Axmed Aw Geeddi Maxamuud "Dheeraad", ma aha hal-abuur kaliya ee waa dhaqan yaqaan isku hawla barashada dhaqanka' afka iyo suugaantå Soomaalida. badhtamihii sanadkii 1966. Waxbarashadiisii dugsigahoose, dhexe iyo sareba waxa uu ku qaatey magaalada Hargeysa. Abwaanka hibadiisa hal-abuurnimo waxay bilaabmatey ardaynimadiisii. Waxaana suugaantiisa laga xiiseyn jirey goobaha waxbarashada iyo golayaasha lagu kulmo. Maansadani waa heestii labaad ee uu curiyo abwaanku ee soo raacda taxanihii suugaanneed, ee abwaanka. Waxa ay ka hadlaysaa aqoontu kaalinta ay bulshada kaga jirto. Waxa uu xusayaa abwaanku in aqoontu tahay ta la isku dhaafo, dhanka kale waxa uu tilmaan cad ka bixinayaa ardaynimadu qiimaha ay leedahay, iyo waajibka saaran ardayga ee looga baahan yahay. Heestani waxa ay ummadda uga digaysaa dhammaan dhibaatooyinka ay leedahay qabyaaladdu, waxaanay sigaara ula hadlaysaa ardayda, iyada oo uga digeysa wax badan isaga oo tilmaan iyo tusaale ka bixinaaya in saddexda cudur ee ummadduhu ka qayliyeen ee kala ah Gaajada, jahliga, iyo cudurku, ay qabyaaladdu ka digo kulushahay.
Sangen bevisgjør hvor viktig det er å vare en elev, hvor viktig det er for å skaffe seg kunnskap og hvor galt kan det gå når man bruker klansystemet til å nå sitt mål .