Uga lebbis carruurta qabowga jiilaalka

Way fiican tahay in carruurta loogu lebbiso saddex lakab oo dhar ah si ay u kululaadaan una engegnaadaan. Lakab kasta, kan ugu hooseeya ilaa kan ugu sarreeya wuxuu leeyahay shaqo u gaar ah oo uu qabto. Si wadajir ah waxay lakabyadaasi ka dhigayaan jidhka mid engegan, waxayna ka daboolayaan oo ka illaalinayaan dabaysha iyo barafka.

Illustrasjon av ei jente med ullundertøy

Lakabka gudaha

Lakabka gudaha waxuu keenaa in jidhku ahaado mid engegan.

Isticmaal dharka gudaha ee suufka ah ama dharka gudaha ee heerka sare ah kuwaas oo khafiif ah, maqaarkana si toos ah ugu dhegaya. Suufku wuxuu maqaarka ka saaraa oo ka celiyaa suyuca xitaa hadduu qoyaan jiro. Dharka gudaha ee heerka sare ahi wuu ka saari og yahay maqaarka suyuca marka loo eego suufka, laakiin ma celin karo marka uu qoyaan jiro. Iska ilaali in aad hoos ka xiratid cudbi, maadaama uu qoyo ka dibna uu lumiyo awooddii uu ku hayn lahaa kuleylka.

Illustrasjon av ei jente med ullegenser og bukse

Lakab dhexe

Lakabka dhexe waxuu ugu horeyn dahaadhayaa qabowga.

Waa hawada u dhaxaysa lakabka gudaha iyo kan dhexe tan celisa kullaylka. Sidaa daraadeed waa in dharka lakabka dhexe ahaadaa mid dabacsan, laakiin aan aad u weyneyn. Suuf ama dhar hoose ayaa lagu talinayaa. Dhumucda dharka iyo heerkulka is waafaji.

Isticmaal sharabaado suuf ah si cagahaagu u engegnaadaan una diiranaadaan.

illustrasjoon som viser jente i en gul vinter dress med blå lue og blåe votter. Hun har også på brune vintersko

Lakab kore

Lakabka sare wuxuu ilaalinayaa dabaysha, roobka iyo barafka.

Waxaad kala doorankartaa dharka culus ee isku joogga ah ama jaakad iyo surwaal. Surwaalka sare ama isku jooggan culus waa in ay leeyahiin xadhig lagu soo xidho kabaha hoostooda si aaney sare u qaban iyo si ay u hor istaagaan in baraf iyo biyo soo galaan.

Waa muhiim in la helo koofiyad si fiican u haynaysa kuleylka si jidhku u diiranaado, waayo kulayl badan ayaa ka baxa madaxa. Hubi in koofiyadu ku dhowdahay oo gaadheyso dhegaha, wejiga, dhabanada iyo qoorta. Waxaad kaloo xidhan kartaa qoor ku duub(skjerf) iyo qoor gelis si loo ilaaliyo cunaha.

Isticmaal gacan gelis kulul oo biyo celis leh,hubina in ay si fiican kuula egyihiin si aanay biyo iyo baraf u soo gelin. Carruurtu waa in ay dhaqdhaqaajin karaan faraha cagaha si ay u diiranaadaan. Markaa waa muhiim in aanay kabahu cidhiidhi ahayn oo ay leeyahiin meel ku filan faraha xataa haddii ay xidhaan sharbaad dhumuc leh oo suuf ah.

Xusuuso

  • Hadday dabayli jirto qaboow badan ayaa la dareemaa.
  • Carruurta yaryari way ka dhaxamoobi og yihiin dadka waaweyn.
  • Heerkulku wuu hooseeyaa marka dhulka loo sii dhawaadaba.
  • La soco canuga oo ka taabo qoorta si aad u ogaatid in cunugu diirran yahay.

Denne siden er også utskriftsvennlig. Trykk på “skriv ut” knappen øverst i innlegget. Boggan sidoo kale waa la daabacankaraa. Riix badhanka “print” ee ku yaala xagga sare ee boostada.

