Informasjon om norsk grunnskole // Waxbarasha asaasiga ah ee Norge
Waxbarashada asaasiga ah ee dalakani waa 10 sanadood oo u kala qaybsan dugsiga hoose iyo dugsiga dhexe. Dugsiga hoose waxa uu ka kooban yahay fasalka 1aad illaa fasalka 7aad. Dugsiga dhexena waxa u uka kooban yahay fasalka 8aad illaa fasalka 10aad. Fasalka 1aad waxa ay ardaydu bilawda sannadka ay buuxinayaa 6 jirka, sidaas ayay sannad walba hal fasal kor ugu socdaan.
Sannad dugsiyeedku waxa uu ka bilaabmaa kala barka bisha august illaa iyo qiyaastii 20. juun. Jadwalka dugsiyada oo faahfaahsan waxa laga daalacan kara bogga internetka ee degmooyinka kaas oo kala qeexaya maalmaha fasaxa ah iyo kuwa ciidaha ee sannad dugsiyeedka.Waxa kale oo laga heli karaa dugsiyada.
Dugsiyada dawliga ahi waa lacag laan waxbarashadu
Waddanka waxa ka jira dugsiyo dawladdu leeday iyo dugsiyo gaar loo leeyahay. Dugsiyada dawliga ah waxaa ka masuula maamulkooda degmooyinka waana lacag laáan waxbarashadooda iyo qalabka kala duwan ee wax lagu bartaaba.Ardayda da´doodu u dhaxayso 6jir illaa 16jir xaq bay u leeyihiin waxbarashada iyagana waa ku qasab ah in ay waxbartaan.
Maqnaanshaha iyo fasaxa
Waddankan Norge waa khasab in ay ardayda da´doodu u dhaxayso 6-16 sano ay dugsiyada dhigtaan.Taa macnaheedu waxa weeye in uu ardaygu joogu dugsiga maalin kasta iyo xiisadkasta oo wax barasho.waalidiintu xaq uma laha in ay ilmahooda dugsiga ka fasaxaan.
Dugsiyado maalinkasta way diiwaangeliyaan joogitaanka ardayda ee dugsiga.Haddii ardaygu bukoodo waalidku way ku hayn karaan guriga islamarkaa waa in ay fariin u soo diraan dugsiga aroortii inta aanay waxbarashado bilaabmin.
Haddii ardaygu u baahdo fasax ka baxsan wakhtiyda dugsiyado fasaxa yihiin, waxaa waalidka la farayaa in ay codsi ay usoo qoraan dugsiga iyaga oo sababaynaya codsiga fasaxa. Degmadu waxa ay fasax siin kartaa ardayga muddo laba todobaad ah haddii ay u aragto codsigu in uu caqli gal yahay.Maalmaha ciida diimaha aan ahayn masiixiga ardaydu xaqbay u leeyihiin in la fasaxo waana in ay fasax weydiistaan dugsiga maalmahaa ciida ah.
Dugsiyadda waddankan norge wuxuu ku salaysanyahay dhawrista xuquuqal aadamaha iyo qiimaynta qayamka dadka.Qayimka bani adamku waa lama taabtaan aan lagu xadgudbin karin waana qayb muhiim u ah dhaqanka iyo shaqada dugsiyada.
Ardayda oo dhami waa in ay nabdoonaan iyo xasilooni ku helaan dugsiga
Dugsigu waa in uu ardayda ku qaabilaa kalsooni iyo tixgalin.Waa in aan ardayna lagula dhaqmin cunsuriyadayn iyo dhibaato kaleba. Arday kastaa waa in uu dareemaa in uu qayb ka yahay fasalka uu dhigto iyo dugsigaba. Shaqaalaha dugsiga oo dhan waxaa ku wajib ah in ay la socdaan in ay ardaydu xasilooni iyo nabad ku joogaan dugsiga. Haddii qof ka mid ah shaqaalaha dugsigu uu dareemo in arday la dhibaayo amma waxyeelo loo gaysanayo waa in uu talaabooyinka hoos ku qoran sameeyaa:
- Waa in uu isla markaasiba soo dhex galaa oo uu joojiyaa dhibtaa haddii ay suurta gal tahay
- Waa in uu wargeliyaa maamulaha dugsiga
- Waa in uu baadhitaan ku sameeyaa wixii dhacay
Haddii arday ka mid ah ardayda uu dareemo in uuna xaalad nabdoon ku joogin dugsiga waxaa waajib ku ah maamulaha dugsiga in uu diyaariyo hab wax u qabasho ardaygaa si uu kalsooni dugsiga ugu joogo.Arinkaasina waa waajibaadka dugsiga.
