Advent // Adventka
Afarta todobaad ee ka horeeya ciida masiixiga ayaa la yiraahdaa advent. Ereyga advent macnihiisu waxa weeye «Eebe ayaa imaanaya». Waqtiga adventka waxa la isku diyaariyaa yuulka waxana la isu diyaariyaa dhalashada nabi ciise. Wakhtigan casriga ah dadka badidoodu way dabaaldegaan masiixi ha ahaadaan ama wax kale ha aaminsanaadaan. Dadku waxa ay sameeyaan diyaargarow lagu xusayo adventka iyaga oo guryahooda qurxiya. Dugsiyad iyo xanaanooyinka iyagana waa la qurxiyaa, midabka adventku lagu qurxiyaa waa lilla.
Macmacaanka yuulka
Dad badani waxa ay sameeyaan doolshaha yuulka wakhtiga adventka. Sida caadada ah waa in qofku sameeyaa 7 nooc oo doolshe oo kala duwan. Laakiin caadi ayey noqotay in dukaanka laga soo iibsado. Pepperkakehus waa nooc ka mid ah keegagaa, dadka qaar waxa ay sameeyaa pepperkakehus. Magaaladda Bergen waxaa lagu sameeyaa pepperkakehusaha ugu weyn sannad kasta. Dadbadan ayaa keena pepperkakehus halkaasi oo ay ka mid yihiin dugsiyada iyo xanaanooyinka,taasi oo noqota magaalo ka samaysan pepperkake.

Bildet er tatt av straightfromthecask på Flickr
Farsamaynta qalabka qurxinta yuulka
Kuwo badan ayaa waxa ay jecelyihiin in ay wax qurxiyaan, sameeyaana haddiyado iyo nacnaca yuulka, waxa ay qabanqaabiyaan meelo lagu sameeyo oo ay ku casuumaan saaxiibadood, iyo ehelkoodaku waxayna sameeyaan alaabo farabadan heesana ay ku dhegaystaan, heesaha yuulkana way qaadaan.

Dabaaldegga ciidda masiixiga
Dugsiyad,xanaanooyinka,naadiyadda ciyaaraha iyo ururada khayrigga ahba waxaa ay diyaariyaan xaflado loo yaqaano juleavslutninger.
Riwaayadaha iyo heesaha ciidda Yuulka
Fanaaniin fara badan ayaa diyaariya heeso iyo riwaayado ku saabsan yuulka taas oo ay ku qabtaan kiniisadaha.
Suuqa ciida Yuulka
Suuqa ciidda yuulku waa fagaare lagu kala iibsado qalabyo lagu soo farsameeyay guryaha oo kala ah qalab farshan iyo cunto, taas oo ah dhaqan soo jireen ah oo caana wakhtigan adventka.
Adventskalender
Caruurta badankooda waxaa loo iibya waxa loo yaqaano adventskalender. Adventskalenderka waa buqshad ay ku jiraan 24 hadiyadood. Marka laga bilaabo 1da bisha desember illaa 24ka desember maalinkasta caruurtu waxa ay furtaan mid ka mid ah hadiyadahaa.
Fasalada dugsiyada badankooduna iyana adventskalender ayay diyaarsadaan. Habka loo diyaariyaana waxa weeye arday kasta oo fasalka ka mid ahi wuxuu soo qaadaa hadiyad yar taas oo uu macalinku waraaqo ku qoro magaca ardayda taas oo maalinba mid la soo saaro oo ardaygii magaciisu soo baxaa qaato bisha desember oo dhan.Dadka waaweyn qaarkood ayaa iyan samaysta adventskalender,Mareegaha internettkana waa laga helaa adventskalender.Dhaqanka waxa u uka yimid dalka Jarmalka hilaadihii 1920.

Shamaca Adventka
Adventskrans eller adventsstake waa ulo shamaceed afar ah laga taago boos. Maalin kasta oo axada hal shamac baa la shidaa, axadda ugu horaysa mid baa lashidaa,axadda labaadna laba ayaa la shidaa, axadda saddexaadna saddex ayaa la shidaa axadda afraadna afartaba waa la shidaa. Ula shamaceedku waxa ay yeelan karaan qaabab kala duwan, waxa ay noqon karaan biro, dhagxaan, alwaax ama dhoobo waxana lagu qurxinkaraa salkooda caleemo ama laamo geed.Dhaqankani waxaa uu Norway uga yimid jarmalka sida geedka juletree oo kale.

Bildet er tatt av Myriam Zilles på Pixabay



