Kristendommen // Diinta masiixiga

Denne teksten finnes på flere språk. Tanken er at teksten skal være et supplement til andre læremidler og andre aktiviteter i opplæringen. Det er altså ikke meningen at disse ressursene skal stå alene, men at de kan brukes i innledning til arbeid med temaet.

Teksten kan, for eksempel, brukes sammen med tospråklig lærer for å aktivere elevenes kunnskaper om temaet, og å bidra til at eleven lærer fagspråk.

Diinta masiixigu waxay ka soo bilaabatay ilaa 2,000 oo sano ka hor bariga dhexe, dhulka hadda loo yaqaano Israaiil iyo Falastiin. Waqtigaas, dadka ugu badan ee bariga dhexe waxay ahaayeen yuhuud. Erayga Masiixigu wuxuu ka yimid Ciise Masiixi.

Diinta kiristanku waa diinta aduunka ugu wayn. Dadka ku dhaqma diinta kiristanka waxaa lagu magacaabaa Masiixiyiin. Dunida waxaa ku nool qiyaastii 2,3 bilyan oo masiixiyiin ah. Sida yuhuudda iyo muslimiinta, masiixiyiintu waxay aaminsan yihiin inuu jiro Ilaah keliya. Sidaa darteed, saddexda diimood waxaa loogu yeeraa diimaha tawxiidka.

Ka dib asalkii diinta kiristaanka, diintu waxay u sii kala baxday jihooyin kala duwan. Waxaa caadi ah in diinta kiristaanka loo qaybiyo saddex jihooyin oo waaweyn. Kuwaas oo kala ah: kaniisadda katooliga, kaniisadda ortodhogoska iyo kaniisadda brotestanka. Dhammaan jihooyinkaas waxaa ka dhexeeya inay u arkaan kitaabka biibalka inuu yahay quduus iyo inuu Ciise masiixi yahay wiilkii Ilaahay.

Iimaanka

Masiixiyiintu waxay aaminsan yihiin hal Ilaah oo u jira saddex qaybood. Kaas oo ah Ilaah, Ciise iyo ruuxa quduuska ah. Tan waxa loo yaqaan saddexda -midnimada (Treenigheten.)

Sida kitaabka biibalku sheegayo, Ilaahay baa dunida abuuray, Ciisena wuxuu ahaa wiilkiisii. Ciise waa nebiga ugu muhiimsanaa diinta masiixiyadda. Wuxuu ahaa inuu dadka baro Ilaahay, iyo inuu siiyo rajo. Biibalku wuxuu sheegayaa in Ciise iskutallaabta dusheeda ku dhintay iyo inuu dhimashadii ka soo sara kacay. Ruuxada quduuska ahi waxay siisaa hanuun, xoog iyo sabir dadka aaminsan.

Imaanku waa qayb muhiim ah oo kamid ah nolol maalmeedka masiixiyiinta. Waxaa laga yaabaa inay maalin kasta tukadaan oo ay akhriyaan kitaabka biibelka. Waxa laga yaabaa inay ka qayb qaataan adeegyada kaniisadaha iyo hawlaha kale ee kaniisadaha. Qiimaha muhiimka ah ee diinta kiristaanka waa in dad kale loo naxariisto, cafis iyo dareen. Masiixiyiintu waxaa lagu dhiiri geliyaa inay iskaa wax u qabso ku shaqeeyaan iyo inay tageeran kuwa baahan.

Dadka quduuska ah

Diinta masiixiga, waxaa jira dad badan oo loo tixgaliyo inay yihiin awliyo ama muhiimad gaar ah leh. Waxaa loo arkaa inay yihiin kuwo lagu daydo, sababtoo ah waxay u dhow yihiin Ilaahay.

Qofka ugu muhiimsan diinta masiixiga waa Ciise. Hooyadii waxaa la yiraahdaa Maryantii bikradda ahay. Iyadu waa tusaale u tahay rumaysiga, addeecidda iyo inaanay isla weynayn. Ciise wuxuu haystay 12 nin oo ardaydiisii ​​ahaa. Ciise markuu uu dhintay ka dib, shaqadoodu waxay ahayd inay farriintiisii dadka gaadhsiiyaan. Waxay ahayd inay u sheegaan dadka wuxuu Ciise yidhi iyo wuxuu samayn jiray inta uu aduunka ku noolaa.