Nidaamka iyo dhaqanka
Dugsigu wuxuu leeyahay xeer qeexaya nidaamka iyo habdhaqanka ardayda oo ah in ardaygu raaco. Dugsiyada norge waxa ay dhaqan u leeyihiin in ay wada hadal ku hirgeliyaan habdhaqanka iyo nidaamka dugsiga.Haddii arday ka mid ah ardayda uu xeerka jabiyo , talaabda hore ee dugsigu qaadayaa waxa weeye in ay wadahadal la yeeshaan ardayga haddii uu ku sii wada xeer jabinta waalidkii ayaa la wacayaa si ay ilmahooda ula hadlaan.Waxa kale oo uu fasalkasta oo dugsiga ka tirsani leeyahay xeer hoosaad u gaar ah oo ardayda iyo macalinku wada diyaariyeen. Xeerkaasi wuxuu iftiiminayaa in arday kastaa si nabdoon fasalka ku joogo si fiicanna wax u barto.
Aradayda oo dhami´ waa in ay u sinaadaan waxbarashada
Dugsigu waa inuu siiyaa ardayda dhamaan fursado isku mid ah xaga wax barashada iyo horumarka, iyadoon loo eegeynin asalkooda iyo waxyaabaha lagu kala duwanyahay. Iskuulku waa inuu tixgeliyaa inay ardeydu kaladuwan yihiin isla markaana ay gacan ka geystaan sidii qof walbaa ku dareemi lahaa xasilooni dugsiga dhexdiisa iyo mujtamacaba. Waxbarashado waxay ardayda siinaysaa aqoon iyo rabitaan ay wax ku bartaan noloshooda oo dhan. Dugsigu waa inuu ku caawiyaa ardayda:
- Horumarintiisa baniáadanimo
- Horumarinta aqoonta maadadaha dugsiga
- Waayo aragnimada waxa wada lahaanshiiyaha
Waxbarid ku habboon arday kasta
Ardayda oo dhami waa in ay heshaa waxbarasho ku habboon. Ardaydu siyaabo kala duwan ayay wax u bartaan markaasi waa in ay dugsiyado diyaariyaan habab ku habboon ardaydooda.
Waxbarshad gaarka ah
Qayb ka mid ah ardaydu waxa ay xaq u leeyihiin waxbarid iyaga ku haboon amma khaas ah. Haddii waalidka iyo dugsigu ay u arkan in aanay waxbarashada caadiga ihi arday ardayda ka mid ah aanay ku haboonayn dugsigu waa in uu diyaariyaa wabbarasho ku haboon ardaygaa.Haddii ay noqoto in ardayga uu wax ku baranwaayo habkaa loo diyaariyay waa in dugsiga, waalidka iyo qaybta waxbarashada khaaska ah Pedagogisk-psykologisk tjeneste (PPT) in ay wada diyaariyaan sidii loo caawin lahaa ardayga in uu wax barto , iyada oo loo samaynayo manhaj qaar ah oo uu wax ku barto oo ka duwan ardayda kale,sida qalab u khaas ah iyo macalin amma kalkaaliye u khaas ah.
Qaanuunka waxbarashada Norway waxa uu sheegayaa in dugsigga iyo waalidku ay mas’uuliyad wadaag ku yihiin waxbarashada aasaasiga ah ee dugsigga. Dugsigga waajib ayey ku tahay in uu la shaqeeyo waalidiinta. Wadashaqayntu waxa ay ka dhacaysaa heer qaran iyo dugsi kasta.
