Buddhismen // Buudiisamka
Buudiisamku wuxuu ka soo bilowday Waqooyiga Hindiya 2500 sano ka hor.
Diintu waxay ka bilaabatay nin la odhan jiray Siddharta Gautama.
Buudha wuxuu ku dhashay amiir ahaan wuxuuna ku noolaa nolol qani ah oo la ilaaliyo. Sida laga soo xigtay dhaqanka Budistaha, Buddha markuu dhashay waa socon karay, oo markii uu qaaday todobadii tallaabo ee ugu horeysay ubaxa lotus-ku ayaa ka soo baxay raadadkiisa.
Buudha
Siddharta Gautama wuxuu ahaa amiir. Wuxuu ka soo jeeday qoys hodan ah, wuxuuna nolol wanaagsan ku deganaa guri qasri ah. Maalin maalmaha ka mid ah markuu ka baxay qasriga, wuxuu arkay qof xanuunsanaya , qof gaboobay, qof dhintay iyo qof saahid ah. Saahid waa qof doorta inuu ku noolaado nolol fudud. Waxyaabaha uu amiirku ku arkay qasriga dibaddiisa ayaa ku kaliftay inuu ka guuro qasriga oo ay la guuraan xaaskiisii iyo ilmahiisii dhowaan dhashay. Wuxuu rabay inuu u noolaado sidii qof faqiir ah. Saahidiintu waxay aaminsan yihiin inay noqon karaan kuwo caqli badan oo wax badan fahmi kara haddii ay ku noolaadaan nolol fudud. Siddharta wuxuu booqday saahiddiin badan, wax badan ayuuna ka bartay. Wuu soomay si qoto dheer ahna waa u fikiray.
Meditere macnaheedu waa in aad si buuxda u fadhiisato oo aad isku daydo inaadan waxba ka fikirin. Kadib markuu Siddharta sidii saahid u noolaa muddo lix sano ah, waxaa u muuqatay inuusan wax jawaab ah helin, caqlina uusan u kordhin. Markaas kadib wuxuu go’aansaday inuu geed hoos fadhiisto, kana kicin illaa inta caqli uga kordhayo. Geedka hoostiisa markuu afar maalmood fadhiyey, wuxuu Siddharta si lama filaan ah u fahmay sida ay dunidu tahay. “Xornimo ayaan helay,” Intaas kadib wuxuu noqday buudha. Buudha waa eray hindi ah oo macnihiisu yahay “qofkii wax garta”.
Limaan
Buudha ilaah ma ahayn, balse wuxuu ahaa nin caqli badan oo wax badan fahmay. Buudha waxa uu dadka baray sababta ay muhiimka u tahay in laysu naxariisto oo daacad laga ahaado nolosha. Dhimashadii Buudha ka dib, cilmigiisii wuu sii noolaaday. Tani waa tacliinta aan maanta u naqaanno Budhiisamka. Tacliintan waxaa loo yaqaanaa dharma.
Budhiistayaashu waxay aaminsan yihiin dib-u-dhalashada. Waxay kale oo ay aminsanyihiin inaad dib u dhalanaysid geerida ka dib. Waxa aad samayso noloshan ayaa go’aaminaysa sida ay noqon doonto nolosha aakhiro. Haddii aanad ku fiicnayn noloshan, waxaa kugu adkaan doonta noloshaada aakhiro. Taas oo loo yaqaano karma.
Buudha ayaa dadka u sheegay in dhibaatooyin badani ay ka jiraan adduunka, silic badanina uu jiro, dad badanina aanay wanaag dareemayn. Buudha ayaa sidoo kale sheegay in ay suurtagal tahay in wax laga qabto dhammaan dhibaatooyinka. Dadku waxay ka shaqayn karaan inay wax badan fahmaan, noqdaan kuwo naxariis badan, inay joojiyaan nacaybka, oo aanay ka fikirin waxyaalaha xun, inayaan hunguri weynaan oo had iyo jeer waxbadan raba. Haddii dadku sidan samayn karaan, waxay noqon karaan kuwo xor ah oo wanaag dareemaya. Xorriyaddan ayuu ugu yeeraa nirvana. Nirvana waa xornimo buuxda oo qofka ka xoraynaysa silica iyo dib-u-dhalashada. Waa xaaladda farxaddeed, heshiis, xorriyad buuxda iyo fahan dhab ah oo aan la soo koobi karin.
4-ta xaqiiqo ee sharafta leh
Tacliinta Buudha waxa lagu soo koobi karaa afar qaybood . Kuwani waxay ku saabsan yihiin sababta dadka inta ugu badani ay dhibaatada ugu noolyihiin iyo sida tan loo bedeli karo.
