Barn i flerspråklige familier // CARUURTA QOYSASKA LUUQADAHA BADAN KU HADLA BUUGYAR OO WARBIXINEED

Informasjonsheftet belyser 10 spørsmål som ofte stilles om barns flerspråklige utvikling. I tillegg til å rette seg mot foreldre, er heftet svært aktuelt for ansatte i barnehager og skoler og på helsestasjoner. Det kan være et fint utgangspunkt for samtale mellom foreldre og ansatte i disse institusjonene om barnas flerspråklige utvikling.

Klikk på overskriften for tekst og lytt til lydfilen

Introduksjonstekst

KU HADALKA LUUQADAHA BADAN
Bulshada aduunku intooda badani waxay ku hadlaan dhawr luuqadood. Ku hadalka luuqadaha badani waa aqoon weyn oo waxtar u ah qofka iyo bulshadaba. Luuqaddu waxa ay astaan u tahay qofka asal ahaantiisa, dhaqankiisa iyo xidhiidhka bulshadiisa taas oo lagama maarmaan u ah koritaanka caruurta iyo nolosha dadka waaweynba.
Qoysaska ku hadla laba luuqadood amma in ka badan waxay u leedahay faa’iido badan taas oo xoojisa waxtarna u leh xanaanooyinka,dugsiyada iyo bulshaweyntaba.
Kala duwanaanshaha qoysaska laba-luuqadoodlaha ah
Qoysasku waxay u kala qaybsamaan qayb laba- luuqadoodle ah iyo qaybo in ka badan lab-luuqadood ku hadla.
• Mid amma labada waalidba waxay ku hadlaan luuqadood hooyo oo aan ahayn noorwiiji.
• Labada waalid oo midba luuqad gooniya ku hadlo taas oo ay caruurtu bilowga koritaankaba ay bartaan laba luuqadood.
• Mid amma labada waalidba iyaga oo ku koray qurbaha oo ku hadla luuqado badan.
Waxa kale oo iyana qayb ka qaata koriinka caruurta ehel iyo qaraabo kale oo luuqado kala duwan ku hadla.

Lydfil nr. 1

Caruurtu way baran karaan afaf badan isku mar taas oo qaybo badan aduunyada caadi ka ah. Haddaba ilmuhu si uu luuqadda uu baranayaa u noqoto mid midho dhal ah waa in guriga, xanaanada iyo dugsiguba ka hawl galaan. Waa waajib in dadka waaweyn ee ilmaha xidhiidhka la lehi in ay ay ku dhiiri geliyaan in uu ilmuhu barto luuqadaha.Qøysaska qurbaha u soo hayaamay qiimo badan bay u leedahay in ubadkoodu bartaan afka-hooyo si uu xidhiidhka ehelkood iyo qaraabadoodu u jiro. Barashada afka hooyo wuxuu adkeeyaa ubadka dhaqankiisa iyo aslnimadiisa halkuu ka soo jeedo.

Lydfil nr. 2

Caruurtu haddii ay afkooda hooyo si mugle u bartaan way u fududahay in ay luqad kalena bartaan.luuqadda afka-hooyo waxay ilmaha ka caawisaa in uu luuqada kalena si sahala u barto, haddii aynu u kuur galno barashada luuqadaha, haduu ilmahu barta erayga ¨gaajaysan¨waxa u fududaanaysa inuu bartu erayga noorwiijiga ah ee ¨sulten¨.
Waalidiintu waxa ay jecelyihiin in caruurtoodu waxbarashada kaalin mug leh ka qaataan si uu mustaqbalkoodu u hirgalo, sidaa awgeed waxa ay jecel yihiin in ubadkoodo barto si deg deg ah luuqada noorwiijiga, taas ma aha in ay waalidku joojiyaan in ay caruurtooda kula hadlaan afkooda hooyo. Waa in ay waalidiintu ku dedaalaan in caruurtoodu dhex gasho bulshada sida xanaanooyinka si ay caruurtu ula kulmaan afafka kale ee bulshooyinka.

