FN – en møteplass for fred // Qaramada midoobay – barkulan nabadgelyo

Denne teksten finnes på flere språk. Tanken er at teksten skal være et supplement til andre læremidler og andre aktiviteter i opplæringen. Det er altså ikke meningen at disse ressursene skal stå alene, men at de kan brukes i innledning til arbeid med temaet.

Teksten kan, for eksempel, brukes sammen med tospråklig lærer for å aktivere elevenes kunnskaper om temaet, og å bidra til at eleven lærer fagspråk.

Qaramada midoobay waxaa la aasaasay 1945-tii, ka dib dagaalkii labaad ee adduunka. Rajadu waxay ahay in hay’addan caalamiga ah ay noqoto mid looga hortagto dagaalada mustaqbalka iyo inay ka shaqeyso nabad waarta. 51 waddan ayaa galay heshiis lagu magacaabo heshiiskii QM. Heshiika QM wuxuu si rasmi ah u dhaqan galay 24-kii Oktoobar 1945, saa darteed maalinta QM waa 24-ka Oktoobar. Maanta inta badan wadamada adduunku waxay xubno ka yihiin QM.

Astaanta QM waxay tusinaysaa qaaraddaha adduunka iyo laama saytuun ah. Xarunta QM waxay ku taal New York oo ku taal Mareykanka.

Xoghayaha guud

QM waxaa hogaamiya xoghaye guud. Xoghaya guud waxaa lagu magacaaba kalfadhiga/shirweynaha guud shantii sanadba mar. Xoghaya guud mas’uuliyaddiisa ugu weyni waa hogaaminta shaqada maalinlaha ah ee QM. Waajib kale oo muhiimka ah waa inuu siyaasad ahaan u shaqeeyo si uu uga hortago in iska horimaad dhaco, kordho ama fido. Xoghaya guud sidoo kale waa inuu u soo bandhigaa golaha ammaanka dhibaatooyinka halista ku ah nabadda adduunka.

Shaqada QM

QM waa hey’ad weyn oo ka kooban waaxo kala duwan, kuwaas oo mas’uul ka ah qeybaha kala duwan ee ay QM ka shaqeyso. Shaqada QM waxaa loo qeybin karaa saddex qeybood oo muhiim ah; nabadda iyo ammaanka, xuquuqda aadanaha iyo horumarka waara.

Nabadda iyo ammaanka

Golaha ammaanka ee QM ayey mas’uuliyadda ugu weyn ka saaran tahay inay ka shaqeeyaan nabadda iyo ammaanka. Howsha ugu weyn ee Golaha Ammaanku waa inay ilaalliyaan nabadda iyo ammaanka dunida. Haddii ay nabaddu khatar ku timaado, wuxuu caadi ahaan Golaha Ammaanku qeybaha ku dhiirigelinayaa inay keenaan xal nabadeed, taas oo ay ku jirto inay dhexdhexaadin bilaabaan. Golaha ammaanku wuxuu sidoo kale fulin karaa go’aamo ay ku jiri karaan, inuu amro cuno-qabatayn dhaqaale ama inuu qaado howgal milateri. Dadaalka milateri waxaa tusaale u ah ciidamada nabad ilaalinta QM. Ciidamadan waxay ka kooban yihiin askar laga soo deynsaday dalalka kala duwan ee xubnaha ka ah QM.

Golaha ammaanka waxay ka kooban yihiin wakiilo ka socda 15 waddan oo xubno ka ah QM. Shan ka mid xubnahaas waa xubno joogto ah, inta kalena labadii sanaba mar ayaa la doortaa. Mareykanka, Ingiriiska, Faransiiska, Ruushka iyo Shiinaha waa xubo joogto ah. QM, waxaa kaliya oo awood milateri adeegsan kara Golaha ammaanka, dhammaan wadamada xubnaha ah waxaa waajib ku ah inay raacaan go’aanada Golaha ammaanka.

Xuquuqda aadanaha

Qayb kale oo ka mida qeybaha muhiimka ah ee QM waa howsha ah, inay xaqiijiyaan xuquuqda aasaasiga ah ee aadanaha. Billowgii 1948, ” Baaqa caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha ee QM”, sidoo kalena loo yaqaano Baaqa xuquuqda aadahana, ayaa la ansixiyey. Dhammaan xubnaha waxaa waajib ku ah inay xaqiijiyaan in la dhowro xuquuqda aadanaha.

QM waxay la socotaa xaaladda xuquuqda aadanaha ee dunida, waxayna xaqiijisaa in dalalka xubnaha ka ah ay kulmaan, si loo dhowro loona xoojiyo xuquuqda aadanaha.

