Dikt av Amran Mohamed Ahmed // Amran Maxamed Axmed

Illustrasjon: VectorBum/ AdobeStock

Her finner du dikt skrevet av Amran Mohamed Ahmed.

Amran Maxamed Axmed waxay ku dhalatay kuna barbaartay magaaladda Hargeisa-Somaliland. Waxay ku dhamaystay waxbarashadeedii ilaa dugsiga sare isla magaaladda Hargeysa 1975.Waxay kale oo ay qaadatay laba sano oo ah tababarka maamulka Xafiisyada iyo tijaaradda. Ka dibna waxay shaqooyin ka qabatay dalka gudihiisa iyo wadanno

dhowr ah oo dibadda ah. Amran waxay qaxootinimo ku gasahy 1990 dalka Finland, halkaas oo ay ku qaadatay tababar macallin-nimo.Muddo toban sano ah Amran waxay macallimad ka ahayd dugsiyada ku yaal magaalada Vantaa ee dalka Finland, isla markaas waxay wariye ka

noqotay idaacadda qoyska ee Raadiyow Sahan in ku dhow toddoba sano. Waxay qortay laba buug oo sheekooyin ah hal CD maaweelada caruurta. Waxa kale oo soo saartay hal dakomantary oo ka warbixinaayey houmarka caruurta Soomaliyeed ee Finland ku dhaqan.

Amran dareenkeeda farshaxanimo iyo maansooyinkeeda waxa loo tarjumay afka Fiinishka, lswidishka, lngriiska. Amran waxay ku hadashaa luqadaha lngiriisda, Carabiga, Fiinishka waxaana la gudoonsiiyey laba abaal marin oo qiimo leh iyo shahaada sharaf intaba. Sannadkii 2007 Amran waxay uguurtay magaalada London ee carriga lngriiska halkaas oo ay ka shaqayso ururro u adeega bulshada Somaliyeed ee dalkaas ku dhaqan. 2009kii duqa magaaladda tower Hamlets ee bariga London ayaa gudoonsiiyey shahaada sharaf. Amran waxay la shaqaysaa ururo dhawr ah oo Somaliyeed oo ka hawlgala magaaladda London ee carriga lngiriiska oo ay hadda ku nooshahay.

 

pdfSuugaanta Amran Maxamed Axmed (pdf)