Lydfil nr. 3

Haddii qoysku luuqada kala duwan ku hadlo waa in ay hooyado caruurta kula hadashaa afkeeda hooyo, sidoo kalena waa in uu aabuhu kula hadlaa caruurta afkiisa hooyo.Marka qoysku ay meel wada fadhiyaan waxay dooran karaan tay u arkaan in ay dhamaantood u sahlantahay. Waxaa lagama maarmaan ah in waalidku caruurta kula hadlo luuqadda uu aadka u yaqaano. Qoysaska mid waalidiinta ka mid ahi noorwiiji yahay waxay u badan tahay in caruurtu ay luuqadda noorwiijiga ahi xooga yeelato markaas haddii ay waalidiintu rabto in ay caruurtu laba-luuqadoodle noqoto waa in ay labada afba guriga kaga hadlaan waalidkuna waa in ay ku caawiyaan.

Lydfil nr. 4

Waa arrin iska caadi ah in caruurta lab-luuqadoodlaha ahi isku badhxaan marka ay hadlayaan iyaga oo erayo ka soo amaahda luuqadda kale . Taas waxaa lagu sababayn karaa iyada oo aanu ilmahu weli kala saari karin labada-luuqadood. Amma in marka uu hadalka ku margado uu afka kale eray ka soo amaahdo si uu u dhamaystiro hadalkiisa. Taas oo macnaheedu yahay in uu ilmuhu ka faa’iidaysanayo luuqadaha uu yaqaano.
Waxa kale oo iyana dhaqan noqotay in caruurta laba-luuqadoodka ahí markay la hadlayaan ilma kale oo isna sidiisa laba-luuqadoodle ah in ay kulba luqad ku hadlaan oo ay kala bedbedalaan, si ay kolba ta u sahlan ugu muujiyaan dareenkooda. Haddaba arrinkaasi wuxuu culays ku noqda amma isfahamla’aan ku abuuraa qofka luqadda kaliya ku hadla.
Xeeldheerayaasha luuqduhu waxay bayaamiyeen in loo baahanyahay si xeeldheer loo adeegsado isku bedelka labada-luuqadood, oo ay noqto arrin dabeeciya in labada-luuqadood oo si miisaaman isugu dheeli tiran.
Sida aynu wada ogsoonahay caruurta laba luuqadoodlaha ahi xaalado kala duwan bay ukala adeegsadaan afafka markaasi waa in uu noqdo afkoodu mid tayaysan. Hadaynu tusaale soo qaadano marka uu ilmuhu ka sheekayanayo wixii xanaanada maanta ka dhacay waxaa u fudud in uu ku sheekeeyo afka noorwiijiga, haddii uu arrin guriga ka jira ka hadlayana waa in uu afka-hooyo ku hadlaa, waxa iyana kobaca afka-hooyo qayb ka qaata in ilmahu uu waalidkii iyo walaalihii ku la hadlu afka-hooyo.

Barna leker butikk. Foto: NAFO

Lydfil nr. 5

Arrinkani mid uguba maaha ee waa iska caadi in caruurta laba-luuqadoodlaha ahi ay afka noorwiijiga ku jawaabaan in kastoo waalidku ku dedaalo in uu ilmuhu ku hadlo afka-hooyo.Markaas waalidka waxaa la gudboon in uu ilmaha ku dhiiri galiyo in uu ku jawaabo afka-hooyo kana caawiyo in uu si fiican ugu hadlo afka-hooyo.Waalidiintu waa in ay xoojiyaan la sheekaysiga caruurtooda iyaga oo tixgalinaya luuqadda ay ku hadlayaan si uu ilmuhu u dareemo in la dhagaysanayo hadalkiisa. Waalidku waa in uu u samro barashada afka-hooyo ee caruurtooda iyaga oo tixgalinayaa in ilmuhu ku dhex barbaarayo bulsho luuqad kale ku hadasha.
Si ay caruurto u barato afkooda hooyo waa in ay waalidiintu ku dedaalaan in ay caruurta kula hadlaan afkooda hooyo.
Waxa kaloo caruurta caawimo weyn u ahaan lahaa in ay jiraan caruur kale oo ay isku afyihiin oo ay luuqaddooda ku wada hadlaan,taasi oo ilmaha wax badan u tari lahayd. Inkasta oo aanay caruurtu afkooda hooyo si fiican ugu hadli karin haddanna fahamkiiso aad buu u wanaagsanyahay markaad barbar dhigto ku hadalkiisa,taasina waxay horseedi doontaa in uu fahamka afkiisa hooyo kor u kaco.

