Om fortellingen
De tre oksene er gode venner. En dag får de besøk av en løve. Klarer de tre oksene å holde sammen? Fortellingen ble først laget av NAFO i 2014 og ble revidert i 2025. Fortellingen er illustrert av Svetlana Voronkova.

Libaaxii iyo saddexdii dibbi
LØVEN OG DE TRE OKSENE

Beri waxaa jiray saddex dibbi oo Soomaaliya ku noolaa. Mid wuxuu ahaa madow, ka kalena caddaan, ka saddexaadna wuxuu ahaa bunni. Saddexda dibi waxay ahaayeen saaxiibo wanaagsan. Dooxa weyn dhinaciisa ee doogga ah ayay mari jireen oo ay wada daaqi jireen.
Det var en gang tre okser i Somalia. Den ene oksen var sort, den andre var hvit og den tredje var brun. De tre oksene var gode venner. De pleide å gå langs elven på de store, grønne slettene og beite sammen.

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa libaax yimi dooxadii ay ay dibiyadu daqayeen. Saddexdii dibi waxay ka baqeen libaaxa xoogga badan, laakiin waxay ogaadeen in saddexdooda oo wada jiraa ay isaga ka xoog badan yihiin. Saf bay u soo galeen oo ay u diyaar garoobeen inay libaaxii la dagaalamaan.
En dag kom det en løve til sletten der oksene beitet. De tre oksene ble redde for den sterke løven, men de visste at de tre sammen var sterkere enn ham. De stilte seg sammen og gjorde seg klare til å slåss mot løven.

Libaaxii baa afarta lugood ku fadhiistay oo ku yidhi, “ha welwelina, khatar ma ihi, waxaan ku noolahay webiga dhankiisa kale, waa kalinimo iyo cidlo, meeshaasi, miyaynaan saaxiibbo noqon karin oo aynaan is ilaalin karin?
Dibidii waxay ula muuqatay inay fikradaasi wanaagsantahay, oo ay libaax la saaxiibaan. Kaas oo ka ilaalin kara xayawaanka khatarta ah.
Løven la seg ned på alle fire og sa: «Ta det med ro, jeg er ikke farlig. Jeg bor på den andre siden av elven. Det er så ensomt og øde der borte. Kan ikke vi være venner og passe på hverandre?»
Oksene syntes det hørtes ut som en god idé å være venner med en løve. Han kunne beskytte dem mot farlige dyr.

Habeen habeenada ka mid ah isagoo dibiga cadda uu kaligiis daaqayo, ayey libaaxii u yimid labadii dibi ee kale, wuxuuna si hoose ugu yiri: “Ma ogtihiin waxa jira? Dibiga cadi aad buu u iftiimayaa, xitaa marka mugdigu jiro. Xayawaanno halis ah ayaa arki kara iftiinkiisa, kuwaas oo inoo iman kara si ay inoo wada cunaan.”
Dibigii bunniga ahaa iyo kii madoobaaba aad bay u baqeen.
“Aan iska erinno dibiga cad,” ayuu libaaxii yiri.
En kveld da den hvite oksen beitet for seg selv, gikk løven bort til de to andre oksene og hvisket: «Vet dere hva? Den hvite oksen er så lys at han skinner i mørket. Farlige dyr vil kunne få øye på ham og komme hit og spise oss opp, alle sammen.»
Den brune og den sorte oksen ble veldig redde.
«La oss jage vekk den hvite oksen,» sa løven.

“Libaaxu wuu saxan yahay,” ayay ku fekereen dibigii bunniga ahaa iyo kii madowbaa, markaasay si wadajir ah uga eryeen dibigii caddaa.
«Løven har rett,» tenkte den brune og den sorte oksen, og sammen jaget de vekk den hvite oksen.

Wax yar kadib, libaaxii wuxuu helay dibigii caddaa oo keligiis jooga agagaarka webiga. Libaaxii baa qabtay oo cunay. Markii uu dhammaystay, wuxuu dib ugu laabtay dibiga bunniga ahaa iyo kii madowbaa isagoo iska dhigaya in aanay waxba dhicin.
Senere fant løven den hvite oksen alene nede ved elven. Løven fanget ham og spiste ham opp. Etterpå gikk han tilbake til den brune og den sorte oksen og lot som ingenting.

