Islam // Diinta islaamka

Denne teksten om Islam finnes på flere språk. Tanken er at teksten skal være et supplement til andre læremidler og andre aktiviteter i opplæringen. Det er altså ikke meningen at disse ressursene skal stå alene, men at de kan brukes i innledning til arbeid med temaet.

Teksten kan, for eksempel, brukes sammen med tospråklig lærer for å aktivere elevenes kunnskaper om temaet, og å bidra til at eleven lærer fagspråk.

Scroll nedover for å finne flere ressurser.

Diinta islaamku waa tan ugu da’da yar saddexda diimood ee lagu aasaasay Bariga dhexe. Diinta yuhuudda iyo tan kirishtaanku wa labada diimood ee kale ee iyagana lagu aasaasay Bariga dhexe. Sida yuhuudda iyo kirishtaanka, waxay dadka muslimiinta ahi aamin sanyihiin inuu jiro hal ilaah. Sidaa darteed waxaa laysku yidhaahdaa saddexdaas diimoodba (monoteistiske religioner).

A metal islamic crescent moon and star on a green textured background
Halvmåne og stjerne er symbol for islam. Illustrasjon: Adobe Stock

Diinta islaamku waa diinta labaad ee ugu weyn diimaha adduunka, marka laga reebo diinta kirishtaanka. Taas oo noqonaysa in 1,7 bilyan oo dad ahi aaminsanyihiin diinta islaamka. Dadka aaminsan diinta islaamka waxaa loogu yeedhaa muslimiin. Mujtamaca muslimka ah waxaa afka carabiga lagu yidhaahdaa umma. Umma waxaa loo kala qaybin karaa laba kooxood oo waaweyn. kuwaas oo kala ah sunni iyo shiico. Nabi Maxamed (scw) ayaa aasaasay diinta islaamka 610 sano kadib nabi Ciise (scw). Waxay ka dhacday magaalada Makka, oo ah magaaladii uu nabi Maxamed (scw) ku dhashay. Makka waxay ku taalaa Sacuudi Carabiya. Nabi Maxamed (scw) wuxuu dhintay 632 sano kadib nabi Ciise (scw).

Qur’aanka iyo xadiiska

Qur’aanku waa kitaabka ugu muhiimsan ee diinta islaamka. Sida diinta islaamku qabto wuxuu qur’aanku ka kooban yahay fariimo si toos ah uu nabi Maxamed (scw) uga helay Allaah. Qur’aanka waxaa asal ahaan lagu qoray af carabi.

Bilde av koranen og andre bøker som er oppslått på et bord.
Bilde av Koranen. Foto: Adobe Stock

Qur’aanku wuxuu ka koobanahay 114 suuradood. Suuradaha waxaa qayb ahaan loo habeeyey iyadoo lee eegayo dhererkooda. Taas oo suurada ugu dheeri ugu horeyso, tan ugu yarina ugu danbayso. Suuradda ugu horeysaa way ka duwantahay, waxayna ka koobantahay suuradda gaaban ee al-Faatixa ee salaadda lagu bilaabo.

Qarniyadii ka danbeeyey geeridii nabi Maxamed (scw), waxaa lagu qoray sheekooyin ku saabsan waxyaabihii nabi Maxamed (scw) sameeyey ama yidhi, kuwaas oo loo yaqaano xadiis. Qur’aanka iyo xadiisku waxay si wada jir ah dadka muslimiinta ah u tusayaan hab nololeedka saxda ah ee u wanaagsan dadka muslimiinta ah.

Shanta tiir ee islaamka

Diinta islaamku waa diin sharci. Taas oo ay macneheedu tahay in sharciga iyo qaanuunku uu go’aaminayo wixii saxda ah iyo wixii khalad ah iyo waxa dadka muslimiinta ahi ay samaynayaan. Taas oo lagu qeexay shanta tiir ee islaamka.

