HANEN OG KATTEN

forrige
neste
bilde av et hus i skogen

Beri baa waxaa jiray bisad iyo diig guri yar oo qori ah ku noolaa duurka dhexdiisa. Bisadda iyo diigu si fiican bay isu daryeeli jireen oo saaxiibbo wanaagsan bay ahaayeen.

Det var en gang en katt og en hane som bodde i et lite trehus i skogen. Katten og hanen passet godt på hverandre og var gode venner.  

forrige
neste
en katt med støvler snakker med en hane

Maalin maalmaha ka mid ah ayey bisadii u soo baxaysay ugaadhsi, waxayna diigii ku tidhi: «Qofna ha ka furin albaabka intaan maqanahay, gaar ahaana ha ka furin dawacada!!» Diigiina wuxuu ballan uga qaaday in aanu albaabka furin.

En dag da katten skulle ut på jakt, sa hun til hanen: «Ikke åpne døren for noen mens jeg er borte, og i hvert fall ikke for reven!» Hanen lovet å ikke åpne døren. 

forrige
neste
Hanen ligger i en seng og sover inne i huset

Bisadii markii ay tagtay ayuu diigii seexday.

Da katten hadde gått, gikk hanen og la seg for å sove. 

forrige
neste
Hanen sitter oppreist i sengen og ser forskrekket ut

Isla markiiba diigii ayaa ku soo toosay isagoo albaabka si xoog ah loo garaacayo.

Plutselig våknet hanen av at det banket hardt på døren. 

forrige
neste
En rev står utenfor huset og skraper mot veggen. Hanen står på andre siden av veggen og hører på hva reven sier.

Diigii ayaa kacay oo albaabka u baxay oo weydiiyey: «waa kuma?» Waxa uu maqlay cod u jawaabaya, «Waa aniga, dawacadii. Fadlan ma ka furi kartaa albaabka?» Diigii ayaa xusuustay wixii uu bisadda ugu ballan qaaday, markaas ma uusan furin albaabkii. «Fadlan, waan dhaxamoonayaa,» ayay dawacadii ku tidhi iyadoo ooyeysa. «Dawaco miskiin ah, dibadda ma taagnaan karto iyada oo dhaxamoonaysa,» ayuu diigii ku fekeray.

Hanen sto opp og gikk bort til døren og spurte: «Hvem er det?» Han hørte en stemme som svarte: «Det er meg, reven. Kan du være så snill å åpne døren?» Hanen husket hva han hadde lovet katten, så han åpnet ikke døren. «Vær så snill, jeg fryser,» gråt reven. «Stakkars rev, jeg kan jo ikke la henne stå ute og fryse,» tenkte hanen.

forrige
neste
Reven hopper inn igjennom døren og havner oppå hanen.

Diiqii ayaa albaabkii furay, isla markiiba dawacadii ayaa ku soo booday!

Hanen åpnet døren, og i samme sekund fløy reven på ham! 

forrige
neste
Reven løper innover i skogen med hanen under armen

Dawacadii ayaa diiqii gacanta hoos gashatay oo gurigeedii ula carartay, isagoo diigiina caawimaad uqaylinaya.

Reven tok hanen under armen og løp hjemover, mens hanen skrek etter hjelp.  

forrige
neste
Katten løper i skogen med en kniv og ser reven og hanen innover i skogen

Nasiib wanaag, bisadii ma ay fogayn, waxayna maqashay qayladii diiqa. Waanay ka daba carartay dawacadii.

Katten var heldigvis ikke langt unna, så hun hørte hanens skrik. Hun la på sprang etter reven. 

forrige
neste
Katten snakker med hanen. Reven løper avgårde i bakgrunnen.

«Maxaad ii maqli weyday?» ayey Bisadii waydiisay iyadoo xanaaqsan. «Aad ayaan uga naxay dawacada, waxay igu tidhi aad ayaan u dhaxamoonayaa,» ayaa diigii yidhi. «Dawacadu way ku khiyaamaynaysaa! dhogortaas faraha badan darteen suurtagal ma aha inay dhaxamooto,» ayay tidhi bisadii.

«Hvorfor hørte du ikke på meg?» spurte katten sint. «Jeg syntes så synd på reven, hun sa at hun var så kald,» sa hanen. «Reven lurer deg bare! Med den tykke pelsen er det jo umulig å fryse,» sa katten.

forrige
neste
Hanen står i døren og katten er på vei ut.

Dhawr maalmood ka dib ayaa bisaddii haddana ugaadhsi aaday. Haddana waxa ay diigii ka codsatay in aanu qofna albaabka ka furin. Diigiina waxa uu u ballan qaaday in aanu mar dambe samayn doonin.

Noen dager senere skulle katten ut på jakt igjen. Igjen ba hun hanen om å ikke åpne døren for noen. Hanen lovte at han aldri skulle gjøre det igjen.

forrige
neste
Reven står utenfor vinduet og hanen står innenfor i vinduet

Ka dib markii ay bisadii baxday, wakhti aan dheerayn ka dib ayaa albaabka la soo garaacay. Diigii intuu daaqadda ka eegay ayuu arkay dawacadii. Dawacadii ayaa ooysay oo tidhi: «allah, allah! Waxaa dhaawac iga gaadhay calaacalahayga, waxaan u baahanahay faashad!» Diigii waxa uu arkay in dawacadu ay hal gacan kor u hayso. «Dawacada miskiinta ah, waa inaan caawiyaa,» ayuu diigii ku fekeray.