Maalin maalmaha ka mid ah, dibigii madowbaa ayaa kaligiis daaq tagey. Libaaxii wuxuu u yimid dibigii bunniga ahaa wuxuuna si hoose ugu yiri: “Ma ogtahay? Dibiga madow aad buu u madowyahay, waana si fiican loo arki karaa maalinta cad. Xayawaanno halis ah ayaa arki kara, kuwaas oo inoo iman kara si ay inoo wada cunaan.”
Dibigii bunniga ahaa aad buu u baqay.
“Aan iska erinno dibiga madow,” ayuu libaaxii yiri.
En dag gikk den sorte oksen og beitet for seg selv. Løven gikk bort til den brune oksen og hvisket: «Vet du hva? Den sorte oksen er så mørk at han synes godt i dagslyset. Farlige dyr vil kunne få øye på ham og komme hit og spise oss opp, alle sammen.»
Den brune oksen ble kjemperedd.
«La oss jage vekk den sorte oksen,» sa løven.

“Libaaxu wuu saxan yahay,” ayuu ka fikiray dibiga bunniga ahaa, markaasay si wadajir ah uga eryeen dibigii madowbaa.
«Løven har rett,» tenkte den brune oksen, og sammen jaget de vekk den sorte oksen.

Wakhti dheer kumay qaadan libaaxii inuu helo dibigii madowbaa oo keligiis ah. Libaaxii wuu qabtay wuuna cunay. Intaas kadib wuxuu dib ugu laabtay dibigii bunniga ahaa isagoo iska dhigaya in aanay waxba dhicin.
Det tok ikke lang tid før løven fant den sorte oksen alene. Løven fanget ham og spiste ham opp. Etterpå gikk han tilbake til den brune oksen og lot som ingenting.

Intaas kadib waxaa keligiis ku soo hadhay libaaxii dibigii bunniga ahaa.
Nå var den brune oksen alene igjen med løven.

Markii libaaxii wax yar kadib gaajooday, ayuu weeraray dibigii bunniga ahaa. Dibigii wuxuu isku dayey inuu iska celiyo libaaxii, balse wuxuu si deg deg ah u ogaaday inaanu ka baxsan karin ilkaha afaysan iyo cidiyaha libaaxa kaligiis.
Da løven begynte å bli sulten igjen, angrep han den brune oksen. Oksen prøvde å slåss mot løven, men han skjønte fort at han ikke hadde sjanse mot løvens skarpe tenner og klør når han var alene.

Snipp, snapp, snute, så var eventyret ute.
Kahor inta uusan dibigii bunniga ahaa indhihiisa xirin markii ugu dambeysay, wuxuu yiri: “Maanta ma ahayn maalintii aan dhintay, balse waxay ahayd maalintii aan eryay saaxiibbaday.”
Sheekow sheeko. Sheeko xariir ah. Sheekadiina way dhamaatay.
Før den brune oksen lukket øynene sine for siste gang, sa han: «Det var ikke i dag jeg døde, men den dagen jeg jaget vekk vennene mine.»
Snipp, snapp, snute, så var eventyret ute.
Løven og de tre oksene / Libaaxii iyo saddexdii dibbi
Illustrasjoner: Svetlana Voronkova
Revidert i 2025 av Nasjonalt senter for flerkulturell opplæring
Forsidedesign: Mari Helén Holum
Oversettelse og lyd på somali og norsk bokmål: Ali Mohammed
Korrektur på somali og norsk bokmål: Sid Omar Ahmed
ISBN:
Copyright © 2025 · NAFO

Lisensieret under en Creative Commons Navngivelse-
IkkeKommersiell-DelPåSammeVilkår 4.0 Internasjonal lisens.




Du finner flere flerspråklige fortellinger gratis på morsmål.no
Der finner du også tilleggsressurser og lydstøtte til fortellingene.
Copyright © 2025 · NAFO
Lisensieret under en Creative Commons Navngivelse-
IkkeKommersiell-DelPåSammeVilkår 4.0 Internasjonal lisens.