Tema 4 // Mawduuca 4

ska saar fekradaha xun xun


Fikirkeenu wuxuu inagu leeyahay saamayn. Fekradaha wanaagsan ayaa inaga dhiga kuwo faraxsan. Fekredaha xun xuna waxay inaga dhigaan murugo, cabsi ama xanaaq.Markaan barano fikirkeena ayaan bedeli karnaa


Fikrado wanaagsan ama kuwo xun xun

Inta badan waxaa maskaxdeena ka buuxa fekrado badan. Waxaan wakhti badan ku bixinaa inaan dhegaysano fekradaheena. Sida badan fekradaheenu waa kuwa wanaagsan.Markaa fekraduhu waa kuwa wanaasgan kuna sheegaya inay wax waliba si wanaagsan u socodaan.fekradaha xumi waxay inoo sheegaan in aanay arrimuhu si fiican u socon sidoo kale waxay oran karaan adiguna qof xun ayaad tahay

Illustasjon av to hoder og tanker som flyr

Fikradaha xun xun waxay noqon karaann sidii cod aan gudaheena ka maqalayno oo inoo sheegaya firkrado xun xun.Markaan murugaysanahay waxaa inagu iman kara fikrado xun xun.Waxaan u malaynaa inaan arrimihu si wanaagsan u socon doonin. iskoolku in aanu si fiican u socon doonin, wax kastaan noqon doonaan kuwo murugo leh.

Aqoonso fikradaha

Fikradaha xun xun waxa noqon karaan kuwo culays inagu keena, inagamana caawinayaan in xaaladu ka soo roonaato. sidaa darteed waa mihiim inaan barano firkradaha xun xun ee maskaxdeena ku jira. Taasi waxay keenaysaa inaan ka caawino maskaxdeena sidii ay joojin lahayd una bedeli lahayd fikradaha xun xun.

Maxaan baranaynaa?

 

  • Wax ka ogow noocyada fikradaha xun xun een aan ka fekerno
  • Wax ka baro sida loo joojiyo loona bedelo fikradaha xun xun.
  • Wax ka baro waxaad caawimo uga baahan tahay, cida aad caawimo ka heli karto iyo sidaan u raadsano caawimo.