Les mer om klær og påkledning i vinterkulda på flere språk her

Uga lebbis carruurta qabowga jiilaalka

Way fiican tahay in carruurta loogu lebbiso saddex lakab oo dhar ah si ay u kululaadaan una engegnaadaan. Lakab kasta, kan ugu hooseeya ilaa kan ugu sarreeya wuxuu leeyahay shaqo u gaar ah oo uu qabto. Si wadajir ah waxay lakabyadaasi ka dhigayaan jidhka mid engegan, waxayna ka daboolayaan oo ka illaalinayaan dabaysha iyo barafka.

Illustrasjon av ei jente med ullundertøy

Lakab gudaha

Lakabka gudaha waxuu keenaa in jidhku ahaado mid engegan.

Isticmaal dharka gudaha ee suufka ah ama dharka gudaha ee heerka sare ah kuwaas oo khafiif ah, maqaarkana si toos ah ugu dhegaya. Suufku wuxuu maqaarka ka saaraa oo ka celiyaa suyuca xitaa hadduu qoyaan jiro. Dharka gudaha ee heerka sare ahi wuu ka saari og yahay maqaarka suyuca marka loo eego suufka, laakiin ma celin karo marka uu qoyaan jiro. Iska ilaali in aad hoos ka xiratid cudbi, maadaama uu qoyo ka dibna uu lumiyo awooddii uu ku hayn lahaa kuleylka.

Illustrasjon av ei jente med ullegenser og bukse

Lakab dhexe

Lakabka dhexe waxuu ugu horeyn dahaadhayaa qabowga.

Waa hawada u dhaxaysa lakabka gudaha iyo kan dhexe tan celisa kullaylka. Sidaa daraadeed waa in dharka lakabka dhexe ahaadaa mid dabacsan, laakiin aan aad u weyneyn. Suuf ama dhar hoose ayaa lagu talinayaa. Dhumucda dharka iyo heerkulka is waafaji.

Isticmaal sharabaado suuf ah si cagahaagu u engegnaadaan una diiranaadaan.

illustrasjoon som viser jente i en gul vinter dress med blå lue og blåe votter. Hun har også på brune vintersko

Lakab sare

Lakabka sare wuxuu ilaalinayaa dabaysha, roobka iyo barafka.

Waxaad kala doorankartaa dharka culus ee isku joogga ah ama jaakad iyo surwaal. Surwaalka sare ama isku jooggan culus waa in ay leeyahiin xadhig lagu soo xidho kabaha hoostooda si aaney sare u qaban iyo si ay u hor istaagaan in baraf iyo biyo soo galaan.

Waa muhiim in la helo koofiyad si fiican u haynaysa kuleylka si jidhku u diiranaado, waayo kulayl badan ayaa ka baxa madaxa. Hubi in koofiyadu ku dhowdahay oo gaadheyso dhegaha, wejiga, dhabanada iyo qoorta. Waxaad kaloo xidhan kartaa qoor ku duub(skjerf) iyo qoor gelis si loo ilaaliyo cunaha.

Isticmaal gacan gelis kulul oo biyo celis leh,hubina in ay si fiican kuula egyihiin si aanay biyo iyo baraf u soo gelin. Carruurtu waa in ay dhaqdhaqaajin karaan faraha cagaha si ay u diiranaadaan. Markaa waa muhiim in aanay kabahu cidhiidhi ahayn oo ay leeyahiin meel ku filan faraha xataa haddii ay xidhaan sharbaad dhumuc leh oo suuf ah.

Xusuuso

  • Hadday dabayli jirto qaboow badan ayaa la dareemaa.
  • Carruurta yaryari way ka dhaxamoobi og yihiin dadka waaweyn.
  • Heerkulku wuu hooseeyaa marka dhulka loo sii dhawaadaba.
  • La soco cunuga oo ka taabo qoorta si aad u ogaatid in cunugu diirran yahay.

Les mer om klær og påkledning på flere språk ved å scanne QR-koden

morsmal.no

Vil du ha en brosjyre om vinterklær på mange språk?

No posts