Om fortellingen

«Jeg var sleip og grådig, men nå får jeg svi, nå står jeg her og tigger, og ingen vil gi». 

Den rike mannen og bonden

forrige
neste
bilde av en by

Waxaa bari hore, meel aad u fog, badh tamaha saxaraha weyn, ku yaalay magaalo yar oo carbeed. Magaalada waxaa ku yaalay kumanaan jidad oo cidhiidhi ah iyo luuqyo. Bartamaha magaaladana waxaa ku yaalay suuq weyn oo aad looga buuxo. Suuqa waxaa ku yaalay dukaamo bilic leh oo laga heli karo wax kasta oo u dhexeeya cirka iyo dhulka.

For lenge siden, langt borte, midt i en stor ørken, lå det en liten arabisk by. I byen var det tusenvis av trange gater og smug, og midt i byen lå det en stor basar som var full av liv. På basaren var det mange fargerike butikker der man kunne finne alt mellom himmel og jord. 

forrige
neste
Bilde av en rik mann og en bonde som har noe på ryggen som går mot hverandre på et torg

Dadka dhexdiisa ayaa waxaa dhex socday nin maal qabeen ah oo dhar qurxoon iyo dahab sita. Waxa uu soo xidhay khamiis dheer oo xariir ah oo laga keenay Shiinaha, silsilad dahab ah oo Iran laga keenay, iyo fargal dheeman ah oo laga keenay Hindiya.

Si kadis ah ayuu ninkii waxa uu arkay nin faqiir ah oo beeraley ah. Ninka beeralayda ahaa wuxuu xidhnaa dhar wasakh ah oo goo go’ay , dhabarkana waxa uu ku sitay xidhmo weyn oo qoryo culus ah. Ninkii beeralayda ahaa waxa uu socday isaga oo foorara, arkina karayn wadadii ka horaysay, si uu uga fogaado in uu dadka ku dhaco ayuu ku qaylinayey: «iska jir! iska jir!» Dadkuna way ka baydhayeen si ay ugu oggolaadaan ninka beeralayda ah inuu dhaafo, laakiin ninkii taajirkii ahaa kama baydhin. «Waa maxay sababta aan uga baydhayaa beeraley faqiir ah?» ayuu ku fekeray.

Inne i folkemengden gikk det en rik mann med fine klær og smykker. Han hadde på seg en lang silkekåpe fra Kina, et gullkjede fra Iran og en diamantring fra India. 

Plutselig fikk mannen øye på en fattig bonde. Bonden hadde på seg møkkete, slitte klær, og på ryggen bar han en stor bunt med tunge stokker. Bonden gikk med bøyd rygg og kunne ikke se veien foran seg, så for å ikke komme borti noen ropte han: «Pass deg! Pass deg!» Folk flyttet seg slik at bonden fikk gå forbi, men det gjorde ikke den rike mannen. «Hvorfor skal jeg måtte flytte meg for en fattig bonde?» tenkte han. 

forrige
neste
den rike mannen og bonden krasjer inn i hverandre og ligger oppå hverandre

Maalqabeenkii kama hor dhaqaaqin ninkii beeraleyda ahaa, isla markiibana, way isku dhaceen. Ninkii beeralayda ahaa wuu kufay, oo wuxuu ku dul dhacay ninkii maalqabeenka ahaa, qoryihiina dhinac walba ayay u duuleen.

Den rike mannen flyttet seg ikke for bonden, og rett som det var, krasjet de. Bonden snublet og falt over den rike mannen, og stokkene føyk til alle kanter.  

forrige
neste
den rike mannen holder i bondens skjortekrage og drar han etter seg

Markii ninkii maalqabeenka kacay ayuu ogaaday in dharkiisii iyo dahabkiisii ay xumaadeen. Inta uu xanaaqay ayuu ku qayliyey: «Tan waad ka shalayn doontaa!» Intuu ninkii beeraleyda ahaa qabtay qoortii shaadhkiisa ayuu u jiiday dhinca garsooraha magaalada.

Da den rike mannen reiste seg, oppdaget han at klærne og smykkene hans hadde blitt ødelagt. Han ble rasende og skrek: «Dette skal du få svi for!» Han tok tak i bondens skjortekrage og dro ham med seg til byens dommer.  

forrige
neste
den rike mannen og bonden er hos dommeren. den rike mannen peker på bonden

Maalqabeenkii ayaa ku qayliyay isagoo garsoorihii la hadlaya: «Anigoo suuqa dhex socda oo nabad mooyaane aanan wax dhibaato ah dareemayn, ayaa ninkan beeralayda ahi oo xoog ku socda si ula kac ah iigu dhacay, hadduu ii diggi lahaa waan ka hor dhaqaaqi lahaa, bal i eeg hadda dharkii iyo dahabkiiba wuu iga kharribay, waa in la ciqaabaa!»

