Øvelse 4//Tababarka 4
Adkayn iyo debcin
Tababarka 4
Adkayn iyo debcin waa tababar nasasho, kaas oo ku saabsan in la ogaado kacasanaanta muquyadda. Markaad adkayso ka dibna debciso murqahaaga waxaad ogaan kartaa farqiga u dhexeeya kacasanaanta iyo nasashadda. Isku bedelka adkaynta iyo nasashada, waxaa si fudud u debci kara muruqyaddii kacasanaa.ka dib waxaad noqonaysaa qof degen, jirkuna wuu nasanayaa. Tababarkan waxaa loo isticimaali karaa in lagu abuuro nasasho. waxaanu caawin karaa fiirasashada, wuxuu kaloo hoos u dhigi karaa degenaansho la,aanta jirka.

ku bilow inaad istaagto ama si wanaagsan u fadhiisato. indhaha isku qabo hadaad rabto, qaado dhowr neefsasho oo xeel dheer. Adkee gacamahaaga inta ugu badan ee aad awoodo. hay ilaa shan ilbiriqsi. ka dibna sii daa. Ogow farqiga u dhexeeya kacsanaanta iyo nasashadda. sidaa ku sii wad wejiga, qoorta, garbaha, caloosha, cagaha, kolba koox muruqyo ah. Markasta oo aad debciso u fiirso sida uu jirkaagu dareemayo fudayd iyo nasasho dheeriya. Markaad dhamayso si tartiib ah u neefso dhowr goor. ka dibna si tartiiba ah u kala bixi jirka, ka hor inta aadan indhaha kala qaadin