Økosystem // Habdhis deegaan

Denne teksten om økosystem finnes på flere språk. Tanken er at teksten skal være et supplement til andre læremidler og andre aktiviteter i opplæringen. Det er altså ikke meningen at disse ressursene skal stå alene, men at de kan brukes i innledning til arbeid med temaet.

Teksten kan, for eksempel, brukes sammen med tospråklig lærer for å aktivere elevenes kunnskaper om temaet, og å bidra til at eleven lærer fagspråk.

Scroll nedover for å finne flere ressurser


Habdhis deegaan waa isdhexgalka ka dhaxeeya noolayaasha iyo bay’adda ay ku noolyihiin. Dhulka waxaa laga helaa habdhisyo deegaan oo kala duwan. Baaxadda habdhisyada deegaanku waa kala duwan yihiin. Qaar waa yar yihiin, tusaale ahaan balli biyood. Qaar kale oo habdhis deegaaneed ahna waa waaweyn yihiin, tusaale ahaan dhul dhiiqoon, saxaraha, haraha, badweynta iyo keymaha.

Ma noolayaasha deegaanka saameeya

Waxay nafi ku jirin ee laga helo habdhiska deegaanka waxaa lagu magacaabaa ma noolayaasha deegaanka. Waxyaabaha aan noolayn ee deegaanka saameeya waxaa ka mid ah jawiga iyo cimilada, carrada, ilayska qorraxda, walxaha wata cusbada iyo kiimikooyinka kale ee laga helo deegaanka.

Noolayaasha deegaanka saameeya

Waxa nool ee laga helo deegaanka waxaa lagu magaacabaa noolayaasha deegaanka saameeya. Xayawaanka, dhirta, cayayaanka iyo noolaha ilma-aragtada ah ayaa tusaalooyin u ah noolayaasha saameeya deegaanka. Kuwani waxay ku tiirsan yihiin ma noolayaasha iyo noolayaasha saameeya deegaanka ee laga helo habdhiska deegaanka.

Noolayaashu waa isku tiirsan yihiin

Marka laga hadlayo habdhiska deegaanka, noolayaashu si ay u noolaadaan oo ay u tarmaan waxay ku tiirsan yihiin naftooda iyo ma noolayaasha deegaanka saameeya. Dhirtu waxay ku xiran tahay in boqoshaagu (fangasku) iyo bakteeriyadu ay sii jejebiyaan walxihii dabiiciga ahaa ee dhintay si ay markale ciid u noqdaan. Dhirtu si ay u korto waxay nafaqo uga baahan tahay ciidda. Qaar xayawaanada ka mid ahi waa inay cunaan dhirta si ay u noolaadaan.  Xayawaanada qaarkood, si ay nafaqo u helaan waxay ku tiirsan yihiin inay cunaan xayawaano kale. Boqoshaagu (fangasku) iyo bakteeriyadu waxay u baahan yihiin inay nafaqo ka helaan dhirta iyo xayawaanka dhintay.   

Abuurayaal

Noolayaasha qaarkood ayaa ah kuwo walxo aan noole ahayn ka sameyn kara noole. Kuwan waxaa lagu magacaabaa soo saarayaal. Soo saarayaashu waxay sidoo kale sameeyaan nafaqooyin, waxayna u adeegsadaan fotosintesis. Dhirta iyo dhirta cagaaran ee biyaha ka dhex baxda waa abuurayaal laga helo habdhiska deegaanka. Abuurayaashu waxay sameystaan dhammaan cuntada ay u baahan yihiin.

Kløvereng
Dhirta cagaarani waa abuurayaal

Dheefsadayaal

Xayawaanku ma sameysan karaan cuntadooda. Waxay ku tiirsan yihiin inay cunaan dhirta ama xayawaanka kale. Eray la macno ah cunid waa dheefsasho. Sidaas darteed waxaan kuwaas ku magacawnaa dheefsadayaal. Dheefsasho waxay la macno tahay cunid. Sidaa darteed waxaan xayawaanadan ku magacawnaa cunayaal.

En snegle spiser et blad
Bacooshu waa dheefsato

Kala bixiyayaal

Kala bixiyayaashu waa noole ku nool inuu cuno dhirta iyo xayawaanka dhintay. Bakteeriyada iyo fangaska ayaa tusaale u ah kala bixiyayaasha ama jejebiyayaasha. Kala bixiyayaashu muhiim ayey u yihiin habdhiska deegaanka, sababtoo ah waxay burburiyaan dhirta iyo xayawaanka dhintay. Habkan ayaa nafaqooyinkii looga soo daayaa noolihii dhintay. Tani waxay carro nafaqo leh siin doontaa dhirta cusub.

Bilde av en sopp i skogen
Fangasku waa jejebiye

Alle bilder er hentet fra AdobeStock