Wada shaqeyn heer qaran
Dawladdu waxa ay waalidiinta dugsiyada hoose-dhexe iyo sare u aasaastay guddi waalid oo heer qaran ah. Gudddi-waalideedku waxay talo siisaa waalidiinta iyo dugsiyada. FUG ama guddi-waaalideedku waxa kale oo ay dowladda talo kasiisaa arrimaha ku saabsan wada shaqaynta dugsiyada iyo waaliddiinta ama guriga.
Wada shaqayn dugsi
Waalidiinta dugsiggu waxa ay doortaan guddi fulineed la yiraahdo-Guddi fulineedka waalidiint oo loo soo gaabiyo (FAU). FAU ama guddi fulineedka waalidiintu waxa ay la shaqaysaa dugsigga, waxayna talo siiyaan maamulaha dugsigga.
Fasalada dugsiyada waxa laga doortaa hal waalid oo fasalka la xiriira (xiriiriyaha fasalka). Xiriiriyaha fasalka waxa la doortaa sannad dugsiyeedkiiba hal mar, waxaana uu sanadkaa la shaqeeyaa macalimiinta fasalka. Xiriiriyaha fasalku isaga oo matalaya waalidiinta fasalka, waxaa uu dugsigga kala hadla arimaha ay doonayaan waalidiinta fasalku inay kala hadlaan dugsigga.
Wada shaqaynta fasalka
Dugsiyada oo dhan waxa ay qabtaan shir waaliddiin marka uu sannad dugsiyeedku bilaabmayo. Dugsiyada badankoodu laba kulan waalideed ayey sameeyaan sannadka gudihiisa, qaarkoodna in ka badan ayey sameeyaan. Shir waalideedku waa mid guud oo ay ka soo qayb galaan dhammaan waalidiinta fasalku ama waalidiinta fasalada isku heerka ah oo dhan. Shir waalideedka waxa lagu bixiyaa warbixinno ku saabsan dugsigga iyo sannad dugsiyeedka iyo jadwal dugsiyeedka. Waxa kale oo lagu wargeliyaa waaliddiinta waxbarashadu waxa ay ka koobantahay iyo waxyaabaha kale ee muhiimka ah ee loo baahanyahay in ay waaliddiintu ogaato.
Shirka waaliddiintu waa fursad ay waaliddiintu isku barato. Waaliddiintu in ay isbarataan waxa ay u wanaagsantahay wadajirka ardeyda marka dugsigga la joogo iyo marka ay fasaxa yihiinba.
Waaliddiintu micne weyn ayey u leeyihiin waxbarashada ilmahooda. Waa muhiim in dugsigga iyo waalidka ilmuhu si fiican u wada shaqeeyaan si ilmuhu ugu guulaysto dugsigga. Adigga oo ah aabe ama hooyo waa in aad ka qaybqaadataa kulanka uu macalinka fasalku kuugu yeero iyo shir-waalidkeedkaba. Waa muhiim in aad xiise ka muujiso waxbarasho dugsiyeedka ilmahaaga. Si uu dugsiggu wax ugu diyaariyo ilmahaaga, waxaa muhiim ah in aad xogta ku saabsan ilmahaaga aad la wadaagto dugsigga.
Sidee ayaad xiise ugu muujin kartaa waxbarashadda Ilmahaaga?
Siyaabo badan ayaad adigga hooyada ama aabaha ahi xiise ugu muujin kartaa waxbarashada ilmahaaga. Waxaad:
- Waxa aad ilmaha kala hadli kartaa waxa aay dugsiga ku soo sameeyeen iyo waxa ay soo barteen.
- Waqti u samee ilmuhu cashar guriyeedka ku sameeyo.
- La joog ama ag fariiso marka uu ilmahaagu samaynayo cashar guriyeedka.
- Ka qayb qaado barnaamijyada uu dugsigu sameeyo.
- La xiriir dugsiga haddii aad wax su,aal ah qabto, ama aad rabto in aad macluumaad hesho.