Garsoorihii ayaa eegay ninkii beeralayda ahaa oo weydiiyey, “Tani ma runbaa?” ninkii beeralayda ahaa ayaa istaagay isaga oo aan dhaqaaqin, wax jawaab ahna bixin. «Waan kuugu celinayaa,» ayuu yidhi xaakinkii, “ma runbaa waxa uu sheegayaa? » Ninkii beeralayda ahaa waxba ma odhan. «Miyaanad maqlin su’aashayda?», ayuu weydiiyey Garsoorihii. Ninkii beeraleyda ahaa weli hal kalmad muu odhan.

Den rike mannen ropte til dommeren: «Jeg gikk på basaren og ante fred og ingen fare, da bonden kom mot meg i en voldsom fart og krasjet inn i meg med vilje. Hvis han hadde varslet meg, hadde jeg jo flyttet meg! Se på meg nå, han har ødelagt klærne og smykkene mine! Han må straffes!»  

Dommeren så på bonden og spurte: «Stemmer dette?» Bonden sto urørlig uten å svare.  «Jeg gjentar,» sa dommeren, «stemmer det han sier?» Bonden sa ingenting. «Hørte du ikke spørsmålet mitt?», spurte dommeren. Bonden sa fortsatt ikke et ord.  

forrige
neste
den rike mannen holder hendene foran munnen sin. bonden smiler .

Garsoorihii ayaa u soo jeestay dhinacii ninka maalqabeenka ahaa oo ku yidhi: «Miskiinkan beeraleyda ahi ma hadli karo , sidee buu kuugu digi karaa hadii aanu hadli karin?»

Maalqabeenkii isaga oo aan fekerin ayuu la soo booday: «Haa, waan ogahay in uu hadli karo, waayo waxa aan ku maqlay hadalkiisa suuqa weyn! Wuxuu ku qaylinayey “iska jir, iska jir!” si dheer oo lawada maqlayo, in badan!»

Ninkii Beeralayda ahaa wuu qoslay. Isla markiiba ninkii maalqabeenka ahaa wuxuu gartay inuu is kashifay.

Dommeren snudde seg til den rike mannen og sa: «Den stakkars bonden er jo stum, han kunne jo ikke ha varslet deg når han ikke kan snakke?»  

Uten å tenke seg om utbrøt den rike mannen: «Jo, jeg vet at han kan snakke, for jeg hørte ham på basaren! Han ropte “pass deg, pass deg!” høyt og tydelig, mange ganger!»  

Bonden gliste. Med ett forsto den rike mannen at han hadde avslørt seg. 

forrige
neste
bonden står på torget og roper mens alle ser på han

Garsoorihii ayaa fahmay in ninka maal qabeenka ahaa been sheegay. Ninkii beeralayda ahaa wuu u digay dadka marka uu suuqa dhex marayey, balse ninka maal qabeenka ah ayaan ka hor dhaqaaqin. Ciqaab ahaan waxaa ninkii maal qabeenka ahaa lagu xukumay inuu siiyo dhamaan wuxuu hanti lahaa ninkii beeralayda ahaa, kuna qaylinayo.

«Waxaan ahay nin xun oo hunguri weyn, laakiin abaal kaygii baa lay mariyey. Hadda halkan baan taaganahay oo dawarsanayaa, qofna waxba ima siinayo».

“Snipp, snapp, snute, sheekadiina waa dhammaatay.”

Dommeren forsto at den rike mannen hadde løyet. Bonden hadde varslet da han gikk gjennom basaren, men det var den rike mannen som ikke hadde flyttet seg. Som straff måtte den rike mannen gi alt han eide til bonden, og han måtte stå foran alle på basaren og rope:  

«Jeg var sleip og grådig, men nå får jeg svi, nå står jeg her og tigger, og ingen vil gi». 

Snipp, snapp, snute, så var eventyret ute. 

forrige
neste

Du finner flere flerspråklige fortellinger gratis på morsmål.no morsmal logo
Der finner du også tilleggsressurser og lydstøtte til fortellingene.

creative commom logo
Lisensieret under en Creative Commons Navngivelse-
IkkeKommersiell-DelPåSammeVilkår 4.0 Internasjonal lisens.

Copyright © 2025 · NAFO
Forsidedesign: Mari Helén Holum