Lydfil nr. 6

Caruurta Turkiga ah ee ku nool Turkiga iyo kuwa Noorwiijiga ah ee ko nool Noorway, labadooduba xaalado kala duwan bay u bartaan afkooda,tusaale ahaan bulshada kale duwan ee ay ku dhex nool yihiin sida waalidkood, caruurta ay la ciyaaraan, qaraabadooda, xanaanooyinka, dugsiyada, gaadiidka dadweynaha iyo jaararka. Taasi waxay caruurta u suuragelisay in ay markasta dhex joogaan bulsho afkooda hooyo ku hadlaysa. Haddab xaaladda caruurta ajaanibka ah ee ku nool Noorway taas aynu soo sheegnay way ka duwantahay sababta oo ah caruurtani fursad uma hesho in ay afkoodu hooyo bulshada kula hadlaan taas oo hoos u dhigaysa horomarka ku hadalka afka-hooto, goobta kaliyah ee ay suuragal tahay in ay caruurtu ku hadasho afkooda waa gurigooda oo kaliya. Mar haddii arrinku sidaa yahay waxaa waalidka, xanaanooyinka iyo dugsiyadaba looga baahanyahay in ay iska kaashadaan in ay hore u mariyaan ilmaha afkiisa hooyo.
Degmooyin badan ayaa suurta geliyey deeqo bilaash ah oo xanaanooyinka ah taas oo caruurta iyo waalidiintuba wada joogi karaan ,taas oo ay kula kulmi karaan caruur iyo waalidiin kale oo ay ka wada qayb qaataan la ciyaarka caruurta iyo sheekaysigaba. Degmooyinka qaarkood waxaa ku yaala maktabado wakahtiyo leh lagu akhriyo sheekooyin luuqadaha kala duwan,waxa kaloo maktabadaha laga helaa buugaag iyo cajalado la dhegaysto oo laga amaahan karo.Waxa kale oo waalidiinta,xanaanooyinka iyo dugsiyaduba ka faa’iidaysan karaan maktabada luuqadaha badan ee Deichmanske bibliotek ee ku taal Oslo. Maktabadaa waxaad ka heli kartaa buugaag loogu talagalay caruur iyo dad waaweynba oo ku qoran luuqadaha kala duwan. Habka aad u dalbanayso waxaa kaa caawin kara maktabadaha degmada aad degantahay.waxaad kale oo aad ka dheehan kartaa amma ka dhegaysankartaa casharo mareegta la yidhaahdo

Foto: NAFO

Lydfil nr. 7

Caruurta laba-luuqadoodlaha ah marka xanaanooyinka la geeyo wuxuu wax tar weyn u yeelaa in ay caruurtu afka noorwiijiga barashadiisu kobocdo. Wax iyana lagama maarmaan ah in wadashaqayn wax ku ooli ka dhex jirto waalidiinta, xanaanooyinka,baraha caafimaadka iyo dugsiysda.Waxaa waajib ah in xanaanooyinka iyo dugsiyaduba ka shaqeeyaan horumarinta afka noorwiijiga ee ardayda isla markaa waalidka isna waa in uu kaalintiisa buuxiyaa.Waalidiintu waa in ay caruurta ka caawiyaan cashar luuqadeedka xanaanooyinka iyo dugsigaba.
Xanaanooyinku waa in ay barshada luuqadda ilmaha hore u mariyaan, marka uu dugsiga bilaabana waa in uu dugsigu kaalintaa buuxiyaa, waxa kale oo iyana muhiim ah in ilmahu ka qayb qaato cayaaraha kala gadisan sida kubaddaha, heesaha iyo wixii la mid ah. Waalidkuna waa in ay ilmaha ku dhiiriyaan arrinkaa. Xannaanada-carruurtu waxay iyagoo wadashaqaynaya isna-fahamsan guriga ilaalinayaa ilmaha baahidiisa daryeel iyo ciyaar iyo inuu horumariyo barashada iyo waxbarashada si gundhig u ah horumarka dhinac walba, iyaga oo tixraacaya manhajka xannaanada-carruurtu wuxuu ka kooban yahay iyo waajibaadka, taasi oo ah in ay ka caawiyaan in uu ilmahu isticmaalo afkiisa hooyo isagoo islamarkaana baranaya amma hore u marinayan afka-noorwiijiga. Waxaa loo bahanyahay in ay waalidiintu kala tashadaan barayaasha xanaanada habka u haboon ee ilmuha lagu dhiiri gelin lahaa si uu hore ugu mariyo barashada afka, haddi ay noqon lahayd in kalkaaliye ilmuhu u baahanyahay amma macalin afka ah.