Shahaadataynka

Rumaynta ama shahaadataynku waa tiirka ugu horeeya ee tiirarka islaamka. Waxaa af carabi ahaan loogu dhawaaqaa: «Ashhadw ana la ila Allah wa ashhadw ana Mohammad rasol Allah.». luqada noorwiijiyaankana waxay ku noqonaysaa: «Det er ingen gud uten Allah, og Muhammed er hans profet».

Illustrasjon av trosbekjennelsen i Islam. Skrevet med arabisk kalligrafi
Trosbekjennelsen skrevet med arabisk kalligrafi. Illustrasjon: Adobe Stock

Salaadda

Tiirka labaad waa salaadda. Shan jeer ayaa maalin walba laga rabaa inay dadka muslimiinta ahi u tukudaan ilaahay. Muslimiintu waxay ku tukadaan sijaayad iyagoo jidhkooda u jeediyaan dhinca Makka.

Bilde av to jenter som sitter på kne med hendende foldet. De sitter på en bønneteppe.
To jenter som ber. Bilde: Adobestock

Waxaa muhiim ah inuu qofku nadiif yahay inta aanu tukan. Salaadda waxaa lagu tukadaa iyadoo la akhrinayo qur’aanka oo ku qoran af carabi. Xilliga salaadda lagu jiro wuxuu jidhku u dhaqaaqayaa qaab go’an. Qofku waa inuu istaago, rukuuco, dhulka u sii hoobto oo uu jilbaha dhulka dhigto, sujuudana isaga oo gacmaha iyo wajiga dhulka dhigaya. Salaadda jimcaha waxaa maalinta jimcaha lagu tukadaa jamaaco Salaadda jimcuhu waa mid ka mid ah shanta salaadood. Salaadaha jamaca ah waxaa dheer in dadku dhagaystaan khudbada jicmaha. Qofka dadka tujinaya, qudbadana akhrinaya waxaa loo yaqaana imaam.

Sakada

Tiirka saddexaad waa ka qayb qaadashada daryeelka dadka kale, ama Sakada. Sakadu waa kharash laga bixiyo lacagta, dahabka iyo hantida kale ee uu qofku leeyahay. Lacagtaasna waxaa la siiyaa dadka u baahan.

Soonka

Soonku waa tiirka afaraad ee diinta islaamka. Waxaa la soomaa bisha ramadaan, taas oo laga wado inaanu qofku raashin cunin ama cabin laga bilaabo markay qorraxdo soo baxdo iyo ilaa inta ay ka dhacayso. Caruurtu uma baahna inay soomaan. Qorraxdu markay dhacdo waxay dadka qoyska ahi wada cunaan raashin loo yaqaano afur. Bisha ramaadan waxaa muhiim ah inuu qofku ka muujiyo mahadnaq waxa uu haysto, una naxariisto dadka aan wax badan haysan.

Xajka

Tiirka shanaad waa safarka xajka ee loo aado Makka. Taas oo hadafkeedu yahay inuu qofku soo guto xajka. Waxaa jira cibaadooyin la xiriira xajka. Cibaadooyinkaas dhamaantood waa in la sameeyaa si xajku uu u noqdo mid sax ah. Waxyaabaha la sameynayo waxaa tusaale ahaan ka mid ah, inuu qofku toddoba jeer kacbada ku wareego. Kacbadu waa goob barakaysan, sababtuna waa dhagaxa madoow (xajarul-aswadka). Sida islaamku qabo wuxuu dhagaxu asalkiisii ka yimid jannada, kaas oo uu dhulka keenay malaga Jibriil.

Dadka muslimiinta ahi waxay u safrayaan xajka hal mar inta ay noolyihiin, taasina waa haddii ay awoodaan. Sannad walba waxaa u safra Makka dad u dhexeeya saddex ilaa afar milyan.

Kaba ligger inne i hovedmoskeen i Mekka. Bilde: Pixabay, Konevi