Språk og samspill – svangerskap til nyfødt // Luuqadda iyo wada macaamilka – uurka iyo dhallaanka
Ma ogtahay
Ilmaha inaad in badan la hadasho waxay kicinaysaa horumarinta luqadda ee ilmaha.
Luuqadda qalbiga
Dadka intooda badan luuqaddooda qalbigu waa luuqada ay u fududahay inay ku cabbiraan dareenkooda, iyo luuqadda ay ku riyoodaan. Luuqadda qalbigu waa luqadda qofku ku dareemayo xasiloonida ugu fiican marka uu isticmaalayo. Isticmaal luuqadda dabiiciga kuu ah markaad la hadlaysid ilmaha.

Uurka
La hadal ama u hees ilmaha inta ay uurka ku jiraan. Ilmuhu wuu garanayaa codkaaga. Luuqadda qalbiga kula hadal ilmaha. Hees- Ilmuhu way jecelyihiin inay ku maqlaan adigoo heesaye.

Dhallaan
Ilmuhu wuu kula hadlayaa xitaa haddii aanay si wacan kuula hadli karin
Ilmuhu waa ooyaa, dhawaaqyo ayuu sameeya, wuu is rogrogaa oo wajiguu kaduudaa.
Ilmuhu wuxuu jecelyahay inaad u jawaabtid oo aad dhawaaq cod ah ku soo celiso. Ilmuhu wuxuu aad u jecelyahay markaad cod dabacsan kula hadashid.

U hees ilmaha
Ku hees luuqaddaada qalbiga. Adeegso heeso aad ku xusuusatid yaraantaada.

Ilmuhu adiga ayuu kugu mashquulsan yahay
Ilmuhu adiga ayay ku eegayaa, kugu dayanayaa oo wax kaa baranayaan.
Kala hadal ilmaha waxyaabaha aad wadajirka u sameysaan, tusaale ahaan markaad joogtaan miiska xafaayaddda, markaad banaanka joogtaan ama markaad cunto sameynayso.