Lydfil nr. 8

Marka ay caruurto baranayaan af ku cusub, siyaabo kala nooca ayey u kala bartaan, caruurta qaarkood markiiba way isku dayaan in ay erayo afka cusuba ku tiraabaan amma weedho xidhiidhsan, caruurta qaarkoodna muddo ayey ku qaadataa in ay erayo ku tiraabaan. Marka ilmahu bilaabo xanaanada isaga oo aan ku hadli karin afka lagaga hadlayo xanaanada waa arrin ilmaha culayskiisa ku leh. Haddaba wakhtigaa ilmuhu wuxuu u baahanyahay in shaqaalaha xanaanado ay fiiro gaar ah ilmahaa u yeeshaa si uu u dareemo xasilooni,iyaga oo isticmaalya habka fara ka hadalka iyo wixii la mid ah ee ilmaha ku dhiirigalinayo in uu dhiirado xasiloonina dareemo. Caruurtu had iyo jeer waxa ay urursadaan erayo iyo warar iyaga oo aan ku hadli karin afka cusub. Qayb caruurta ka mid ah muddo ayey ku qaadataa in ay afka bartaan asbaabo kala duwan awgeed markaasi waxaa looga baahanyahay waalidka iyo barayaasha xanaanaduba in ay wad tashi ka yeeshaan sidii loo caawin lahaa ilamaha oo ay caawimo waydiistaan ha’adaha gaarka u ah haddii loo baahdo.Inkastoo ilmuhu aanu kula kulmin xanaanada caruur kale amma dad waaweyn oo ku hadla afkiisa hooyo haddan waa lagama maarmaan in la dhiirigaliyo in u ilmahu ku hadlo afkiisa hooyo.
Waalidiinta waxaa loooga baahanyahay in ay caruurta kula hadlaan afkooda, shaqaalaha xanaanadana waxaa lagu boorinayaa in ay erayo ilmaha afkiisa hooyo ah bartaan amma hees taas oo marka uu ilmuhu maqlo kalsoonidiisa dhiiri gelinaysa. Waxa iyana waxtar noqon lahayd haddii uu qof weyn oo ilamaha afkiisa ku hadlaa ka mid yahay shaqaalaha.

Lydfil nr. 9

Tiro ka mid ah caruurta lagu xanaaneeyo xanaanooyinka waxa ay ku hadlaan luuqad aan ahay noorwiiji. Markaas waxaa muhiim ah in la afgarto caruurtaa oo tixgelin la siiyo si’dii loo afgaran lahaa.Xanaanado waa in ay ilmaha ku caawisa in uu afkiis ku hadla isla markiina lagu dedaalo in u bartao afka noorwiijiga.
Waxaa caruurta lagu caawiyaa siyaabo badan oo kala duwan iyada oo aan xataa shaqaaluhu ilmaha afkiisa aqoon.Waxaa haddaba taageero u noqonaysa ilamaha in la helo kalkaaliye afkiisa ku hadla.
Shaqaalaha laba-luuqadoodlaha ahi wuxuu waxtar weyn u leeyahay qaybna ka qaataa xasiloonida ilmaha iyo waalidkaba, waxaanay isku xidhaan xannaanada iyo guriga si hufan oo waxay u helayaan kalsoonida ilmaha ay afkiisa ku hadlayaan, taas oo iyana jid loo maro noqonaysa barashada afka-noorwiijiga.

Foto: NAFO

Lydfil nr. 10

Caruurtu marka ay xanaanooyinka dhameeyaan ee ay bilaabayaan dugsiyada waxa lagula talinayaa degmooyinku in ay diyaariyaan hab wada shaqayneed oo caruurta iyo waalidku ula jaanqaadi lahayaan xaaladdan cusub,xannaanooyinkuna waa in ay qorshe sannadeedkooda ku jirta marxaladdan kal guurka ah, taas oo u fududayn doonta waalidiinta in ay helaan macluumaad ku filan.