Wada hadalka macalimka, ardeyga iyo waalidku ay kawada hadlaan wax barashada ardeyga
Wada hadalka waalidka, macalinka iyo ardeygu waa kulan dhex mara ardeyga, waalidka iyo macalinka fasalka. Halkaas oo ardeyga, waalidka iyo macalinku ka wada hadlaan sida ilmaha xaaladiisa waxbarasho ay tahay. Ulajeedada wadahadalku waa sidii dugsiga iyo waalidku uga wada shaqayn lahaayeen taageerada iyo kor u qaadidda horumarka waxbarashada maadiga ah iyo ta dhaqan bulshaad ee ardeyga. Ula jeedka kale ee muhiimka ahi waxa uu yahay in la helo sida uu ardeygu isagu u shaqeeyo si uu sida ugu wanaagsan wax ugu barto.
Ardeyga iyo waalidku waxa ay la kulmaan macalinka fasalka ugu yaraan laba mar sanadkii. Ilmahaaga la hadal inta aydaan u tagin macalinka. Ka sii fikir haddii aad wax su,aalo ah aad u qabto dugsiga. Dugsiga waajibaad ayaa ka saaran sidii uu kuula soo xiriiri lahaa adiga waalidka ah haddii loo baahdo.
Wada hadalka macalinka, waalidka iyo ardeygu waa uu qabsoomi karaa ardayga la,aantiis.
Qofkasta oo ka shaqeeya dugsiga waxa saaran waajibka qarinta sirta. Taa macnaheedu waa in aany kuwa kale usheegin ama aanay bixin karin macluumaadka shaqsiga ah ee ku saabsan adiga iyo ilmahaaga ee ay shaqada ka ogaadeen. Waa danbi in la jabiyo waajibka sir qarinta.
Sharciga waajibka sir qarintu ma quseeyo labadan:
- Haddii ilmahaagu uga baahdo dugsiga dibadiisa, caawin ama taageero dheeraad ah, waxa aad bixinaysaa ogolaansho in uu dugsigu bixiyo macluumaadka uu u baahanyahay qofka ilmahaaga caawinayaa. Ogolaanshaha bixinta macluumaadka macnaheedu waa waxad dugsiga u ogolaatay in ay macluumaadka bixin karaan. Adiga iyo dugsigu waa in aad isla ogolaataan waxa la gudbinayo. Ogolaanshahani waxa uu leeyahay waqti xadidan, markasta oo aad rabtana waad ka noqon kartaa.
- Haddii Dugsigu hayo sabab keenaysa in ilmaha daryeel la,aani hayso, ama uu khatar ugu jiro in dhaawac gaaro, siday doontaba ha ahaatee, waxa shaqaalaha dugsiga ku waajib ah in ay laxiriiraan hay,da daryeesha xuquuqda ilmaha oo arinta u sheegaan.
Turjumaan
Waa muhiim dugsiga iyo waalidku in ay xiriiraan oo si fiican isku fahmaan. Marmarka qaar waxa dhacda in loo baahdo in la isticmaalo turjumaan. Dugsiga iyo waalidkuba waa codsan karaan in la isticmaalo turjumaan. Haddii aad u baahataan turjumaan, tusaale marka shirwaalideedku jiro, waa inaad u sheegtaan dugsiga si la idiinku balamiyo turjumaan. Dugsiga ayaa idiin balaminaya turjumaanka lacagtana bixinaya. Turjumaanka waxa saaran waajibka sir qarinta. Sharci maaha in ilmaha loo isticmaalo turjumaan.
Sharciga waxbarashada ayaa haga waxbarashada dusiga hoose –dhexe iyo sare, muqararka waxbarashuda wuxuu hagaa waxa ay ka kooban tahay waxbarashadu. Manhajku waxa uu ka koobanyahay qayb guud iyo muqarar maadooyinka u gaara.
