Hinduismen// Hinduus
Hinduusku waa mid ka mid ah diimaha ugu da`da weyn adduunka. Qof aaminsan Hinduuska waxaa lagu magacaabaa hindu. Hinduusku waa diinta seddexaad ee ugu weyn adduunka.

Iimaanka
Hinduugu waxay aaminsanyihiin in wax kasta oo koonka ku yaala uu isku xiran yahay oo ay maamulaan sharciyo go`an. Dadka, xayawaanka iyo dhirtu waxay leeyahiin hawlo go`an, taasna waxaa lagu magacaabaa dharma.
Hinduusku waxay aaminsanyihiin in cidkasta oo dhalataa ay dhimanayayaan, dibna ay u soo noolaanayaan. Taa waxaa loo yaqaan dib u- dhalasho. Tanni waxaa loo yaqaan Samsara. Haddii aad ku nooshahay nolol fiican, waad ka fogaankartaa dib-u-soo dhalashada. Markaa waxaad ka xoroobeysaa nolol adduun oo aad la noolaaneysaa ilaahyada. Tanni waxaa loo yaqaan moksha.
Waxyaalo la caabudo
Hinduuga waxa ka jira dhawr milyan oo ilaah, iyo caadooyin iyo sheekooyin badan oo kala duwan. Qaar ilaahyada ka mid ah ayaa si gaar ah muhiim u ah tusaale ahaan Brahma, Vishnu iyo Shiva. Brahma waa ka abuura adduunka, maamulana wax kasta oo la abuuray. Vishu waa kan ilaaliya adduunka maamulana masiirka dadka. Ilaaha Shiva wuxuu baabi’iyaa noolaha oo dhan, laakiin waa kan haddana wax soo nooleeya. In kasta oo ay jiraan ilaahyo badan, wuxuu hinduugu oranayaa in dhammaan ilaahyadu yihiin daabacaadda ruuxda adduunka ee Brahman. Waa awood ku jirta waxkasta oo nool.

Ilaahyada Brahma, Shiva og Vishnu
Macbadyada Hinduuga
Macbadyadu waa guryo ruuxi u ah hinduuga. Sida macbadaha loo qaabeeyey ee loo qurxiyey way ku kala duwan yihiin meelaha kala duwan oo adduunka ah, laakiin sawirrada iyo sanamyada ilaahyadu waa isku mid meel kasta. Macbad kasta oo hinduu ah waxaa loo dhisey in lagu sharfo mid ilaahyada ka mid ah, laakiin wuxuu lahaan kara sanamyo iyo sawirro ilaahyo dhawr ah.


Qoraallo xurmo leh
Waxaa jira qoraallo badan oo muqaddas u ah Hinduuska. Waxay sheegaan waxa saxa iyo khaladka ah ee la sameeyo nolosha iyo sida hinduugu ugu dhaqmi lahaayeen diintooda. Kuwo badan oo ka mid ah qorraaladaa waxay jiraan dhawr kun oo sano. Hinduuyo badan waxay dhegeystaan qorraaladaa muqadiska ha marka ay booqanayaan macbadka. Markaa brahmiyada ayaa u akhriya qorraaladaas. Brahminku waa waddaad.


Puja
Puja micnaheedu waa ilaah caabud. Hinduugu wuxuu ku caabudi karaa ilaahyadaa macbad, guryaha ku yaal meel allebari ama dibadda hawada furan. Puja waxaa lagu gutaa sanamyada ama sawirrada ilaahyada hortooda. Hinduuyadu way maydhaan sanamyada, waxayna hor dhigaan ubax, cunto iyo caano. Waxaa la shidaa shumac, foox, waa la heesaa oo la baryaa.

