Luuqadda iyo wada macaamilka – laga bilaabo 4 bilood
Ma ogtahay
Markaad la ciyaarto oo aad la hadasho ilmaha, waxaad isla helaysaan waayo-aragnimo wanaagsan. Qaabkani wuxuu kuu suura gelinayaa inaad xilli hore kicisid dareemayaasha ilmaha iyo koriinkooda luqaddeed. Ilmuhu waa korayaa oo wuxuu ku tababaranaya inuu sameeyo dhawaaq luqaddeed.
Luuqadda qalbiga
Dadka intooda badan luuqadda qalbigu waa luuqada ay u fududahay inay ku cabbiraan dareenkooda, iyo luuqadda qofku ku riyoodo. Luuqadda qalbigu waa luqadda qofku ku dareemayo xasiloonida ugu fiican marka uu isticmaalayo. Isticmaal luuqadda dabiiciga kuu ah markaad la hadlaysid ilmaha.

La hadal ilmaha
Ilmuhu wuu kula hadlayaa. La hadal ilmaha. eeg ilmaha, dhegayso oo ku celceli codka uu ilmuhu sameynayo. Hadal ugu sheeg ilmuhu waxa uu dareemayo. Ka keen ilmaha inuu qoslo iyo inuu dhoola cadeeyo. La soco ilmaha oo kala hadal ilmaha waxaad aragtaan.

U hees ilmaha
U hees ilmaha. Ku hees luuqaddaada qalbiga. Adeegso dhaqdhaqaaq iyo adiga oo wajiga siyaabo kala duwan ka dhigaya.
ku cel celi inaad ku heesto isku heestii marar badan. Ilmuhu wuxuu baranayaa erayada marka uu maqlo marar badan.

Isla ciyaara
Kala hadal ilmaha alaabaha lagu ciyaarayo. Alaabaha lagu ciyaarayo isku dhiib dhiiba. Sii ilmaha alaabaha lagu ciyaaro oo leh taabashooyin kala duwan, sameynaya dhawaaq ama leh midabyo xoog leh – si wadajir ah u wada baadha!

Wax wada akhriya
Buugaagta la eeg ilmahaaga. Ilmaha tus sawirrada oo ka hadla waxaad aragtaan. U ogoloow in ilmuhu buugaagta taabto.
Ogoow farxadda daawashada, akhrinta iyo buugaagta oo aad ilmaha kula ciyaartid. Inkasta oo laga yaabo inuu ilmuhu markiiba xiiso dheer ku tusin, waa bilow wanaagsan oo muhiim u ah bilowga akhriska.