Qaybta guud ee manhajka
Qaybta guud ee manhajku waxa ay qeexaysaa qiyamka iyo mabaadiida sumadaynaysa waxbarashada. Tani waxa ay qusaysaa waxbarashada dugsigga hoose-dhexe iyo kan sare. Qaybta guud ee manhajku waxa ay culayska saaraysaa in ay ardeydu u hesho fursad in ay ku koraan wacyiga deegaanka, karti in ay fikiraan oo wax kasta iska ogolaan(kritisk tenkning )iyo ogaan anshaxeed. Waxa kale oo ay ardaydu baranayaan waxa ay ficil ahaan tahay dimuqraadiyaddu. Ardeydu waa in ay si tartiib tartiib ah u kobciyaan aqoon iyo faham joogto ah. Waa in ay ka turjumaan waxbarashadooda ayna ku isticmaali karaan waxa ay barteen xaalado kala duwan. Ardeydu waa in ay ku celceliyaan qaabeynta suaasha oo ay helaan jawaabta, marka ay kalida yihiin iyo marka la weheliyaba. Ardeydu waa in ay bartaan sida wax loo barto. Wada shaqayn, fikir cusub, hal abuur, awood go’aan qaadasho, falcelin, yaabanaan iyo sahmin waa muhiim.
Muqararka maadooyinka
Muqararka maaddooyinku waxa uu ka koobanyahay waxa ay ardeydu ku baranayaan heerarka fasalada kala duwan. Dugsi kastaa isaga ayaa go`aamiya sida ay ardeydu u shaqaynayaan si ay u gaaraan yoolka ku cayiman muqararka maadada.
Qiimeyn
Ardeydu waa in ay ka helaan macalimiintooda qiimayn waxbarasho oo joogto ah laga soo bilaabo sannad dugsiyeedka ugu horeeya. Qiimaynatani waxa ay muhiim u tahay in uu ardeygu helo waxbarasho ku haboon. Qiimayntu waa in ay ka caawisaa ardeyda si ay u fahmaan waxa ay tahay iyagu in ay sameeyaan sida ay sida ugu fiican wax ugu bartaan. Qiimaynta joogtada ah ee maadooyinka, nidaamka iyo edebta waxa la bixinayaa sannadka oo dhan, qiimaynta waxaa ardeyda lagu siin karaa af ama qoraal ah.
Dugsigga hoose ilmuhu ma helaan qiimayn buundo leh. Dugsigga dhexe waxa ay helaan ardaydu qiimayn buundo leh ama mid aan buundo lahayn. Qiyaasta buundooyinku waxa ay u dhaxaysaa 1-6, buundada 6 waa buundada ugu fiican. Ardeyda oo dhami waa in ay qiimeeyaan shaqadooda, horumarkooda iyo aqoontooda. Tan waxa loogu yeeraa isqiimayn.
Ardeyda aan afkooda hooyo ahayn noorwiiji ama saami, waxa ay xaq u leeyihiin waxbarasho luqadeed oo u gaar ah ilaa inta ay si fiican uga baranayaan luuqadda noorwiijiga oo ay fasalkooda la socon karayaan. Waxbarashada gaarka ah waxa ay noqon kartaa saddex nooc:
- Waxbarashada gaarka ah ee noorwiijiga- saacado gaara oo luuqadda noorwiijiga ah lagu baranayo.
- Maadooyinka oo lagu barayo labo luqadood- ardeyda laba luqadood ayaa lagu caawinayaa si ay u fahmaan maadooyinka.
- Barashada afka hooyo – Ardeyda waxa ay heli karaan waxbarasho afkooda ah.
Dugsiggu waa in uu qiyaasaa ardayga aqoontiisa luqadeed ee noorwiijiga, si loo ogaado in uu u baahanyahay waxbarasho gaar ah oo luuqadda noorwiijiga ah. Haddii qiyaasto ay sheegto in ardeygu u baahanyahay waxbarasho gaar ah oo luqadda ah, waxaa loo samaynayaa go’aan gaar ah oo ku saabsan waxa ay ka kooban tahay iyo baaxadda ay leedahay waxbarashada luqadeed ee gaarka ahi. Adigu waalid ahaan xaq ayaad u leedahay in aad ka cabato go’aankan.
