
BOCORKII ROGROGMAYEY
DET RULLENDE GRESSKARET

Beribaa waxaa jiray islaan weyn oo ku noolayd tuulo aad u yar oo ku taalay Iiraan. Tuulada dhinaceeda waxaa ku yaalay keyn cabsi leh. Islaanta weyni waxay lahayd gabadh guursatay oo u guurtay dhinaca kale ee kaynta. Muddo dheer isma ay arag, sidaas darteed markii Ciidda loo soo dhowaa, ayay waxay go’aansatay inay kaynta dhex marto si ay Ciidda ula dabaaldegto gabadheeda iyo qoyskeeda.
Det var en gang en gammel dame som bodde i en liten landsby i Iran. Ved siden av landsbyen var det en stor, skummel skog. Den gamle damen hadde en datter som hadde giftet seg og flyttet til den andre siden av skogen. De hadde ikke sett hverandre på lenge, så da det nærmet seg Eid, bestemte hun seg for å gå gjennom skogen for å feire sammen med datteren og familien hennes.

Islaantii weyni waxay bac ku guratay cunto, waxayna xiratay chador dheer oo madow, ubaxyano leh. Kadibna waxay bilowday inay lugayso. Intii ay sii dhex gelaysay kaynta, waxay ku heesaysay af Faarisi:
“Gabadhaydii qaaliga ahaydeey, aad baan kuu jeclahay. Waxaad aaday meel shisheeye ah, aad ayaannan ku tebayaa.”
Den gamle damen pakket en sekk med mat og tok på seg en lang, svart, blomstrete chador, og så begynte hun å gå. Mens hun gikk lenger og lenger inn i skogen, sang hun på persisk:
Alå doxtar balå qorbunatam man, be ghorbat rafti o heirunatam man. («Min kjære datter, jeg elsker deg, du har dratt til et fremmed sted, og jeg lengter etter deg»).

Si lama filaan ah, ayaa yey jidka u dhex istaagtay! Islaantii weynayd way cabsatay, cabsi darteedna halkii ay istaagtay ayey ka dhaqaaqi kari weyday. Yeygii candhuuf ayuu daadiyay, wuxuuna yiri: “Mmm, waxaad u muuqataa cunto aad u macaan!”
Islaantii waayeelka ahayd geesiyad ayey iska dhigtay, waxayna tiri: «Anigu ma ihi cunto macaan! Waan ahay caato, caloolina iguma taalo. Jirkaygu baruur yar buu leeyahay. Haddii aad i cunto, ma dhergaysid!!»
Yeygii wuxuu ugu jawaabay: «Laakiin aad baan u gaajoonayaa, hadda maxaa sameeyaa markaa?»
Islaantii waxay ugu jawaabtay: “I daa si aan gabadhayda ula soo Ciiddo, una soo cuno bariis iyo hilib wan oo ul lagu dubay. Markaan soo naaxo ee aan soo dhergo, ayaan kuu soo noqon doonaa anigoo cunto macaan ah oo saxan kuu saaran!»
Inkasta oo yeygu aad u gaajoonayey, haddana wuxuu u arkay inay tahay fikrad wanaagsan. Islaantii waayeelka ahaydna si degdeg ah ayay kaynta u sii gashay.
Plutselig stod en ulv midt i veien! Den gamle damen ble redd og stivnet til. Ulven siklet og sa: «Nam, du ser ut som et deilig måltid!».
Den gamle damen tok mot til seg og sa: «Jeg er da ikke deilig mat, jeg er tynn med mage flat. Kroppen min har lite fett, spiser du meg, blir du ikke mett!»
Ulven sa: «Men jeg er jo så sulten, hva skal jeg gjøre, da?»
Den gamle damen svarte: «La meg dra til datteren min for å feire Eid og spise ris med lammespyd. Når jeg har blitt stor og mett, kommer jeg tilbake som en deilig rett som kan spises på et brett!»
Selv om ulven var skrubbsulten, syntes han det var en god idé. Den gamle damen skyndte seg videre gjennom skogen.