Horumarka waara

Qeybta saddexaad ee muhiimka ah waa Horumarka waara. Tan waxaa lagu soo ururiyey yoolalka waara ee QM. Waxaa jira 17 yool oo ay ka mid yihiin, in la joojiyo isbeddelka cimilada, in la ciribtiro saboolnimada iyo gaajada iyo in la xaqiijiyo sinnaanta iyo waxbarashada wanaagsan. Hadafku waa in yoolalka horumarka waara la gaaro sanadka 2030-ka.

Shirweynaha guud

Shirweynaha guud waxaa la kulmaa sanad kasta si kalfadhihyo ah . Kalfadhiga QM wuxuu sida caadiga ah socdaa laga bilaabo bisha Sebtembar ilaa Disembar. Shirweynaha guud wuxuu ka kooban yahay wakiilo ka socda dhammaan wadamada xubnaha ah, howshooda ugu weyn waa inay tallooyin u jeediyaan wadamada xubnaha ah su’aalo la xiriira iskaashiga caalamiga ah, nabadda iyo amniga, horumarka iyo xuquuqda aadanaha. Tallooyinkan waxaa lagu magacaabaa qaraar. Qaraarka QM wuxuu leeyahay muhiimad weyn. Inkasta oo uu qaraarku yahay tallo ku socota wadamada xubnaha ah, waa in loo arkaa aragtida dadweynaha ee caalamiga ah. Si go’aan looga gaaro qaraar ka yimid shirweynaha guud, waxay u baahan tahay cod aqlabiyad ah oo dhan saddex meelood labo meel. Waddan kasta wuxuu leeyahay cod, cod kastana isku mid ayaa loo tiriyaa.

Qaar ka mid ah hey’adaha QM

QM waxay ka kooban tahay hay’ado kala duwan, sanduuq dhaqaale iyo barnaamijyo fuliya shaqooyinka QM. Qaar kuwaas ka mid ah waa:

Unicef sin logo. Et lyseblått kvadrat de det står UNICEF  for hvert barn med hvit skrift.. En tegning av jordkloden , symbol av en voksen som holder er barn.

UNICEF- sanduuqa caruurta. Waxay ka shaqeeyaan inay caawiyaan caruurta adduunka ku nool. Axdiga haga UNICEF-ta waxaa lagu magacaabaa axdiga caruurta ee QM. Axdiga caruurtu wuxuu dhigayaa in caruurtu ay xaq u leeyihiin illaalin gaar ah.

hvit tegning på lyseblå bakgrunn. Tegningen viser et bygg der bokstavebe UNESCO symoliserer søyler

UNESCO- Hay’adda QM ee waxbarashada, cilmiga, dhaqanka iyo xiriirka. Si la isaga kaashado arimahan, UNESCO waxay ka qeyb qaadanaysaa nabadda iyo ammaanka. Waxay doonayaan inay dadka wargeliyaan, dhiirigeliyaan si loo horumariyo isfahanka iyo isqadarinta iyo meeraheena/dunideena.

lysebl bakgrunn. hvit ekst der ser står World Health Organisation. Tegning av jordkloden med en slange som vikler seg rundt en pinne

.

WHO-Hay’adda caafimaadka adduunka. Waxay ka shaqeeyaan in dhammaan dadku helaan xaaladda caafimaad ee ugu wanaagsan ee suuragalka ah in la gaari karo. WHO shaqadeedu waa inay la socoto, baarto oo ay dadka siiso warbixin lagu kalsoonaan karo taas oo ku saabsan caafimaadka iyo cudurada. Tusaale ahaan WHO waa awoodda ka dambeysa in la horumariyo tallaalo looga hortago cudurada halista ah.

hvit bakgrunn, tekst og tegning iblått. Teksten E UNHCR tegningen er to olivengrener og to hender som holders over et menneske

UNHCR- Wakiilka QM ee xuquuqda aadanaha. Waxay mas’uul ka yihiin inay horumariyaa oo ay illaaliyaan dhammaan xorriyadda iyo xuquuqda aadanaha kuwaas oo lagu qeexay baaqa caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha ee QM .

Kuwani waxay ahaayeen tusaalooyin tusinaya qaar ka mid ah shaqooyinka ay QM qabato. Waxaa jira heshiis ballaaran oo adduunka oo dhan ka jira kaas oo ah inay QM tahay barkulanka ugu muhiimsan, halkaas oo dhammaan wadamada xubnaha ahi ay ku wadahadli karaan si ay uga heshiiyaan sharciyadda lagu dabbaqayo siyaasadda dunidda.

Ka shaqee erayada ku jira qoraalka

*

.

Leylisku waxaa ku jira erayada ugu muhiimsan qoraalka af-noorwiijiga.

  • Turjun erayada adoo adeegsanaya LEXIN.
  • Joog-utaxa midigeed waxaa ku qoran erayga loo adeegsaday jumladda ku jirta qoraalka. Tarjun ama sharax macnaha jumladda.

Viktige ord i “FN – en møteplass for fred”

om FN