Jødedommen// Diinta Yuhuuda
Diinta Yuhuuddu waxay ka soo bilaabatay bariga dhexe ilaa 4000 oo sano ka hor. Erayga Yuhuudi waxa loola jeedaa qof ka tirsan dadka Yuhuudda ah, hadday tahay diin ahaan, dhaqan ahaan, ama beel ahaan.
Waxaa adduunka ku nool qiyaastii 15 milyan oo Yuhuud ah. Badankoodu waxay ku nool yihiin Israa’iil ama Maraykanka. Sida diinta Masiixiyadda iyo Islaamka, waxaa diinta Yuhuuda udub dhexaad u ah rumaynta hal Ilaah. Diinta Yuhuuda waa tan ugu da’da weyn saddexda diimood ee tawxiidka ah.
Diinta yuhuudu waxay leedahay dariiqooyin kala duwan, kuwaasoo oo si kala duwan u fasira uguna dhaqma diinta. Sida Yuhuuda Ortodokska, Yuhuuda konserkatifka ah, iyo Yuhuuda Dib-u-habaynta lagu sameeyey, kuwaas ayaa ka mid ah dariiqooyinka kala duwan.
Iimaanka
Yuhuuddu waxay aaminsan yihiin hal Ilaah. Ilaah baa dunida abuuray oo dadka ku hagaya sharciyadiisa. Diinta Yuhuuddu waxay ku bilaabatay axdi dhex maray Ilaah iyo Ibraahim, kaas oo Ilaah heshiis gaar ah la galay Ibraahim. Ilaah wuxuu ballan u qaaday in Ibraahim uu aabo u noqon doono dad aad u tiro badan., iyo in reer Ibraahim ay heli doonaan dhulka Kancaan. Taa beddelkeeda in Ibraahim iyo tafiirtiisu ay racaan kuna noolaadaan sharciga Ilaahay.
Waxyaabaha ugu muhiimsan diintaYuhuuda waa daryeelka dadka, cafis, iyo cadaalad. Diintu waxay saamaynaysaa dhinacyo badan oo nolol maalmeedka ka mid ah. Waxaa jira sharciyo faahfaahsan iyo caadooyin la xiriira cuntada, dharka, salaadda, iyo ciidaha. Iyagoo raacaya xeerarkan, Yuhuuddu waxay rabaan inay ilaashada oo xidhiidh dhow la yeeshaan Ilaahay.

Dadka Awliyada ah
Diinta Yuhuudda waxay ku xisaabtamaan awowayaashii Ibraahim iyo wiilashiisa, Isxaaq iyo Yacquub, inay yihiin kuwo awliyo ah. Waxaa loo arkaa inay yihiin awoowayaasha dadka Yuhuudda, waxayna udub dhexaad u yihiin axdiga Ilaah.
Muuse waxa loo arkaa nebigii ugu weynaa. Wuxuu ilaahay ku soo dejiye toban amar isgoo ku sugan buurta Siinay. Wuxuu ka caawiyay dadka Yuhuudda ah inay ka baxsadaan addoonsiga Masar.
Diinta Yuhuuda ma laha cid wakiil uga ah ilaahay, laakiin waxay leedahay tiro dhawr ah oo awliyo ah. Kuwani waa tusaalayaal ku dayasho mudan iimaanka, hoggaaminta, iyo addeecidda Eebbe.

Kutubta Tawreed
Tanakh waa kitaab muqadas ah, oo aasaas u ah caqiidada Yuhuudda iyo dhaqanka. Tanakh waa hage taariikhi ah iyo mid ruuxi ah labadaba, kaas oo gudbinaya sharciyada Ilaah iyo taariikhda Israa’iil. Tanakh wuxuu ka kooban yahay saddex qaybood. Qaybta ugu muhiimsan waa Tawreed. Tawreedku wuxuu ka kooban yahay shanta kitaab ee Muuse, oo leh shuruuc, tilmaamo, anshax iyo sheekooyin taariikheed.
Talmuud waa qoraal fasiraya Tanakh. Talmuudku waxa uu ka waramayaa sida loogu noolaado nolol diimeed, Waxa uu sharxayaa qawaaniinta iyo waajibaadka Yuhuudda. Kuwa tarjuma Tanakh waa khabiiro ku takhasusay sharciyada, waxaana lagu magacaabaa rabbinere

Guriga cibaadada
Guryaha cibaadada ee Yuhuudda waxaa loo yaqaan synaguuger. Synaguuga waa meesha ugu muhiimsan ee la isugu yimaado ee hawlaha diinta iyo bulshada. Waa halka ay Yuhuuddu ku kulmaan ee salaada, waxbarashadda, iyo cibaadaysi guud. Synagoger sidoo kale waxaa loo isticmaalaa waxbarashadda, dabbaaldeggayada ciidaha, iyo hawlaha kale ee bulshada la xiriira
Qaybta ugu muhiimsan ee synagoger waa aron ha-kodesh, oo macnaheedu yahay sanduuqa quduuska ah. Sanduuqa quduuska ah waxaa lagu kaydiyaa kitaabbadii Tawreed. Synaguuga waxay ku kala duwanaan karaan cabbir ahaan iyo qaab ahaan, laakiin had iyo jeer waxay la loo jeediyaa dhinaca Jerusalem.






Ciidaha iyo cibaadooyinka
Diinta Yuhuuda waxa ay leedahay ciido iyo cibaadooyin badan oo astaan u ah dhacdooyinka muhiimka ah, ee taariikhda diinta iyo nolosha Yuhuuda. Fasaxyada ugu muhiimsan waxaa ka mid ah, Shabbat, Pesach, Yom Kippur, iyo Hanukkah.
Sabbaten waxaa la dabaaldegaa toddobaad kasta, laga bilaabo qorrax dhaca Jimcaha ilaa qorrax dhaca Sabtida. Sabbaten waa wakhti nasasho, duco/salaad, iyo wadajir. Pesach ayaa loo dabaaldegaa si loo xuso ka bixitaankii Yuhuudda ee Masar iyo ka xorogii addoonsiga.
Yom Kippur waxaa loo yaqaan maalinta kafaaraggudka. Maalintani waa maalinta ugu fadliga badan sanadka, oo loo isticmaalo milicsiga, tawbada iyo soonka. Hanukkah waa dabbaaldegyo nalal ah, oo lagu dabaaldego shumac lagu shido laambad la yiraahdo menorah.