Si lama filaan ah ayaa shabeel geed ka soo booday Islaantii waayeelka ahayd haddana! Aadna way u naxday. Shabeelkii ayaa dhoola cadeeyey wuxuuna yiri: «Mmm, waxaad u eegtahay cunto aad u macaan!»
Islaantii waayeelka ahayd geesiyad ayey iska dhigtay, waxayna tiri: «Anigu ma ihi cunto macaan! Waxan ahay caato, caloolina iguma taalo. Jirkaygu baruur yar buu leeyahay. Haddii aad i cunto, ma dhergaysid!!»
Shabeelkii wuxuu ugu jawaabay: «Laakiin aad baan u gaajoonayaa, hadda maxaa sameeyaa markaa?»
Islaantii waxay ugu jawaabtay: “I daa si aan gabadhayda ula soo Ciiddo, una soo cuno bariis iyo hilib wan oo ul lagu dubay. Markaan soo naaxo ee aan soo dhergo, ayaan kuu soo noqon doonaa anigoo cunto macaan ah oo saxan kuu saaran!»
Inkasta oo shabeelkii aad u gaajoonayey, haddana wuxuu u arkay inay tahay fikrad wanaagsan. Islaantii waayeelka ahaydna si degdeg ah ayay kaynta u sii gashay.
Plutselig hoppet en tiger ned fra et tre! Den gamle damen skvatt til. Tigeren gliste og sa: «Nam, du ser ut som et deilig måltid!»
Den gamle damen tok mot til seg og sa: «Jeg er da ikke deilig mat, jeg er tynn med mage flat. Kroppen min har lite fett, spiser du meg, blir du ikke mett!»
Tigeren sa: «Men jeg er jo så sulten, hva skal jeg gjøre, da?»
Den gamle damen svarte: «La meg dra til datteren min for å feire Eid og spise ris med lammespyd. Når jeg har blitt stor og mett, kommer jeg tilbake som en deilig rett som kan spises på et brett!»
Selv om tigeren var helt tom i magen, syntes han det var en god idé. Den gamle damen skyndte seg videre gjennom skogen.

Si lama filaan ah ayaa libaax aad u weyni jidka u dhex istaagay! Islaantii waayeelka ahayd way istaagtay, iyadoo yaab iyo cabsi darteed neefta ku dhegtay. Libaaxii ayaa aad u ciyey, wuxuuna yiri: «Mmm, waxaad u eegtahay cunto aad u macaan!»
Islaantii waayeelka ahayd geesiyad ayey iska dhigtay, waxayna tiri: «Anigu ma ihi cunto macaan! Waxan ahay caato, caloolina iguma taalo. Jirkaygu baruur yar buu leeyahay. Haddii aad i cunto, ma dhergaysid!!»
Libaaxii wuxuu ugu jawaabay: «Laakiin aad baan u gaajoonayaa, hadda maxaa sameeyaa markaa?»
Islaantii waxay ugu jawaabtay: “I daa si aan gabadhayda ula soo Ciiddo, una soo cuno bariis iyo hilib wan oo ul lagu dubay. Markaan soo naaxo oo aan soo dhergo, ayaan kuu soo noqon doonaa anigoo cunto macaan ah oo saxan kuu saaran!»
Inkasta oo libaaxii aad u gaajoonayey, haddana wuxuu u arkay inay tahay fikrad wanaagsan. Islaantii waayeelka ahaydna si degdeg ah ayay kaynta u sii gashay.
Plutselig stod en diger løve midt i veien! Den gamle damen stanset og gispet. Løven brølte og sa: «Nam, du ser ut som et deilig måltid!»
Den gamle damen tok mot til seg og sa: «Jeg er da ikke deilig mat, jeg er tynn med mage flat. Kroppen min har lite fett, spiser du meg, blir du ikke mett!»
Løven sa: «Men jeg er jo så sulten, hva skal jeg gjøre, da?»
Den gamle damen svarte: «La meg dra til datteren min for å feire Eid og spise ris med lammespyd. Når jeg har blitt stor og mett, kommer jeg tilbake som en deilig rett som kan spises på et brett!»
Selv om løven var så sulten at det rumlet i magen, syntes han det var en god idé. Den gamle damen skyndte seg videre gjennom skogen.

