Id al-fitr // Ciid al fidriga

Ciid al fidriga waxaa inta badan lagu magacaabaa ciid oo qudha. Waxaa loo dabbaaldegaa in muddadii soonka ee sannadku dhamaatay. Bisha soonka waxa la yidhaahdaa Ramadan oo dhamaan dadka muslinka, qaangaadhka ah ee awoodaa way soomaan. Kuwa sooma cunto ma cunaan laga bilaabo qorrax ka soobaxa ilaa qorrax dhaca. Ramadaanta inta lagu jiro waa muhiim in laga fekero sidii aan isugu naxariisan lahayn oo aan isu wanaajin lahay. Ciida waxaa loo mahadceliyaa Allah(swt) in uu siiyey awood ay ku soomi kareen. Dabbaaldegu wuxuu ka bilaamayaa salaad waddajir loogu tukado masaajidka.

Ciida waa wax caadi ah in lala joogo qoyska iyo asxaabta. Dabbaldega-ciidu waa maalin carruureed. Carruurtu waxay inta badan ka helaan qoyskooda haddiyado ama lacag. Haddiyada waxa lagu magacaabaa ciidi(xaqul-ciid). Waa caadi in dhar qurux badan la xidho. Qaar badani way xinneystaan.

Ciida ka hor waxa caadi ah in kuwa awoodaa ay bixiyaan lacag go,an oo lagu magacaabo zakat al -fidri. Lacagtaa waxaa la siiyaa kuwa u baahan si ay ugu iibsadaan cunto, haddiyado ama dhar cusub oo ay u xidhaan dabbaaldegaa weyn. Cuntadu qayb muhiim ah ayay ka tahay dabbaaldega ciida. Qoyska iyo asxaabtu waxay isugu yimaadaan cuntada xaflada halkaas oo lagu bixiyo cunto wanaagsan iyo macmacaan. Cuntada miiska la dhigayo way kala duwan tahay marka loo eego qoys ilaa qoys.

Waa caadi in laysku salaamo «Ciid Mubarak» oo macnaheedu yahay in aad rajenayso dabbaaldeg wanaagsan. Kuwo badan waxay isa siiyaan ama isu diraan kaad-ciideed.