Nolol maalmeed
Ka fekerka dhammaan noolaha oo dhan ayaa muhiim u ah Hinduuska. Sidaa awgeed waxaa sharci muhiima ah in aan la waxyeelayn wixii nool. Lo`da waxaa loo arkaa in ay muqaddas tahay. Lo`da waxaa laga helaa caano ay dadku u baahan yihiin. Dadku markay dhashaan waxay cabaan caanaha hooyadood, laakiin kuwa lo`da noloshooda oo dhan. Hinduugu wuxuu u arkaa lo`da hooyada cid walba. Lo`du waxay u taagan tahay hawlo badan oo muhiim ah, sidaa awgeed qaar badan oo hinduus ah waxay xidhiidh dhow la leeyahiin lo`da sidaa daraadeedna ayna hilbkeeda u cunin.
Hinduusku waa hab loo noolaado. Waa waxa qofku samaynayo, ee ma ahan waxa qofku aaminsanyahay, waxa wax go’aaminaya. In lays ixtiraamaa waa muhiim, tusaale ahaan waa muhiim in dadka waaweyn la ixtiraamo. Marka ay carruurtu la kulmaan dadka waaweyn ama xubnaha qoyska waxay muujiyaan ixtiraam iyaga oo gacmaha isku haya oo salaamaya. Ilmuhuna waxay helayaan barako.

Ciidaha iyo caadooyinka hinduuga
Hinduusku waxay leeyahiin ciido kala duwan. Inta ciidood ee jirta way adag tahay in tiro go’an lagu sheego. Waxaa jira ciido yar yar oo meelo kala duwan lagu xuso iyo kuwo waaweyn oo ay u dabaaldegaan hinduuga adduunka oo dhan. Ciidahaasi waxay ku saabsannaan karaan dhacdooyin khuraafaad iyo maalinle ah ama labadaba Divali iyo Holi waa labo ciidood oo hinduusku leeyahay. Divali waa xaflad iftiin. Iftiinku wuxuu ka caawiyaa ilaahyada in ay iftiimiyaan gudcurka, waxa wanaagsanina wuxuu ka adkaan waxa xun. Holi waa xaflad midab. Holi wuxuu calaamad u yahay bilowga guga, midabada oo dhamina waxay u taagan yihiin rabitaan sanad cusub oo wata dhir kala midabo duwan.


Isbedelka/kalaguurka caadooyinku waa muhiim hinduuska. Xaflado ama ficilo kala duwan ayaa lagu gartaa sida hinduugu uga gudbayo marxalad nololeed una gudbayo mid kale, tusaale ahaan guurka ama ka tegida carruurnimada ilaa dhalinyaranimada. Kala guurkale waxaa lagu calaamadiyaa caadada dunta muqadaska ah. Caaddadan waxaa wiilasha la siiyaa dun cas oo ku wareegsan curcurta. Waxay lagu soo dhaweeyaan diinta oo ay hadda diyaar u yihiin in ay bartaan qoraaladda muqaddiska ah. Ciidaha iyo caadooyinka ayaa si kala duwan looga xusaa oo looga dabaaldegaa dalal iyo meelo kala duwan iyo qof ilaa qof.

Goobaha xurmada u leh hinduuga
Hinduu badan ayaa degan Hindiya. Sidaa darteed meelo badan oo Hindiya ahi muqadis ayay u yihiin hinduuga. Hinduugu waxay aaminsanyihiin in ay badbaado/barako ka helayaan meelaha xurmada leh. Webiga Ganges iyo buuraha Himilaayo waxaa loo arkaa meelo rabbaani ah. Hinduugu waxay aaminsanyihiin in ilaaha Shiva uu ku xidhan yahay Himilaayo iyo Ganges. In lagu qabeysto Ganges waa ficil cibaado ah. Waa nadiifin iyo badbaadin. Qaar badan ayaa u dhoofa Ganges iyo magaaladan xurmada leh ee Varansi xaj ahaan si ay u soo gutaan cibaadooyin.

Ku maydhashada Ganges waa fal dhaqan..
Nin ayaa ku fadhiya doontiisa webiga Ganges oo ku ag yaala magaalada Varanasi ee Hindiya.
Wax badan ka baro hinduuga

Bildekort: Divali
Bildekort med ord, bilde og lyd som handler om høytiden Divali


Høytidskalender: Divali (ekstern lenke)
Les om Divali. Veilederkorpset i Stavanger kommune har publisert en flerkulturell kalender som viser ulike høytider.

Høytidskalender: Holi (ekstern lenke)
Les om Holi. Veilederkorpset i Stavanger kommune har publisert en flerkulturell kalender som viser ulike høytider.