Id al-adha // Ciid al- adxaa
Ciid al- adxaa waa dabbaaldeg ay leeyahiin muslimiinta aduunka oo dhan. Dabbaaldegen waxaa sidoo kale loogu yeedhaa ciida-weyn ama ciidii Allebariga. Dabbaaldegen ciida wuxu tilmaamayaa dhamaadkii xajka ee Makka. Taariikhdeedu way is bedeshaa sannad walba. Makka waa magaalo Sucuudiga ku taala oo ahna meesha ugu barakaysan islaamka.




Xaj uqabashada Makka waa mid ka mid ah shanta mabaadii`ood ee islaamku ku dhisan yahay. Muslimka awooda in uu tago, wuxuu xajka udhoofayaa hal mar noloshiisa. Sannad kasta waxa u dhoofa Makka saddex ilaa afar milyoon oo muslimiin ah. Hawl ay muslimiintu sameeyaan marka ay xajka joogaan ayaa ah in ay ku wareegaan toddoba jeer Kacbada. Kabcadu waa dhagax xurmo leh, sababatoo ah sida islaamku qabo, waxaa dhagaxa dhulka keenay malaga Jibriil.




Xaflada ciida al-adxa waxay inta badan muslimiintu cuntaan cunto xafladeed uu la socdo hilibka riyaha, idaha ama lo`da. Waxay xasuusanayaan nebi Ibraahim oo diyaar u haa in uu wiilkiisa uhibeeyo si uu u tuso addeecidiisa Eebe. Marka ay tahay ciid al-adxa muslimiintu waxay ku lebbistaan dhar qurux badan. Cunto fiican ayay la cunaan qoyska iyo asxaabta. Waxay isweydaarsadaan kaadh-ciideed ama haddiyado. Ciid al-adxa waxaa laysu rajeeyaa «ciid mubarak» oo macnaheedu yahay ciid wanaagsan.

Finn ut mer om Islam

Bildekort: id al-adha
Bildekort med tema Id al-adha. Skriv ut bildekortene og slipp kreativiteten løs.

Id al-fitr // Ciid al fidriga
En kort lesetekst med tilhørende bilder og lyd om den islamske feriringen Id al-fitr

Bildekort: Id- al fitr
Bildekort med tema Id al-fitr. Skriv ut bildekortene og slipp kreativiteten løs.

Høytidskalender: Id al-fitr (ekstern lenke)
Les om Id al- fitr. Veilederkorpset i Stavanger kommune har publisert en flerkulturell kalender som viser ulike høytider.

Islam // Diinta islaamka
Les om religionen Islam, Koranen og de fem søylene.