Luuqadda iyo wada macaamilka – laga bilaabo 8 bilood

Denne ressursen er en del av en serie som omhandler tidlig språkutvikling. Serien er delt inn i fire ulike alderstrinn: svangerskap og nyfødt, fra 4 måneder, fra 8 måneder og fra 14 måneder til ca. 2 år. Ressursene gir konkrete råd om interaksjon og samspill med barn i alderen 0 – 2 år som kan bidra til småbarns språkutvikling. Er du fagperson og møter foresatte til samtaler om småbarns språkutvikling, kan du med fordel dele denne ressursen med omsorgspersoner. Ressursene er utviklet av bydel Stovner i Oslo kommune i samarbeid med PPT Oslo. Morsmål.no har tilpasset og oversatt ressursene til flere språk.

Ma ogtahay

Ilmuhu codad badan ayuu samaynayaa si loo fahmo. Xusuusta ilmuhu way fiicnaataa xiligan, ilmuhuna wuu garan karaa ereyada inkasta oo laga yaabo in aanu weli waxba odhan karin. Ilmuhu wuxuu luuqadda bartaa markaad la hadasho ilmaha iyo markay isla erayadii kugu cel cel celiyaan marar badan. Ilmuhu waxay jecelyihiin inay kula ciyaaraan.

Luuqadda qalbiga

Dadka intooda badan luuqaddooda qalbigu waa luuqada ay u fududahay inay ku cabbiraan dareenkooda, iyo luuqadda ay ku riyoodaan. Luuqadda qalbigu waa luqadda qofku ku dareemayo xasiloonida ugu fiican marka uu isticmaalayo. Isticmaal luuqadda dabiiciga kuu ah markaad la hadlaysid ilmaha.


La hadal ilmaha

U sheeg ilmaha waxaad samaynaysid markaad ilamaha la joogtid, tusaale ahaan: “Hadda waxaan soo qaadayaa qaaddada si aan cunto kuu soo siiyo”. Hadalo raacsii ficilada aad samaynaysid xaaladaha kala duwan.

Ka hadla waxaad arkaysaan, waxaad wada samaynaysaan iyo waxaabaha ilmuhu xiisaynayo. Ilmuhu waxay jecel yihiin inaad si naxariis badan oo aan dhakhso ahayn aad ula hadasho.

U hees ilmaha

Adeegso dhaq dhaqaaqyo ku habboon heesta aad u heesaysid ilmaha. Soo raadi waxyaalo ilmuhu adeegsan karaan si ay dhawaaq u sameeyaan. Taas oo ay ilmuhu jecelyihiin.

Tusaalooyin heeso caruureed oo ay dhaqdhaqaaqyo la socdaan:

  • Dhammoow
  • Huwaaya huwaaya
  • Farti aabe
  • Aabaheey gacaloow

Wada ciyaara

Kala hadal ilmaha alaabaha lagu ciyaarayo. Alaabaha lagu ciyaarayo isku dhii-dhiiba adigoo ilmaha u sheegayso waxa aad samaynaysid. Ilmuhu waxay jecel yihiin ku celcelinta, isla wixii dhowr jeer sameeya. Isku badela qofka ciyaarta hogaaminaya.

Tusaalooyin ciyaaro aad la sameyn kartid ilmaha:

  • Dhuumaalaysi
  • Ku ciyaar ciyaaraha la isla dulsaaro (dhis oo dumi)

Samee akhrin joogta ah oo wanaagsan

Buugaag ha laga helo halka ay ilmuhu ku ciyaaraan. Ilmaha tus sawiradda ku jira buugga oo ka hadla waxaad aragtaan. U ogolow in ilmuhu farta ku fiiqo, boggaga uu rogo iyo inuu buuga qabto.

Maalinkasta waqti yar u qorshee si aad buugaagta iskula eegtaan. U raadi waqti xadiddan oo maalintii ka mid ah si aad arintaas u sameysaan. Tusaale ahaan jiifka ka hor ama cuntada ka dib. Saacadda akhriska uma baahna inay dheeraato. Mararka qaarkood waxaa ku filan in hal sawir la eego, waa kale oo xiiso badnaan kartaa in buugaagta dhowr jeer la bed bedelo.