Markii qorraxdu dhacday oo ay mugdi noqotay, ayay ugu dambayn islaantii waayeelka ahayd soo gaadhay gurigii gabadheeda. Aad bay ugu faraxday inay aragto qoyskeeda, waxayna illowday dhammaan wixii ay jidka kula soo kulantay.
Toddobadii maalmood ee xigtay, waxay waqti farxad leh la qaadatay qoyskeeda, waxayna cuntay cuntooyin badan oo aad macaan.
Da solen gikk ned og det begynte å bli mørkt ute, kom den gamle damen endelig frem til datteren sitt hus. Hun ble så glad for å se familien sin at hun glemte alt som hadde skjedd på veien.
De neste syv dagene koste hun seg med familien sin og spiste masse god mat.

Markii islaanta waayeelka ahayd la gaadhay inay gurigeeda ku noqoto, ayay xusuusatay yeygii, shabeelkii iyo libaaxii jidka ku sugayay. Markii gabadheedu maqashay xayawaannadii kaynta ku jiray, waxay go’aansatay inay hooyadeed caawiso. Labadooduba waxay heleen fikrad wanaagsan. Waxay tageen suuqa, waxayna soo iibsadeen bocor weyn oo ay guriga u soo qaateen. Waxay ka jareen qaybta sare ee bocorka, kadibna waxay ka dhex saareen gudaha ilaa uu ka noqday mid godan oo bannaan.
Da den gamle damen skulle gå hjem igjen, kom hun til å tenke på ulven, tigeren og løven som ventet på henne. Da datteren fikk høre om dyrene i skogen, ville hun gjerne hjelpe moren sin. Sammen fikk de en idé. De dro til basaren og kjøpte et stort gresskar som de tok med seg hjem. De skar av toppen på gresskaret og gravde ut fruktkjøttet til det ble et tomt rom inni gresskaret.

Islaantii weynayd waxay gashay gudahii bocorka. Gabadheediina waxay saartay daboolkii bocorka, kadibna iyada iyo dadkii kale ee tuulada ayaa wada riixay bocorkii ay islaantii ku jirtay, ilaa uu xawaare yeesho oo uu bilaabmo inuu rogrogmado. Bocorkii ayaa sidaas ku sii dhex rogmaday kaynta dhexdeedii.
Den gamle damen klatret inn i gresskaret. Datteren la på lokket, og sammen med de andre i landsbyen dyttet de gresskaret med den gamle damen inni, så det fikk fart og begynte å rulle. Gresskaret rullet av sted innover i skogen.

OOY! Isla markiiba, islaantii weynayd waxay dareentay in bocorkii istaagay. Libaaxii ayaa joojiyey. Libaaxii ayaa bocorkii eegay oo weydiiyey: «Bocorka isrogrogayow, ii sheeg, ma ku aragtay jidkaaga islaan buuran?»
«Maya, wallaahi! I rog, i rogrogo, halkana iga fogee,» ayay islaantii weynayd ku jawaabtay iyadoo bocorka gudihiisa ku jirta. Libaaxii ayaa bocorkii riixay, Bocorkii ayaa sidaas ku sii dhex rogmaday kaynta dhexdeedii.
OI! Plutselig kjente den gamle damen at gresskaret stanset. Det var løven som hadde stoppet det. Løven så på gresskaret og spurte: «Rullende gresskar, fortell meg: Har du sett en fet dame på din vei?»
«Nei, walla, rull meg, trill meg herifra», svarte den gamle damen inni gresskaret. Løven ga gresskaret fart, og det rullet videre inn i skogen.

QAC! Isla markiiba, islaantii weynayd waxay dareentay in bocorkii istaagay. Shabeelkii ayaa joojiyey. Shabeelkii ayaa bocorkii eegay oo weydiiyey: «Bocorka isrogrogayow, ii sheeg, ma ku aragtay jidkaaga islaan buuran?»
«Maya, wallaahi! I rog, i rogrogo, halkana iga fogee,» ayay islaantii weynayd ka jawaabtay iyadoo bocorka gudihiisa ku jirta. Shabeelkii ayaa bocorkii riixay, Bocorkii ayaa sidaas ku sii dhex rogmaday kaynta dhexdeedii.
DUNK! Plutselig kjente den gamle damen at gresskaret stanset igjen. Nå var det tigeren som hadde stoppet det. Tigeren så på gresskaret og spurte: «Rullende gresskar, fortell meg: Har du sett en fet dame på din vei?»
«Nei, walla, rull meg, trill meg herifra», svarte den gamle damen inni gresskaret. Tigeren ga gresskaret fart, og det rullet videre gjennom skogen.

