Fornybare energikilder // Ilaha tamarta ee la cusboonaysiin karo

Denne teksten om fornybare energikilder finnes på flere språk. Tanken er at teksten skal være et supplement til andre læremidler og andre aktiviteter i opplæringen. Det er altså ikke meningen at disse ressursene skal stå alene, men at de kan brukes i innledning til arbeid med temaet.

Teksten kan, for eksempel, brukes sammen med tospråklig lærer for å aktivere elevenes kunnskaper om temaet, og å bidra til at eleven lærer fagspråk.

Scroll nedover for å finne flere ressurser.

Maalinkasta waxaan adeegsanaa koronto. Korontadaan waxaan ka helnaa ilo-tamareedyo kala gedisan. Waxaa jira labo nooc oo ilo-tamareed ah: ilo-tamareed la cusboonaysiin karo iyo ilo-tamareed aan la cusboonaysiin karin. Qoraalkan waxaan ku eegi doonaa ilo-tamareedyada la cusboonaysiin karo.

Bilde av lyspærer som lyser.
Bilde: Adobe Stock
Bilde av en ledning. I bakgrunnen er det en bil.
Bilde: Adobe Stock

Ilo-tamareed la cusboonaysiin karo macnaheedu waa tamar aan dhamaanayn. Habraac ay dabeecaddu leedahay ayaa iskeed si joogto ah loogu sameeyaa tamar cusub. Tamarta noocaan ah waxaa tusaale u ah tamarta biyaha, tamarta dabeysha iyo tamarta ileyska. Dhammaan saddexdan ilo-tamareed waxay tamarta ka helaan qoraxda. Qorraxda ayaa saddexdaan ilo-tamareed siyaabo kala duwan u siisa tamar.

Bilde av noe lyst på en himmel.
Bilde: Adobe Stock

Korontada laga dhaliyo biyaha

Tamar-biyeed waa tamar ka timaada biyo socda. Norway, waxaan ku haysanaa biyo badan oo socda kuwaas oo ka yimaada biyo-dhacyada iyo wabiyada, taas waxaan uga faaiidaysan karnaa inaan ka soo saarno tamar. Qorraxda ayaa sabab u ah in biyaha dhulka dulyaala ay dhaqaaqaan. Qorraxda ayaa kululaysa biyaha si ay u uumi-baxaan. Kadib biyihii waxaa lagu ururiyaa daruuraha, ugu dambeyntiina waxay ku soo da’aan dhulka. Biyaha dhulka dulyaala waxay ku qulqulaan webiyada ka dibna waxay u sii shubmaan ilaa badweynta.

Foto: Adobe Stock

Korontada laga dhaliyo dabeysha

Qorraxdu waxay sidoo kale kululaysaa hawada taas oo keenta inay dhaqaaqdo. Tan waxaa u lagu magacaabaa dabeyl. Dabaysha socota waxaan ka soo saari karnaa tamar. Waxaan ka faaiidaysan karnaa tamartan annaga oo rakibayna marwaxadaha dabeysha. Marwaxadaha dabaysha ma ahan hindise (ikhtiraac) cusub, sababtoo ah waahore ayaa la adeegsan jiray, sida in lagu shiido badarka iyo in lagu sameeyo burka (daqiiqda).

Bilde av flere vindmøller. I bakgrunnen ser man skog og fjell.
Bilde: Adobe Stock

Tamarta qorraxda

Tamarta ka timaada qorraxda waxaa loo isticmaalaa in lagu kululeeyo biyaha, guryaha aan ku noolnahay iyo waxyaabo kale. Tamarta ka timaada qorraxda waxaa sidoo kale loo adeegsadaa in laga dhaliyo danab iyadoo la adeegsanayo waxa lagu magacaabo unugyada qorraxda.

Bilde av solcellepanel som står på skrå på et gress.
Bilde: Adobe Stock
Bilde av solcellepanel på et hustak.
Bilde: Adobe Stock
Oppgaver til filmen på somali