Hva er FN? // Waa maxay Qaramada Midoobay (QM)?
FN waa magaca Noorwiijiyaanka ah ee hay’adda caalamiga ah ee QM. QM waa soo gaabinta Qaramada Midoobay, FN-na waa soo gaabinta Qaramada Midoobay. Qaramada Midoobay waxay ka shaqeysaa nabadda, cadaaladda iyo iskaashiga u dhexeeya dalalka adduunka. Qaramada Midoobay waxaa la asaasay sanadkii 1945-tii, isla dagaalkii labaad ee adduunka wax yar ka dib. Ujeedadu waxay ahayd in laga hortago in dagaallo kale oo waaweyni dhacaan.
Ku dhowaad dhammaan dalalka adduunka ayaa xubno ka ah Qaramada Midoobay. Waxay ku heshiiyeen in laga wada shaqeeyo sidii loo xalin lahaa dhibaatooyinka ay ka mid yihiin dagaalada, faqriga, cudurada iyo isbeddelka cimilada. Heshiiska waxaa lagu magacaabaa Axdiga Qaramada Midoobay.
Astaanta Qaramada Midoobay waxay leedahay shan wareeg iyo khariidada adduunka oo cad. Khariidada hareeraheeda waxaa ku yaal laba laamood oo saytuun ah. Laamaha saytuunka ayaa astaan u ah in Qaramada Midoobay ay higsaneyso in ay ilaaliso nabadda iyo in ay ku abuurto adduunka ammaan iyo nabadgelyo .
Maalinta caalamiga ah ee Qaramada Midoobay ayaa sanad walba la xusaa 24-ka Oktoobar.

Maxay QM qabataa?
Qaramada Midoobay waxay haysaa hawlo badan oo mihiim ah. Hoos waxaad ka akhrisan kartaa qaar ka mid ah howlahaas.
Nabadda iyo amniga
Qaramada Midoobay waxay ka shaqeysaa duni nabad ah. Mararka qaarkood colaad ayaa ka dhex dhalata dalalka. Markaa QM waxay gacan ka geysan kartaa sidii xal nabadeed loo heli lahaa. Haddii dagaal dhaco, QM waxay soo diri kartaa askar ilaaliya dadka. Waxay kaloo gacan ka geysan kartaa dib u dhiska bulshooyinka dagaalka ka bacdi.
Gargaarka degdegga ah
Qaramada Midoobay waxay caawisaa dadka ku nool goobaha ay ka jiraan dagaalada , masiibooyinka dabiiciga ah ama faqriga. Waxay siin karaan cunto, biyo, daawo iyo meel la seexdo. Mararka qaarkood QM waxay caawisaa dadka ka qaxa dagaalada.
.
Xuquuqda Aadanaha
QM waxay ka shaqeysaa inay hubiso in dhammaan dadka adduunka loola dhaqmo si xaq iyo ixtiraam leh. QM waxay samaysay liis sheegaya waxa dadka oo dhami ay xaq u leeyihiin. Liiskaas waxaa lagu magacaabaa Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay. Xuquuqul insaanka waxay ku saabsan tahay xaqa aad u leedahay inaad si badbaado leh u noolaato, aad iskool aado, ra’yigaaga dhiibto iyo in laguula dhaqmo si siman iyada oo aan loo eegin cidda aad tahay. Dhammaan wadamada Qaramada Midoobay waa inay raacaan xuquuqda aadanaha.
Heshiiska Xuquuqda Carruurta
Carruurtu waxay u baahan yihiin ilaalin dheeraad ah, sidaas darteed waxay leeyihiin xuquuq badan. Xuquuqdaas waxaa lagu magacaabaa Axdiga Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Carruurta. Waxay ku saabsan tahay in dhammaan carruurta ay xaq u leeyihiin in la daryeelo, inay badbaadaan oo ay helaan nolol wanaagsan. Qaramada Midoobay waxay hubisaa in dhammaan dalalku ay raacaan xeerarka heshiiska, si carruurtu u wanaagsanaadaan meel kasta oo ay ku nool yihiin.
Horumarka Waara ee Qaramada Midoobay
Yoolalka Horumarka Waara waa liis ka kooban 17 yool, kuwaas oo la doonayo in adduunka laga dhigo meel u wanaagsan dadka iyo dabeecadda. Ujeeddadu waxay tahay joojinta faqriga iyo hubinta in qof kastaa aado iskuul. Waxay sidoo kale ku saabsan yihiin joojinta kulaylka adduunka iyo daryeelka xayawaanka, dhirta iyo dhulka.
Shirwaynaha guud ee QM

Hawsha ugu muhiimsan ee Shirwaynaha guud ee QM waa ka doodista sidii loo xalin lahaa caqabadaha ugu waaweyn ee adduunka. Shirwaynaha guud ee QM wuxuu ka kooban yahay wakiillo ka socda dhammaan dalalka xubnaha ka ah. Dal kasta waxa uu haystaa fursad uu ku cabbiro ra’yigiisa oo uu ugu codeeyo xalalka la soo jeediyay. Shirwaynaha guud ee QM wuxuu dayr kasta ku kulmaa dhismaha Qaramada Midoobay. Dhismaha QM wuxuu ku yaalaa New York oo ku taala Mareykanka.
Maxay QM muhiim u tahay?
Qaramada Midoobay waa urur muhiim ah sababtoo ah ku dhawaad dhammaan dalalka adduunka ayaa ka wada shaqeeya sidii ay adduunka uga dhigi lahaayeen meel wanaagsan. QM waxay ka shaqeysaa sidii loo heli lahaa nabad, loo joojin lahaa dagaalada, oo loo caawin lahaa dadka saboolka ah ama barakacay, iyo ilaalinta dabeecadda iyo deegaankeena. Waxa kale oo ay hubisaa in dhammaan dadka, gaar ahaan carruurta, ay helaan xuquuq, loolana dhaqmo si caddaalad ah.