Waxbarashada luuqadda noorwiijiga ee gaarka ah
Ardeyda ku cusub Noorway ee aan ku hadli karin noorwiiji badan, waxa ay heli karaan saacado iyaga loogu talagalay si ay u bartaan luuqada noorwiijiga. Tani waxa ay leedahay muqarar u gaar ah. Marka ay bartaan luuqad ku filan oo noorwiiji ah fasalkooda ayey la soconayaan, iyada oo la siinayo caawinaad yar oo dheeraad ah. Ulajeedada waxbarashada luuqada noorwiijiga ah ee gaarka ah waa in ardeydu ay barato luuqad ku filan oo noorwiiji ah si ay ula socon karaan fasalkooda iyaga oo aan caawinaad kale helin. Inta badan waqti dheer oo sannado ah ayey qaadataa in la barto noorwiiji si loogaga faa`iidaysto waxbarashada maadooyinka oo dhan.
Ku barashada maadooyinka laba luuqadood
Isla waqtiga uu ardeygu baranayo noorwiijiga, waa in ay sii wataan barashada maadooyinka. Markaa waxa muhiim ah in ardeydu ay caawinaad ku helaan luuqadda afkooga hooyo si ay u fahmaan maadooyinka. Macalinka maadada iyo macalinka laba-luqadoodluhu waxa ay ka wada shaqeeyaan waxa ardeygu ku baranayo afkiisa hooyo. Tan waxa loogu yeera labo-luqadood ku barashada maadooyinka, taas oo xanbaarsan in ardeygu maadada ku baranayo laba luqadood. Haddii ay lagama maarmaan tahay, ardeydu waxa ay xaq uleedahay wax ku barashada labada luqadood.
Barashada luuqadda afka hooyo
Barashada afka hooyo waa ilmaha oo la barayo afkiisa hooyo, ulajeedaduna waa in ardeygu si fiican u barto afkiisa hooyo. Tani waxa ay ardayga u sahlaysaa in uu noorwiijiga si fiican u barto. Dugsiga ayaa qiimeeya in ardeygu u baahanyahay barashada afka hooyo iyo in kale. Haddii uu dugsigu u arko in ardeygu u baahanyahay inuu barto afkiisa hooyo, markaa ardeygu xaq ayuu u yeelanayaa barashada afkiisa hooyo.
Fursad hordhac ah oo loogu talo ardeyda dalka ku cusub
Ardeyda waqti yar joogtay Norway waxay helaan fursad waxbarasho oo u gaar ah si ay u bartaan luuqadda noorwijiga ka hor inta aanay bilaabin fasalkooda caadiga ah. Degmada ay deganyihiin ayaa ardeyda cusub si koox, fasal ama dugsi ah ugu habeeya in ay helaan fursad waxbarasho oo hordhac ah. Qasab ma ahan in uu ardeygu galo waxbarashada hordhaca ah, laakiin ardeyda qaadata waxbarashada hordhaca ah waa ay kaga fiicanaadaan fasalka caadiga ah kuwa aan qaadan. Waxbarashada lagu qaato waxbarashada hordhaca ah waxa ay abuuraysaa isdhexgal iyo bay`ad wanaagsan oo waxbarasho.
Heerarka fasalada kala duwan waa caadi in ay ardeydu banaanka socod ugu baxaan, ay booqdaan matxafyo, ama ay dhaqdhaqaaqyo kala duwan ku sameeyaan fasalka dibadiisa. Tani waa waxbarasho la mid ah tan lagu qaadanayo fasalka gudihiisa, waana qasab in ardeygu uu ka qayb qaato.
Dugsiyada badankooda waa caadi in ardeydu ay u baxaan meel ay maalmo soo joogayaan oo ku dhaxayaan waxaana la yiraahdaa ceel-jaalle(leirskole). Ulajeedada arintan loo sameeyay waa in ay ardeyda ka xoojiso maaddo ahaan iyo dhaqan ahaanba. Bixitaanada uu dugsiggu diyaariyo waa lacag laaan. Haddii aad wax su
aalo ka qabto safarada ama socdaalka ay ardeydu u baxayaan, waxa aad kala hadli kartaa macalinka fasalka, si aad macluumaad badan uga hesho sida socdaalada iyo meelaha lagu dhaxo loo diyaariyey.
