Divali

Diwali waa dabaaldegga Hinduuga.

Diwali waa ciida iftiinka. Iftiinku wuxuu ka caawiyaa ilaahyada inay gudcurka iftiimiyaan. Wanaag ayaa ka guulaysanaya xumaanta. Iftiinka iyo qurxinta rangoliga ee albaabka la sudhaa waxay soo dhaweeyaan martida iyo ilaahyada wanaagsan. Waxii shar lehna banaanka ayey ku celinayaan.

Ma jirto hab go’an oo loogu dabaaldego Diwali. Waxaa laga yaabaa in meelo kala duwan ay ka dhacaan dabaaldegyo kala duwani. Diwali waxa la xusaa dabayaaqada oktoobar ama horraanta november. Diwaliga waxay qoysku ku labistaan ​​dhar qurux badan. Dad badan ayaa gacmahooda xiinaha marsada. Waxaa caado ah in lala dabaaldego qoyska iyo asxaabta. Waxay cunaan cunto wanaagsan, keeg iyo macmacaan. Dad badan ayaa midba midka kale hadiyado siiya. halka qaar kalena ay qarxiyaan rash.

Hinduugu waxay aaminsan yihiin ilaahyo badan. Lakshmi waa ilaahada iftiinka, barwaaqada iyo hantida. Hinduugu waxay jecel yihiin in Lakshmi soo booqato gurigooda inta lagu jiro Diwaliga. Waxay ka fogaysaa jinniyada sharka leh. Diwaliga ayaa sidoo kale xusuusiya soo noqoshada ilaahyada Rama iyo Sita ka dib sanado badan markay qaxitaan ku maqnaayeen.

Hinduugu waxay u tukadaan, siiyaana hadiyado ilaahyada inta lagu jiro Diwaliga. Waxaa loo yaqaan puja. Waxaa la dhigaa cunto, cabitaan, shamac iyo foox. Qaar badan ayaa heesa ama ciyaara. Waxa kale oo caado ah in la dhaqo taallooyinka ilaahyada oo lagu qurxiyo budo midab leh. Diwaliga dad badan ayaa aada macbadyada oo booqda asxaabtooda. Waxay isu rajaynayaan diwali wanaagsan, waxay kale oo isu diraan kaadhka diwaliga.

Lær mer om hinduismen