Luusiya // Lucia

13 bisha diseembar waxaa la xusaa maalinta Luusiya. Wadanka Noorway waxaa maalintan lagu xusaa laba sheeko.  Sheekada cabsida ee Luusiya iyo sheekada Luusiya ee quduuska ah.

Luusiyadii laga biqi jiray

Waagii hore waxay dadku aaminsanayeen in habeenka u dhexeeya 12. iyo 13 diseembar uu ahaa habeenka ugu dheer sanadka. Habeenkasna waxaa loo bixiyey habeenkii dheeraa ee Luusi ama habeenkii Luuci. Waxaan hadda ognahay in habeenka ugu dheer ee sanadka uu yahay ku dhawaadka 21. diseembar.

Dadku waxay aaminsanayeen in habeenka dheer ee Luusi uu ahaa cajiib ah. Waxay dadku aaminsanayeen tusaale ahaan in xayawaanku habeenkaas ay wada hadli kareen. Habeenka dheer ee Luusi wuxuu ahaa bilowga xiliga miilaadiga. Waxaa laga sheekayn jiray Luusi oo ahayd cajiib, iyo sawir madow. Luuci waxay ilaalin jirtay in dadka oo dhani ay bilaabeen diyaargarowga ciida miilaadiga. Waxaa dhici jirtay haddi aan hawsha si wacan loo qaban inay imaan jirtay oo dadka ka nixin jirtay. Hadii ay cidi banaanka habeenka dheer ee Luusi ay u baxaan waxaa xitaa dhici jiray inay kaxaysato. Sidaa darteed waxay dadku ku jiri jireen guryohooda habeenkaas, waxayna ku dadaali jireen inay bilaabaan hirgelinta hawsha miilaadka. Hawshaasna waxaa ka mid ahaa wax dubista. Waxay isticmaali jireen xawaashka sacfaraanka ama xawaashka gurkimaayada si waxyaabaha la dubayaa ay u yeeshaan midabka huruudiga. Midabkaas oo lagu xasuusanayo iftiinka la shidi jiray habeenk dheer ee Luusi. Waxaa kale oo midabkaasi dadka oo dhan xasuusan jiray in xiliga mugdigu mar dhow dhamaanayo, oo ay maalmuhu iftiin noqonayaan.

Xiligan aynu ku jirto wali waxaa wali la dubaa rooti xawaashka sacfaraanka ama gurkimaayada lagu sameeyey maalinta Luusiya oo ah 13. diseembar. Rootigaasna waxa lagu qurxiyaa sabiib, waxaana loo yaqanaa «Lussekatter».

Maleriet «Julereia» (1922) av Nils Bergslien viser et følge av underjordiske, vetter, nisser, trollkjerringer, drukkenbolter, drapsmenn og annet pakk gjennom et norsk gårdstun julenatta.
Maleriet «Julereia» (1922) av Nils Bergslien viser et følge av underjordiske, vetter, nisser, trollkjerringer, drukkenbolter, drapsmenn og annet pakk gjennom et norsk gårdstun julenatta. Nils Bergslien [Public domain or Public domain], via Wikimedia Commons

Heesta Luusiya

Sang om lys og mørket i anledning Luciadagen

Layliska qoraalka Luusiya

  1.  Sharaxaad ka bixi habeenka dheer ee Luusiya?
  2. Ka sheekee qofka ay Luusiya tahay?
  3. Maxay dadku uga biqi jireen Luusiya?
  4. Sawir sida aad u malaynayso inay Luusiya u eegtahay
  5. Waa goorma habeenka ugu dheer wadamada waqooyiga Yurub?
  6. Maxaa laydihaahdaa rootiga la dubo maalinta Luusiya?
  7. Maxay calaamad u Tahay midabyada daqiiqda laga sameeyo rootiga?

Sankta Lucia  

13 bisha diseembar waxaa la xusaa maalinta Luusiya ama Sankta Lucia. Magaca Lucia wuxuu ka yimid kalmada latinka ah ee «lux» oo lagu wado iftiin.

Luusiya waxay ku noolayd qiyaastii sanadkii 300-aad Sisiiliya oo ku taala Talyaaniga. Waxay ahayd kristan, waxaanay aaminsanayd nabi Ciise (SCW). Waagaas waxaa dadka kiristanka ah dhibaatayn jiray dadka roomanka ah. Luusiya waxaa loogu balan qaaday in la siiyo nin maal qabeen ah oo dadkaas ka soo jeeda, kaas oo ay diiday inay guursato. Ninikaas maal qabeenka ahi diidmadaas aad ayuu uga cadhooday, wuxuuna dareemay ciil iyo xumaan. Wuxuu u sheegay dadkii wadanka maamuliyey inay Luusiya kristan tahay. Intaas ka dib waxaa Luusiya ciqaabay dadkii roomanka ahaa, waxayna ku dhimatay shahiidnimo. Shahiidnimadu waa marku qofku ku dhinto waxa uu aahimsanyahay. Waxaa jira sheekooyin badan oo ku saabsan wanaaga Luusiya. Luusiya waxa kadib noqotay kristen helgen. Xiligii ay noolayd Luusiya waxay dadka kiristanka ahi ku noolaayeen si qarsoodi ah. Waxay qaarkood ku dhuuman jireen meelo tunnelyo ah oo dhulka hoostiisa ku yaala. Waxay madaxa ku xidhan jireen shamac si ay iftiin u helaan markay tunnelyada ku jiraan. Waxay dadka kristanka ahi u arkayeen Luusiya gabadhii yarad ee dariiqa tustay dadka diinta kristanka haysta, xiligaas oo ay mugdi ku jireen.

Barn som bærer lys og som går luciatog.
Illustrasjon: AdobeStock

Meelaha qaar waxaa lagu xusaa maalinta Luusiya iskuulada iyo xanaanadaha caruurta. Caruurto way isdaba galaan iyagoo xidhan dhar cad. Waxaa dhaqan ah in qofka ugu horeeya ee safka ku madaxa ku xidho ubax uu laydh ku xidhan yahay. Halka kuwa kalena ay daba galaan iyagoo gacanta ku sita laydh ama xidigo, iyagoo ku heesaya heesta Luusiya. Waxaa waalidka iyo martida kalena badanaa lagu martiqaadaa inay daawadaan isdaba galkaas lagu xusayo Luusiya  (Luciatoget). Intaas kadibna waxay la cunaan caruuta rootiga Luusiya (Lussekatter).

Fiidyow ku tusaya isdaba galka Luusiya

Luciatog med luciasang på svensk synget av skolebarn

Layliska qoraalka Luusiya

  1.  Nooga sheekee sababta loo dabaal deggo 13. diseember
  2. Yaa la xusaa maalinta Luusiya?
  3. Sidee baa loo xusaa maalinta wadanka Noorway?
  4. Waa maxay micnaha magaca Luusiya?
  5. Ma taqaanaa maalmo kale oo la xuso qof waa hore noolaa?
Illustrasjon av 5 barn som går i et tog med hvite klær og lyd på hodet i et  Luciatog
PROCESSIONE DI SANTA LUCIA