal qiyaas inuu qof kula joogo goobtaas. kani waa saxiib wanaagsan. mid wanaagsan, xoog iyo naxariis leh.Isaga ama iyaddu waxay halkaas u joogaan inay ku caawiyaan kuna daryeelaan. Bal qiyaas inaad si tartiib ah u socoto si xeel dheerna ugu fiirfiirsato goobtaada isagoo qofkana ku weheliyo.Waxaad dareemaysaa faraxad wada joogiina. Qofkani waa caawiyaahga wuxuuna ku fiicanyahay xalinta dhibaatooyinka.

Dib u milicso mala awaalkaagii , wakhti fiicna qaado. xasuusnow inay halkani tahay goobtaad gaarka ah.Goobtaadsi way jiridoonta markasta. Goobtaadaas ka fikir markast oo aad rabto inaad dareento degenaansho, xasilooni iyo faraxad. caawiyahaaguna wuxuu hada iyo goor joogaa halkaas markaad rabto

Hadda qaado neefsasho xeel dheer, isu diyaar inaad indhaha furto isla markaana ka tagto goobtaada gaar ah. waad ku soo noqon kartaa goobtaad markaad rabto. Si tartiib, tartiib ah, ula soco wixii aad hadda iyo halkan ee aad garanayso.

u fiirso kursiga kaa hooseeya, cagahana dhulka saar. Si tartiib ah u dhaqaaq oo fidi lugahaaga iyo gacamahaaga. markaad dareentida inaad diyaar tahay fur indhahaaga. Intaas markaad samayso, u fiirso inaad dareemayso xasiloono, nasasho iyo faraxad.