Vesak // Feesak
Feesak waa ciid diimeed uu leeyahay Budiismuhu kaas oo la xuso maalinta dayaxa buuxo ee bilaha Abriil ama Maajo. Feesaga, Buudistaha adduunka oo dhani waxay u dabbaal degaan maalinta dhalashada Buudha. Feesak waxaa lagu xusaa dhalashada Buudha, baraaruggiisii iyo geeridiisii.
Buudha wuxuu dhashay in ka badan 2500 sano ka hor. Magaciisa dhabta ah wuxuu ahaa Siddhartha Gautama, wuxuuna ahaa amiir. Inkastoo uu haystay wax walba oo uu doonayey, haddana ma uusan faraxsanayn, sababtoo ah wuxuu arkay dad badan oo ku xeeran oo aan wanaag dareemayn. Dad badan ayaa xanuunsanaa, duqoobay, murugaysanaa ama dhimanayey. Markaas ayuu go’aansaday inuu ka tago noloshiisii quruxda badnayd ee amiirnimo si uu u ogaado sida dadka loo wanaajin karo. Wuxuu qaatay ku dhawaad lix sano oo uu wax ku baranayo, fikirayo iyo si qoto dheer ahna waa u fikiray (meditere).


Ugu dambeyntii, isagoo fadhiya geed weyn hoostiisa, wuxuu helay jawaabihii uu raadinayay. Wuxuu fahmay sida loo noolaan karo nolol wanaagsan oo loo fiicnaan karo. Wuxuu noqday mid loo yaqaan Buudha, taasoo macnaheedu yahay “kii wax loo iftiimay”. In qof wax loo iftiimiyo waxay ka dhigan tahay in si aad u cad wax loo fahmo. Buudistuhu waxay tan ugu yeeraan baraarugga Buudha. Kaas oo ahaa amiir, kadibna Buudha noqday.
Buudha wuxuu intii ka dhinayd noloshiisa ku qaatay baridda dadka wixii uu ogaaday. Wuxuu dadka baray sababta ay muhiim u tahay in nolosha lagu noqdo mid naxariis leh oo daacad ah. Ka dib geeridii Buudha, cilmigiisa ayaa sii noolaa. Tani waa cilmiga aan maanta u naqaano Buudaha.


Markay Buudistayaashu u dabaal degayaan Feesak, waxay tagaan macbadka oo waxay dhageystaan wadaadada ka sheekeynaya nolosha Buudha. Macbadyada waxaa lagu qurxiyaa ubaxyo waxaana la shitaa shumacyo iyo foox. Ubax kasta wuxuu xusuusinayaa in Buudha uu ku dhashay beer. Ubaxa Lotus-ka waa muhiim diinta Buudaha. Markii Buudha uu qaaday toddobadii tallaabo ee ugu horreeyay beerta dhexdeeda, ubaxa Lotus-ka ayaa ka soo baxay raadkii ay cagihiisu qabteen. Macbadka gudihiisa, Buudistayaashu waxay ku foorarsadaan miisaska allabariga hortooda kuwaas oo leh taallooyinka Buddha iyaga oo ku sharfaya Buudha, Dharma iyo Sanga (wadaadada iyo soorooyinka). Budistayaal badan ayaa taga macbadka si ay cunto ugu geeyaan wadaadada. Qaar way ku fakaraan, lacag ama waxyaalo kale ayey siiyaan macbadka iyo dadka baahan. Waxaa sidoo kale caadi ah in la bixiyo biyo, bariis iyo miro taallooyinka Buddha ee kala duwan hortooda.



Waxaa caadi ah in guryaha, deganaada iyo macbadyada lagu qurxiyo nalalka iyo calamada Buudistaha. Meelaha qaar, faynuusyada ayaa sidoo kale cirka lagu iftiimiyaa. Dad badan ayaa diraya kaararka Feesak iyagoo rajeynaya dabaaldeg wanaagsan.




Film om koreansk Vesak // Filin ku saabsan sida Kuuriyaanku u dabaaldegaan Feesagga.
Lær mer om hinduismen
Alle bilder er hentet fra Adobe Stock