Mabaadii´da waxbrashada gaarka ah waxay sidoo kale khuseeyaan waxbarashada lagu qaato fasalka dibadiisa. Qiimo aad u badan ayey samaynaysaa haddii ardeyda oo dhan ka qayb qaadato. Muhiim ayey ardeyda u tahay in siyaabo kala duwan ay wax u bartaan, socdaalada noocaan ah macna weyn ayey u leeyihiin habdhaqanka iyo wadajirka fasalka. Haddii ay jiraan wax ka hor istaagaya ilmahaaga inuu ka qayb qaato socdaaladan, waa in aad kala hadashaa macalinka fasalka si ilmahaaga wax kale loogu diyaariyo.
Waa caadi in ardayda la soo siiyo shaqo guriga uu ku sameeyo dugsigga ka bacdi. Casharka gurigu sida caadiga ah waa casharadii lagu soo baray dugsigga oo la doonayo inay gurigana kaga sii shaqeeyaan. Waa ay wanaagsantahay adiga waalidka ah in aad la socoto oo aad xiiso u muujiso marka uu ilmahaagu ka shaqaynayo shaqada guriga.
Dugsiyada oo dhan waxay bixiyaan fursad caawin laylis (shaqo guri). Dugsiyadu waa ay ku kala duwanyihiin heerarka fursad loo siiyano caawinta shaqo guriga. Degmooyinka qaarkood ururada iskaa wax u qabsada ah ayaa fidiya caawinaad laylis. Dugsiga ayaad weydiin kartaa caawinaadka ka jira halka aad degentahay.
Ilmaha iyo dhalinyartu waxa ay wax bartaan marka ay dugsiga joogaan, iyo marka ay fasaxa yihiinba.
Dugsigga waqtiga ay ilmuhu waxbarashada dhamaystaan (SFO)
Dugsiyada oo dhan waxa ay leeyihiin meel lagu hayo ilmaha aada fasaka1- fasalka 4aad. SFO waa fursad ilaalin, daryeel iyo dhaqdhaqaaq oo la siiyo ardayda ka hor iyo ka dib waxbarshada dugsigag. Meesha ilmaha lagu hayo(SFO) waa lacag, laakiin degmooyinka qaar waa lacag la`aan.
Nashaadaadka waqtiga firaaqada
Carruur iyo dhalinyaro badan ayaa ka qayb qaata nashaadaadka waqtiga ay firaaqada yihiin, taasi oo ay wax badan ka bartaan. Haddii saaxiibada dugsigu ay si wadajir ah u xiiseeyaan waxyaalaha la qabto waqtiga firaaqada ah, waxa ay u sahashaa in ay saaxiibo helaan, taasi oo dhalisa in ardeyda uu dhexmaro xiriir bulsho oo wanaagsan. Waaliddiintu kaalin muhiim ah ayey ka ciyaaraan marka laga hadlayo waxa ay ardeydu qabtaan waqtiga firaaqada. Inta badan waaliddiintu waxa ay ka wada shaqeeyaan sidii ay caruurta u gayn lahaayeen ama uga soo qaadi lahaayeen meelaha ciyaarta iyo in ay ka qayb qaataan qorshooyin kala duwan. Waaliddiin badan ayaa tababarayaal ah ama caawinaadyo kale ka qabta meelaha ilmahoodu uga qayb qaadanayo ciyaaraha kala duwan. Waxaa muhiim ah in adiga waalidka ahi aad xiriir kala samayso waaliddiinta kale fursadaha ciyaaro ee markaas jira. Macalimiin badan ayaa iyaguna la socda ama og ciyaaraha ay ardeydu sameeyaan waqtiga ay firaaqada yihiin.
