Øvelse 2 Layliga 2
Neefsasho qoto dheer
Neefsasho qoto dheer
Neefsashadeena waxaa si toos ah u maamula maskaxdeena, laakiin inaguna waan xakamayn karnaa. Markaan cabsano, xanaaqno ama welwelno. Neefsashadu waxay badnaa noqotaa mid deg deg ah oo aan qoto dheerayn. Taasi waxay fariin u dirtaa maskaxda, jirkuna wuxuu noqdaa mid aan degenayn. Qadaashada neefsasho qoto dheer oo gaarsiisan ilaa caloosha waxay dejin kartaa jirka iyo madaxa. Marka jirku dego sidoo kale maskaxduna way degaysaa. Neefsashada qotoda dheer ayaa noqonkarta hab wanaagsan oo lagula taaclo walbahaarka iyo dareenka
U fariiso si haboon ama istaag oo gacamahaaga saar caloosha. Ka neefso sankaaga isla markaana dareen in calooshadu fidayso.Si tartiib ah uga neefso afka isla markaana waxaad dareemaysaa in calooshadu yaraanayso. bal qiyaas inay calooshada ay ku jiro buufin ay hawo ka buuxdo oo haddana la faaruqinaayo. ku cel celi dhowr jeer una fiirso sida uu jirkaagu dareemayo.
