Demokrati og diktatur // Dimuqraadiyadda iyo Kaligii taliska
Dimuqraadiyad – Wada tashi
Dimuqraadiyadda waxa kale oo loogu yeeraa, xukun-bulsheed, waana doorashada hab-xukun ay bulshadu fursad u leedahay ka qayb qaadashada go,aanada muhiimka ah. Fursadda ah in ay saamayn ku yeeshaan, bulshadu waxay ku gaadhaa codaynta doorashooyinka. Dimuqraadiyaddu way ka duwantahay hababka kale ee xukun sida kaligii taliska, ee qof kali ah uun wax xukumo. Hab xukunka Noorway waxa loogu yeeraa dimuqraadi. Taasoo macneheedu yahay in bulshada deggen Noorway ay ka wada qaybqaataan go,aanka sida ay bulshadu noqonayso. Ilmaha iyo dhalinyaradu waxay xaq u leeyihiin in la dhageysto si ay wax uga yiraahdaan kiisaska iyaga quseeya.
Dimuqraadiyaddu waa laba eray oo giriig ah oo la isku xidhay ,,Demos’’ oo macnaheedu yahay bulsho iyo ,,Kratein’’ oo micnihiisu yahay taliye . Fikirka ah bulshadu in ay taliso waxa uu magaalad Athen ee ku taala dalka giriiga ka soo baxay 2500 oo sanno ka hor. Noorway waxay leedahay xisbiyo siyaasadeed oo kala duwan oo ka qaba fikrado kala duwan sidii bulshadu ay noqonlahayd. Marka la gaadho doorashada baarlamaanka, Dadka dhalashada dalka haysta ee ka weyn 18 jir waxay u codayn karaan xibiga ay jecelyihiin.

Xoriyadda hadalka (xoriyatul qowl)
Halka ay dimuqraadiyadi ka jirto waxa ka jira xoriyatul qowl ama xoriyad hadal. Taa micnaheedu waxa weeye in bulshada oo dhammi dhihi karaan qorina karaan waxa ay qabaan iyada oo aan lagu cigaabayn. Ilaa markii aan yarayn, waxa aan baranaynay in aan muujinno fikirkeena, dareenkeena iyo waxaan qabno, isla markaa hadana waxa muhiim ah in aan barano ixtiraamka in dad kale qabi karaan fikirro ka duwan kuweena. Marka aad sii kortaba waxa aad qabto tixgelinteedu way sii korhaysaa.
Dimuqraadiyada – saxaafad madax banaan
Meel dimuqraadiyadi ka jirto, saxaafaddu waxay baahisaa fikrado kala duwan. Xisbiyada kala duwan ee Norway waxay isticmaalaan saxaafado kala duwan, si ay wax u gaadhsiiyaan bulshada, siiba marka ay doorasho jirto. Waxan kala soconaa TVga , wargeysyada, raadyaha, mareegaha internetka marka ay siyaasiyiintu ka doodayaan sida ay rabaan bulshadu in ay noqoto.

Kaligiitalis – dad kooban ayaa talada go,aamiya
Dalalka qaar waxa ay leeyihiin hab siyaasadeed la yidhaa kali talis. Habka diktaatooriyada qof ama dad kooban ayaa ka taliya sida dalka loo xukumayo. Lagamana soo hor jeedsan karo cidda u taliska dalka. Cida waxa ka tiraa ama ka qorta waxa aanay dawladdu jeclayn ama ka raali ahayn, daba gal ayaa lagu sameeyaa waana la ciqaabaa. Sharcina maaha in la khalaafo kuwa dalka ka taliya. Dadka qaara waxa loo dilaa fikirkooda ay cabireen.
Waa caadi in dib loo eego qaybaha kala duwan ee diktaatooriyadda iyada oo la eegayo meeqa ama kuma ayaa xukunka haya iyo xadka ay dhantahay maqnaanshaha xoriyaddu:
- Awoodu ma waxay ku urursantahay, kaligiitaliyaha? ma waxa laga hadlayaa kalitalis qof keli ah, tusaale Adolf Hitler kii Jarmalka, Josef Stalin kii Ruushka iyo Francisco Franco hii Ispayn.
- Awooddu ma waxay ku urursantahay qaar badan? Waxa la odhan karaa koox kelitelis ah oo ka kooban Ciidan iyo hal xisbi.
Kali telis – warbaahinta dawladda ayuunbaa la maqli karaa
Dalka habka keligii taliska ahi ka jiro dawladda ayaa leh saxaafadda oo dhan ama gacanta ku haysa. Wergesyada iyo idaacadaha iyo raadyayaasha la iska arkaa waxay baahiyaan waxa ay dawladu doonayso in ay dadku maqlaan. Lama ogola in la tabiyo ama la qoro aragtida qofeed. Xadaynta ay dawladdu ku hayso dadku waxay qorayaan ama oranayaan waxa la yiraa faafreeb.