- Wax walba waxay leeyihiin xoogaa xanuun ama rafaad ah
- Waxaa jira dhibaato sababtoo ah dadku way hunguri weyn yihiin ama weligood ma dhergaan. Dadku mar walba waxay rabaan wax dheeraad ah.
- Haddii dadku hunguri weynaanta iska daayaan iyo inay wax dheeraad ah raadiyaan xanuunka iyo rafaadka ayaa meesha ka bixi lahaa.
- Haddii uu qofku doonayo inuu dhibaatada ka baxo, waa inuu qofku raacaa waddada 8-qayboodka ah.
Hvis vi mennesker jobber med å forstå mer, vil vi ha et bedre liv og lidelsen kan ta slutt.
Waddada 8-qayboodka
Buudha waxa uu yidhi: Dadku waa in ay fahmaan waxa ka qaldan noloshooda ka hor inta aanay “dib u hagaajin” noloshooda. Budha ayaa sidoo kale sheegay in dadku ay tahay inay raacaan waddada 8-qayboodka ah si ay u gaaraan nirvana.
- Aragti sax ah lahoow. Fahan 4-ta xaqiiqooyinka sharafta leh, sharciga karma iyo dib-u dhalashada.
- Fikir sax ah lahoow. Dadka kale si jacayl ku jiro uga fikir , wax bixi adiga oo aan ku fikirin in wax laguu soo celin doono.
- Hadal sax ah ku hadal . Runta sheeg oo ha isku dayin, been iyo xan toona.
- Camal sax ah samee. Raac shanta xeer ee nolosha Buudiisamka
- In la iska ilaaliyo dilka
- In la iska ilaaliyo tuuganimada.
- Ka fogaanshaha sinada.
- In la joojiyo beenta.
- In la iska ilaaliyo sakhraanimada.
- Hayso hab nololeed sax ah. Inaad haysato shaqo daacad ah, oo aanad lacag ku samayn si xun, xatooyo, dil ama in dadka kale la khiyaano.
- Samee dadaalka saxda ah. Aad u shaqee oo ku dadaal inaad noqoto qof wanaagsan oo caqli badan.
- Fiiro gaar ah yeelo. Ku celceli inaadan ka fikirin waxyaabo kale markaad wax samaynayso, laakiin ka fikir hawsha aad gacanta ku hayso.
- Hayso xoogsaaris saxda ah. Naftaada ku tababar sidii aad madaxaaga iyo qalbigaaga deganaan ugu heysan lahayd oo aad madaxaaga iyo qalbigaaga uu u xooganaan lahaa.
Qorraalada iyo calaamadaha
Waxaa diinta Buudiisamka ku jira kutubbo ama qorraalo badan oo muqaddas ah. Qorraaladaasi waxay ku saabsan yihiin nolosha Buudha iyo cilmigiisa. Cilmiga Buudha waxa markii hore ahaa cilmi uu macalin af ahaan uu arday u sii gudbiyey, laakiin ugu dambayntii waxa lagama maarmaan noqotay in la qoro qorraalada si aanu cilmigu u lumin.
Macbadyada Buudistiga waxaa inta badan yaala taallooyin waaweyn oo Buudha ah, qaar badan oo kuwaas ka mid ahina waa farshaxanno aad u qiimo badan.
Macbadyo badan dhexdeedo waxaa ku yaal meelo gaar ah oo lagu cibaadaysto kuwaas oo leh taallooyinka Buudha. Halkaas oo lagu sameeyo caadada puja, taas oo ah cibaadada Buudha oo qaab heeseed ah, fikir iyo bixin ubax iyo foox.
Buddhistayaasha intooda badani waxaa guryaha u yaala sawirka Buudha. Waxay jecel yihiin inay shidaan shumac oo ay ubax u dhigaan sawirka Buuda hortiisa. Budhiistaha qaarkood waxay si fiican oo qoto dheer uga fikiraan maalin kasta.
Raahibiinta iyo soorooyinka
Raahibiintu iyo soorooyinku waa khubaro Budiistayaal ah. Waxay aad u akhriyaan qorraalada qudduuska ah. Way fikiraan, oo waxay baraan dadka cilmiga Buudha. Ma haystaan waxyaabo badan, waxay haystaan kaliya waxay u baahan yihiin. Waxay ku nool yihiin cunto iyo haddiyado ay dadka ka helaan.
Wax dheeraad ah ka baro Buddhism
- Tekstene er utviklet av Veilederkorpset i Stavanger og etter avtale tilrettelagt, bearbeidet og oversatt av morsmål.no
- Alle bilder er hentet fra Adobe Stock