Tema 1//Mowduuca 1

Xakamaynta iyo xasiloonida


Walbahaarka iyo cabsidu waa fal celin dabiici ah ee jirkeena. Waxaynu wax ka baran karnaa waxyaabah inagu keena walbahaarka, sida jirku dareemo marka walbahaar hayo iyo waxyaabaha aan samayn karno si aan nafteena u caawino una maarayno walbahaarka oo aan u dejino.

Ku saabsan walbahaarka

Xaalado ama waxyaabo loo arko inay khatar yihiin ayaa ina cabsi gelin kara.sida dagaal , colaad iyo qax oo walbahaar ka dhalan karaa.sidaa darteed walbahaarku waa fal celin dabiici ah. Wax jira waxyaabo badan oo inagu keeni kara walbahaarka tusaale ahaan iskoolka inaad ka daahdo ama imtixaan inaad leedahay. walbahaarka wuxuu inagu keenaa degenaansho la,aan ka dibna way adkaan kartaa inaad xooga saarto waxbarashadda.

ilustrasjoner av et hode, en hjerne, to personer som utrykker frustrasjon

Waa maxay sababta aad wax uga baranayso walbahaarka?

Marka uu walbahaar ku hayo ama cabsi, muruqyada jirkaaga ayaa isgala. murqyada garbaha, qoorta ayaa adkaada. si deg deg ahna waad u neefsataa. Wadnahaaguna aad buu u garaacaa. Marka aan dareeno sidaas waxaan samayn karnaa tababaro inaga caawiya si ay muruqyada jirku u debcaan. markaa waxaan dareemi karnaa degenaansho iyo xasilooni

Maxaan baran doonaa?

  • Wax ka baro in jirkeenu leeyahay fal celin dabiici ah oo la xiriirta walbahaarka iyo cabsida.
  • Wax ka baro wax ina cabsi gelin kara, walbahaarna inagu keena
  • Wax ka baro wax inaga caawin kara maaraynta walbahaarka
  • Wax ka baro tababarada sida(( Neefsi xeel dheer, adkayn iyo sii dayn)) kuwaas oo inaga caawinaaya ahaansha degenaan iyo xasilooni