Dhaqannada katooliga iyo ortodokska, quduusiinta waxaa lagu tiriyaa inay yihiin dad ku noolaa nolol gaar ah, quduus ah oo ku dayasho mudan. Saint Lucia waa hal tusaale oo quduus ah. Diseembar 13 keeda waxaa loo dabaaldegaa maalinta Lucia xusuusteeda.

Kutubta quduuska ah

Biibalka waa kitaabka quduuska ah ee diinta kiristaanka. Wuxuu ka kooban yahay axdiga hore iyo axdiga Cusub. Axdiga Hore waxa ku jira qoraallo ku saabsan dad muhiim ah iyo dhacdooyin laga soo bilaabo waqtigii Ciise dhalashadiisa ka hor. Kutubtii Ciise lagu soo rogay waxay ka mid yihiin axdiga hore. Waxa ka mid yihiin tusaale ahaan qisooyinkii Ibraahim iyo Muuse. Qoraalladani waxay sidoo kale muhiim u yihiin Islaamka iyo Yuhuudda.

Axdiga Cusubi wuxuu ka kooban yahay qoraallo ku saabsan nolosha Ciise iyo sida farriintiisa loo faafiyey. Axdiga Cusubi wuxuu udub dhexaad u yahay caqiidada masiixiga iyo ku dhaqanka diinta.

Guriga cibaadada

Goobaha cibaadada masiixiyiinta waxaa loo yaqaan kaniisado. Kaniisaddu waa meesha ugu muhiimsan ee la isugu yimaado ee hawlaha diinta iyo bulshada. Halkaas waxaa ku kulmo masiixiyiinta si ay ugu cibaadaystaan, waxbarasho iyo cibaadaysi dad badan isku yimaadaan. Kaniisadda waxa kale oo loo isticmaalaa in wax lagu dhigto, dabbaal degga ciidaha, iyo hawlaha kale ee bulshada isku xidha. Adeega cibaadadda ee kaniisado waxaa hogaamiya wadaad ka sheekeynaya oo akhriya kitaabka biibalka. Kuwa ka qaybqaata waxa loo yaqaan jameeco.

Kaniisadahu waxay ku kala duwanaan karaan cabbirka iyo naqshadeynta. Astaanta kaniisadaha masiixiyadda badankoodu waxay leeyihiin ugu yaraan minaaradda gambaleelka iyo iskutallaabta. Gambaleelka kaniisadda ayaa la garaaca si loogu dhawaaqo in uu jiro adeeg ama xaflad kale oo kaniisadda ka dhaca.

Ciidaha iyo caadooyin.

Qaar ka mid ah ciidaha ugu muhiimsan diinta kiristaanka waa krismiska, booskaha, iyo binsaha. Ciidahaa ayaa calaamad u ah dhacdooyinka muhiimka ah ee taariikhda diinta.

Krismiska waxaa loo dabaaldegaa si loo xuso dhalashada Ciise. Masiixiyiin badan ayaa ku dabaal degga iyagoo ka qayb qaadanaya adeegyada kaniisadaha, had’iyado, iyo inay la kulmaan qoyskooda. Booskaha wuxuu calaamad u yahay dhimashadii Ciise iskutallaabta dusheeda lagu dilay iyo sarakaciisii ​​qabriga. Binsaha waxaa loo dabaal degga imaanshiyaha ruuxa quduuska ah ugu yimid xertii ciise, isaga oo siinaya awoodda ay ku hadlaan oo ay ku fahmaan dhammaan luqadaha aduunka. Binsaha waxaa loo arkaa bilowga kaniisadda masiixiga.

Laamaha kala duwan ee diinta kiristaanku waxay yeelan karaan caadooyin kala duwan. Caadooyinka ay wadaagaan waxaa la mid ah in loogu talagalay in lagu caawiyo dadka diinta rumaysan inay helaan u dhowaanshiyaha Ilaahay, midnimada iyo wehelnimada kiniisadda. Tusaalooyinka caadooyinka Masiixiyiinta waa dib u dhalashada (baabtiiska), xuska cuntadii ugu danbaysay ee uu Ciise cunay (nattverd) iyo xafladda qaan gaadhka (konfirmasjon).

Lær mer om kristendommen