Etter at katten hadde gått, tok det ikke lang tid før det banket på døren igjen. Hanen tittet ut av vinduet og fikk øye på reven. Reven gråt og sa: «Au, au! Jeg har slått poten min. Jeg trenger plaster!» Hanen så at reven holdt opp den ene poten. «Stakkars rev, jeg må jo hjelpe henne,» tenkte hanen. 

forrige
neste
Reven løper innover i skogen med hanen under armen

Isla markii diigii ka furay albaabka dawacadii, ayey mar kale qabatay oo la carartay. Haddana diigii ayaa ku qayliyay in la caawiyo, laakiin markan bisadu aad bay uga fogayd inay maqasho isaga.

Så fort hanen åpnet døren, fanget reven ham igjen og løp av gårde med ham. Igjen skrek hanen etter hjelp, men denne gangen var katten for langt unna til å kunne høre ham.

forrige
neste
Reven holder hanen og ser  inn i revehiet sitt. Der står det mange revebarn.

Dawacadii ayaa diigii u geysay dhasheedii oo godka dawacada ku jiray. Halkaas oo ay diigii qafis ku xidhay.

Reven tok hanen med seg hjem til ungene sine i revehiet. Der låste hun hanen inn i et bur. 

forrige
neste
Katten ser inn mot huset sitt.

Bisadii markii ay ugaadhsigii ka timi, waxay aragtay in albaabku furan yahay.

Da katten kom hjem fra jakt, så hun at døren var åpen. 

forrige
neste
Katten står i døråpningen og ser inn i huset sitt.

Gurigu waxa uu ahaa mid isku qasan, baalkii diiguna waxa ay ku firdhisnaayeen dhulka. «Dawacadii!» ayey Bisaddii si cadho leh ugu qaylisay.

Huset var rotete, og hanens fjær lå strødd på gulvet. «Reven!» ropte katten sint.

forrige
neste
Katten går gjennom skogen med et balltre over armen

Bisadu way garanaysay halka ay degan yihiin qoyska dawacadu, markaasay toos u aaday godkii dawacada.

Katten visste hvor revefamilien bodde, så hun gikk rett mot revehiet.

forrige
neste
Katten står utenfor porten og ser inn

Bisaddii waxay istaagtay bannaanka godkii dawacada oo ay dhegaysatay. Waxay maqashay ciyaalkii dawacada oo heesaya, qoslayana.

Katten stoppet utenfor revehiet og lyttet. Hun hørte reveungene synge og le.

forrige
neste
hanen står inne i et bur. reveungene danser rundt en gryte med kokende vann

Gudaha godkii dawacada, waxay ilmaha dawacadu rajaynayeen inay maraq diiga casho ka dhigtaan. Dheriga hareerihiisa ayay ku ciyaareen iyagoo faraxsan, kuna heesaya: «Kari oo walaaq oo dhadhami – ilma dawaco ayaa heli doona waxay rabaan!»

Inne i revehiet gledet revungene seg til å få hanesuppe til middag. De danset forventningsfullt rundt gryten mens de sang: «Kok og rør og smak den til – vi rever får det som vi vil!»

forrige
neste
Katten slår opp døren med balltreet sitt.

Isla markiiba qof baa albaabka ku dhuftay budh weyn! Bisaddii ayaa godkii dawacada xoog ku soo dhex gashay. iyadoo xanaaqsan!

Plutselig slo noen inn døren med et balltre! Katten braste inn i revehiet. Hun var rasende! 

forrige
neste
Reven løper inn i skogen med barna sine

Reerkii dawacadu waxay ka soo yaaceen godkii ay ku jireen cabsi darteed, waxayna ku libdheen kaynta.

Revefamilien løp skremt ut av hiet og forsvant inn i skogen. 

forrige
neste
Katten slår på buret med balltreet sitt.

«Hadda waxaad ku dhowdahay inaad noqoto maraq digaag. Ma aragtaa sababta aad hadda ii maqlayso?» Bisadii oo quus ah ayaa waydiisay. «Haa, waxaan balan kaaga qaadayaa inaanan mar danbe albaabka ka furi doonin dawacada» ayuu yidhi diigii. Bisaddii ayaa diigii ka soo saartay qafiskii.

«Nå var det nære på at du ble til hanesuppe. Skjønner du hvorfor du skal høre på meg nå?» spurte katten oppgitt. «Ja, jeg lover at jeg aldri skal åpne for reven igjen,» sa hanen. Katten slapp hanen ut av buret.

forrige
neste
Hanen og katten går sammen hjemover og holder hverandre i hånden og ser på hverandre.

Diiqii iyo bisaddii markii ay guriga u sii socdeen, waxay ku fekertay bisadii inay meel dhigatyo budhka, madaama laga yaabo inay u baahato mar kale oo aan aad u fogayn….

Mens hanen og katten gikk hjemover sammen, tenkte katten at hun skulle ta godt vare på balltreet sitt. Det kunne jo hende at hun fikk bruk for det igjen om ikke altfor lenge …  

forrige
neste
Hanen og katten ser ut av vinduet på huset sitt og smiler

sheekoy, sheeko, sheeko xariir ah – sheekadiina intaas bay ku dhamaatay

Snipp, snapp, snute, så var eventyret ute.

forrige
neste

Hanen og katten//Diigii iyo bisadii

Illustrasjoner: Svetlana Voronkova

Revidert i 2025 av Nasjonalt senter for flerkulturell opplæring

Forsidedesign: Mari Helén Holum

Revisjon og lydstøtte (2025) på somali og norsk bokmål: Ali Mohamed

ISBN:

creative commom logo
Lisensieret under en Creative Commons Navngivelse-
IkkeKommersiell-DelPåSammeVilkår 4.0 Internasjonal lisens.

morsmal logo

creative commom logo
Lisensieret under en Creative Commons Navngivelse-
IkkeKommersiell-DelPåSammeVilkår 4.0 Internasjonal lisens.