Tema 3// Mawduca 3

Madaxa iyo jirku way isku xiran yihiin

Madaxa iyo jirku way isku xiran yihiin. Marka ay maskaxadu daarto digitoonida isla markaana inoo sheegto wax khatar ah ama aan fiicnayn, Jirkuna wuxuu galaa walbahaar. ka dib waxaan la hadli karnaa maskaxda si aan u caawino madaxa iyo jirku inay is dejiyaan


Madaxa iyo jirka

Madaxa iyo jirku way isku xiran yihiin, wayna isa saameeyaan. Markaan galno xaalada cabsi ah, Jirkeena waxbaa la soo dersa. jirkuna wuxuu isu diyaariyaa inuu ina difaaco. Wuxuu inaga ilaaliya wixii khatar ah, Taas oo ah arrin aad u wanaagsan. Maskaxda ayaa u sheegta jirka, hadda khatar ayaa jirta sidaa darteed waa in uu diyaar noqodaa jirku. Maskaxdu waxay gashaa xaalad digtooni ah. Wadnuhuna wuxuu bilaabaa inuu si deg deg ah u garaaco neeftuna waxay u soo baxdaa si deg deg ah.

Illustrasjon avet hode med tannhjul, en som jolder et hjertet i hånden og et måleinstrument

La hadal maskaxda

Mararka qaarkood maskaxdu waxay gashaa xaalad digtooni ah, inaga oo aan ku jirin xaalad khatar ah.Waxayna dhici kartaa inaga oo si deg deg ah u fikirnay, aragna ama maqalna wax ina xasuusiya khatar hore. Digtoonidaasi waa mid been ah. Nafteena waxaan ku caawin karnaa inaan damino degtoonidaas.Haddii aan dareeno cabsi iyo walaac, waxaan ka caawin karnaa maskaxdu inay is dejiso, inaga oo la hadala maskaxda oo u sheegayna maskaxda inaysan hadda khatari jirin.

Maxaan baranaynaa?

  • Wax ka baro inaad lahadasho maskaxdaad si aad u dejiso
  • Ku tababaro Goob xasiloon, Adkayn iyo siidayn iyo tababarka neefsiga