Tema 2// Mawduuca 2

Maaraynta walbahaarka


Walbahaarku wuxuu inaga dhigaa qof aan joogin dareen ahaan, isla markaana aan xiriir la lahayn jirkeena. Waxaan hoos u dhigi karnaa walbahaarka isla markaana noqon karnaa qof soo jeeda, inaga oo ku fikirayno inaan joogno goob aan rabno/jecleysano joogitaankeed taas oo aan ka helayno xasilooni


Wax ku saabsan maaraynta walbahaarka

Tababarka ku saabsan goob xasiloon waxaynu ka helaa caawimo inaan ka fikirino inaga oo joogno goob xasiloon. Waxay noqon kartaa goob aynu hore u joogi jirnay, joogitaankeedana aan jecelnahay. ama waxay noqon kartaa goob cusub oo aynu ku samaysano malawaalkeena

Marar qaarkood waxa aan yeelan karnaa walbahaar yar, mararka kale walbahaar aad u badan. Waxaad samaysan kartaa qiyaastaada si aad u hubiso heerka walbaahrkaaga inuu yahay mid yar ama mid badan. Arrintaasi waxay kaa caawin kartaa inaad dareento culays yar.

Illustasjon av hode med spørsmålstegn, og et hode med blomstre rundt

Waa maxay sababta aad u baranayso maaraynta walbahaarka?

Sida badan dareen celinta walbahaarku waxay dhacdaa inaga oo aan ka fikirin. Laakiin markaan ogaano in walbahaar iyo cabsi ina hayso, waxaan isticimaali karaan tababarka maskaxeed si aan u helno degenaansho. Markaan ka fikirno waxyaabo xasiloon oo wanaagsan waxaan ka nasanaa waxyaabaha kale ee walbahaarka leh, jirkeenuna wuxuu noqodaa mid debecsan. Ka dibna waxaan dareemi karnaa isla markaana qiimayn karnaa heerka walbahaarka

Maxaan baran doonaa?

  • Wax ka baro tababarka Goob xasiloon taas oo loo isticimaali karo in lagu dego isla markaan aan dareeno xasilooni marlabaad
  • Wax ka baro in aan aqoonsano sida aan u dareeno una qiyaasno heerka walbahaarka