Artikler – ordklasse // Qodobbada af soomaaliga

Foto: aga7ta /AdobeStockQodobku waa eray ama xarfo ka mid ah qaybaha hadalka, Af soomaaliga marka laga hadlayana waxay xagga dambe ka raacaan magaca marka aanu dahsoonayn ee ay yihiin kuwo qofka hadlaya iyo ka lala hadlayaa isla garanayaan.

Qodobada afka soomaaligu waxay u qaybsamaan kuwo  raaca magacyada labka ah iyo kuwa raaca magacyada dheddigga ah. Magacyada labka ah waxa gadaal raaca qodobka -ka , waxaase dhacda in magacyada qaarkood ku dhammaadaan dhawaaqyo is beddela marka qodobku raaco. Tusaale waxa u ah magaca guri, waxa uu noqdaa guriga.  Sababta awgeed waxa uu qodobka -ka  magacyada labka raacaa yeelan karaa 4 qaab oo kale oo ah:  -ga, -ha iyo -a.

 

Tusaale:
Faras……………….Faraska
Guri   ……………… guriga
Fure………………….Fureha
Loox…………………. Looxa

Magacyada dheddigga waxa raaca qoboka – ta, oo isaguna yeelan kara afara qaab oo kala ah: -ta , da , sha iyo dha.

 

Tusaale:
Gacan ……………………. Gacanta
Mindi…………………………Mindida
Ul……………………………….Usha.
Gabadh……………………..Gabadhdha. Hase yeeshee maadaama uu dhawaaq dh ka kooban yahay laba xaraf lama qoro labanlaabka dhwaaqa dha.