AAW! Isla markiiba, islaantii weynayd waxay dareentay in bocorkii hadana markale istaagay. Yeygii ayaa joojiyey. Yegygii ayaa bocorkii eegay oo weydiiyey: «Bocorka isrogrogayow, ii sheeg, ma ku aragtay jidkaaga islaan buuran?»
«Maya, wallaahi! I rog, i rogrogo, halkan iga fogee,» ayay islaantii weynayd ka jawaabtay iyadoo bocorka gudihiisa ku jirta. Balse yeygii islaantii khiyaanadii wuu ku fahmay, madaama uu codkeedii gartay.
Yeeygii daboolkii ayuu bocorka ka qaaday, islaantiina wuxuu ku yiri: «haaheey, waa ku helay!» Dabadeed bocorkii ayuu isku dhex tuuray si uu islaanta u qabto.
Laakiin islaantu dabool kale ayay bocorka hoostiisa uga samaysay. Isla markiiba daboolkii ayay furtay oo bocorkii dhinaca kale uga baxday. Intaanu yeeygii garan waxa dhacay, ayay islaantii xagga sarena daboolkii kaga xirtay. Yeygiina halkaas buu xidhmay!
AU! Plutselig kjente den gamle damen at gresskaret stanset enda en gang. Nå var det ulven som hadde stoppet det. Ulven sniffet på gresskaret og spurte: «Rullende gresskar, fortell meg: Har du sett en fet dame på din vei?»
«Nei, walla, rull meg, trill meg herifra», svarte den gamle damen inni gresskaret. Men ulven lot seg ikke lure, han kjente igjen stemmen til den gamle damen.
Han rev av lokket på gresskaret og glefset: «Aha, der er du!» Han stupte inn i gresskaret for å få tak i den gamle damen. Men hun hadde laget et lokk i bunnen av gresskaret også. Lynraskt åpnet hun lokket og kom seg ut av gresskaret. Før ulven skjønte hva som hadde skjedd, hadde den gamle damen lukket gresskaret fra begge sider. Nå var ulven innestengt!

Islaantii weynayd ee soo cuntay cuntada badan, xooga weyna soo yeelatay. Ayaa xooggeedii oo dhan isugu geysay oo riixday bocorkii uu yeygu ku jiray. Bocorkii wuxuu bilaabay inuu hoos ugu giringiro dhul caws leh. Marba markii ka danbaysay ayuu si xawli badan u sii giringiray, ilaa uu ugu dambayn ku dhacay doox qoto dheer oo mugdi ah.
Islaantii boorkii bay ka jafatay shaador keedii ubaxyada lahaa. Iyadoo faraxsan oo qanacsan ayay gurigeedii u dhaqaaqday, koob shaah ahna karsatay.
Sheekow, sheeko, sheeko xariir ah, sheekadiina halkaas ayey ku dhamaatay.
Den gamle damen som hadde spist seg stor og sterk, tok i alt hun kunne og dyttet gresskaret med ulven inni til det begynte å rulle nedover en gresslette. Gresskaret trillet raskere og raskere, og falt til slutt ned i en dyp, mørk dal.
Den gamle damen børstet av den blomstrete chadoren sin og gikk fornøyd og glad hjem og lagde seg en kopp te.
Snipp, snapp, snute, så var eventyret ute.
Det rullende gresskaret // Bocorkii rogrogmayey
Illustrasjoner: Svetlana Voronkova
Revidert i 2025 av Nasjonalt senter for flerkulturell opplæring
Forsidedesign: Mari Helén Holum
Revisjon og lydstøtte på somali: Ali Mohammed
ISBN:
Copyright © 2026 · NAFO
Lisensiert under en CC BY-NC-ND 4.0 Navngivelse-IkkeKommersiell-IngenBearbeidelser 4.0 Internasjonal lisens.




Du finner flere flerspråklige fortellinger gratis på morsmål.no/fortellinger
![]()
Der finner du også tilleggsressurser og lydstøtte til fortellingene.
Copyright © 2026 · NAFO
Lisensiert under en CC BY-NC-ND 4.0 Navngivelse-IkkeKommersiell-IngenBearbeidelser 4.0 Internasjonal lisens.