Xuska maalinta dhalashada
Waa caadi in casuumad la fidiyo marka la xusayo dhalasho. Tani waxa ay caado u sii tahay marka ay ilmuhu dugsiga hoose ku jiraan. Caruur badan ayaa xasaasiyad qabta, ama cuntooyin gaar ah cuna, taas oo keeni karta in ay ku adkaato inay ka qaybqaataan xafladahaas. Sidaa darteed waa muhiim in waalidku uu war geliyo waaliddiinta kale haddii ay jiraan wax ubadkoodu aanu cunin ama xasaasiyad ka qabo inta aanay ka qayb qaadan xaflada xuska dhalashada. Waa caadi in hadiyad yar loo geeyo ilmaha xafladda xuska dhalashada loo qabanayo. Waxa wanaagsan in shirarka waaliddiinta lagaga wada hadlo xafladaha dhalshada oo la isla garto haddiyada la is weydaarsanayo inta ay la ekaanayso. Waxaa muhiim ah in aan cidna laga horjoogsan xafladaha xuska dhalashada.
Xaqqa loo leeyahay talobixinta barbaariyaha bulshada
Dugsiggu waa in uu ardeyga ka caawiyaa horumarka shakhsi, dhaqan, maaddo iyo kan wax barasho. La taliyaha barbaariyaha bulshada ayaa ardeyga ka caawinaya in ay dugsigga la qabsadaan. La taliyaha ayaa ka caawinaya ardeyda arimahooda shaqsi, bulsho ama dareen dhibaato taas oo saamayn ku yeelan karta waxbarashada ardayda iyo xiriirka bulsho ee dugsigga.
Caawinaadu waxa ay ka koobnaan kartaa in la caddeeyo dhibaatooyinka iyo inta ay la’egyihiin iyo in la caddeeyo waxa uu dugsiggu ku caawin karo. Ardaygu dugsiga dibadiisana wuu ku helikaraa caawimo. La taliyaha barbaariye bulsho wuxuu ka caawin karaa in uu helo ama la xiriiro hay’adaha gargaarka ee saxda ah.
Hagidda waxbarashadda iyo xirfadda
Talo bixiyayaasha dugsiga dhexe ayaa ardeyga iyo waalidka siinaya macluumaad ku saabsan nooca waxabarashada dugsiga sare ee ardeygu codsan karo.
Hagida waxbarashada iyo xirfadda waxa ay ardeyga ka caawinaysaa inuu noqdo mid og dhaqankiisa, xiisihiisa iyo duruufihiisa. Tani waa in ay ardayga siisaa is-aqoonsi aanay kordhisaa kartidooda ay ku samaynayaan doorasho waxbarsho iyo xirfad wanaagsan. La taliyayaashu waxa ay ardeyda ka caawinayaan in uu qiimeeyo cawaaqibaadka ka imankara doorashooyinka ay sameeyaan, waxa ay ka hortagayaan in ay doortaan waxbarsho ama xirfad qalad ah. Ardeydu waa in ay helaan macluumaad iyo talooyin ku saabsan:
- Doorashada xirfadaha
- Fursadaha waxbarasho ee Noorway iyo dalalka kale ka jira
- Suuqa shaqo ee dalka iyo dunida ka jira
- Isticmaalka qalabka kala duwan ee talo bixinta.
U gudubka dugsiga sare
Ardeyda dhamaysatay dugsiga dhexe, waxay xaq u leeyihiin waxbarashada dugsiga sare. Marka ay ku jiraan fasalka 10-aad ayey codsadaan waxbarashada dugsigga sare.
Ardeyda timaada Norway dhammaadka dugsiga dhexe, waxa ay u baahnaan karaan waxbarasho dheerad ah oo dugsiga dhexe ah inta aanay bilaabin waxbarashada dugsigga sare. Degmooyinka qaar waxa ay siiyaan ardeydaa sanad dheeraad ah oo waxbarashada dugsiga dhexe ah. Meelaha qaarkood ardeygu waxa aadi kara dugsiga dhexe ee dadka waaweyn ama fursadaha aasaasiga ah (innføringstilbud) ee dugsiga sare. Meelo badan waxaa ka jira wax loogu yeero fasalada isku dhafan(kombinasjonsklasser) halkaas oo ay ardeydu dugsiga sare ku bartaan waxbarashadii dusiga dhexe oo dheeraad ah.
Informasjon om norsk grunnskole på somali
Alle foto er hentet fra shutterstock.com
- Du vil kanskje også like:
- Om barnehage og skolesystemet
- Tag: samlesideoppstartskole, samlesideoppstartskole